Alshabaab oo xiray wadada hor marta Garoonka L/50- iyo baaritaan Culus oo halkas ay ka wadaan Ciidamada alshabaab, dawo Sawiro wadada xiran…
Wararka ka imaanaya Deegaanka L/60 ayaa sheegaya in duqeymihii la la eegtay Kolonyada gaadiidka ah oo ay wateen saraakiil Al-qacida ah kadib ay shabaab isku Gadaamneen wadadaas iyo deegaanada u dhaw, ayaga oo ka bilaabay baaritaan Culus. Wararka soo gaaraya Xafiiska Nuxur.com ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto baaritaan aad u Culus, kadib markii la duqeeyay saacadihii la soo dhaafay Gawaari ay wateen Saraakiisha Al Qaacidada oo Somaliya iyo Ajaaniibta iskugu jira. Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo aad u badan ayaa wadadaas lagu arkayaa, waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka iskaga kala gooshi jiray gobolka Sh.hoose. Wadada ka imaan jirtay Magaaladda Marka iyo Shalambood, ayaa waxay ,muhiim u tahay dadka soo aada ama qudaarta iyo caanaha u soo qaada magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale shabaab wadada ka xireen wadada ka imaada Degmada Afgooye ee soo qaada dhinaca Deegaanka Laanta Buuro, dhinaca kale shabab ayaa la sheegay in ay halkaas ka qabteen Tiro dad ah Sidoo kale Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Korneel Cyrus Oguna oo goor wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay ka dambeysay weerarkaasi, ayna ku dishay sida uu yiri saraakiil ka tirsan Al Qaacida. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com

Read this article:
Alshabaab oo xiray wadada hor marta Garoonka L/50- iyo baaritaan Culus oo halkas ay ka wadaan Ciidamada alshabaab, dawo Sawiro wadada xiran…






