Ciidamada DKMG Soomaaliya oo maanta baaritaan Xoogan ka sameeyay Suuqa Bakaaraha iyo dhalinyaro ay soo qab qabteen…

Ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa maanta waxay baaritaan ka sameeyeen Suuqa wayn ee bakaaraha oo ku yaala xaafada H/wadaag. Ciidamadan ayaa la sheegay in ay halkaas ka soo qabteen dhalinyaro la sheegay in ay falal amaan daro ka wadeen magaalada Muqdisho, hub iyo Walxaha qarxa. Howlgaladaani oo waabarigii hore ee saakay ciidamada DKMG Soomaaliya ay ka sameeyeen degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qab qabtay 20-dhalinyaro ah oo la sheegay in ay Xiriir la leeyihiin alshabaab. Ciidamada ayaa la sheegay in ay si gaar ah u baarayeen Xaafadaha ku yaala suuqa iyo hareerihiisa, ayaga oo dadka waydiinayay Walxaha Qarxa. Sidoo kale waxaa baaritaankaas ka hadlay Taliyaha saldhiga Suuqa Bakaaraha ee DKMG Max’ed Max’uud Saciid (Sokor) waxa uuna sheegay in baaritaanka maanta la sameeyay ay qeyb ka yihiin sugida amaanka magaalada Muqdisho. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com

images2 Ciidamada DKMG Soomaaliya oo maanta baaritaan Xoogan ka sameeyay Suuqa Bakaaraha iyo dhalinyaro ay soo qab qabteen…

Link:
Ciidamada DKMG Soomaaliya oo maanta baaritaan Xoogan ka sameeyay Suuqa Bakaaraha iyo dhalinyaro ay soo qab qabteen…

Posted by gubta on Feb 24 2012. Filed under Main News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in