Taliska Nabad Sugida ee Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in ee gacanta kusoo dhigeen in sida la sheegay doonayay in Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad isku qarxiyo. Saraakiil katyirsan Hay’ada Nabad Sugida ayaa sheegay in ninkan ee gacanta kusoo dhigeen ee ku raad joogeen ku dhawaad 20-Maalin ugu danbeytiina ee gacanta ku dhigeen ninkaasi doonayay in uu Qaarajiyo Madaxweynaha Jamhuurida Soomaaliya Sheekh Shartiif Sheekh Axmad.
Waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku sugan wefdi uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaali C/weli Gaas, oo ay wehliyaan xubno ka soo jeeda Puntland, waxaana wefdiga R/wasaaraha ay maanta kulan la yeesheen wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga,oo ay kala hadleen arrimo ku saabsan khilaafka dowladda, shirka dhowaan loo balansan yahay inuu ka dhaco Ingiriiska & qodobo kale oo xasaasi ah, waxaana shir gaar ah oo albaabada la isku xirtay uu dhexmaray R/wasaare Gaas oo uu wehliyey C/risaaq Juriile & xubno ka mid ah wasiiradda dowladda Talyaaniga, waxeyna wararka ka imaanaya kulankaasi sheegayan in R/wasaaruhu ka hadlayey sidii ay dowladda Talyaanigu mashaariicyo kala duwan kaga hirgelin laheyd deegaanada Puntland. Xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso waxa uu u sheegay shabakadda Badweyn.com in wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga ay weydiiyeen R/wasaaraha sababta ay safarkiisa ugu wehlin waayeen dhigooda (Wasiiradda arrimaha gudaha & Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya)oo u soo kaxeystay xubno u badan Puntland. “Nidaamka dowliga ah waa uu dhigayaa haddii R/wasaaruhu la kulmayo wasiirka arrimaha gudaha ama gaashaandhiga in safarkiisa ay ku wehliyaan isla wasiiraddii ama ku-xigeenadoodii ee xukuumadda ku jiray, R/wasaaruhu wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay Madaxweynaha Puntland, dhammaan kulamadii uu la yeeshay labada wasiir waxaa ka qeybgalay isaga & Jurille xittaa Nuur Cadde oo ah safiir waxaa lagu yiri iska joog adiga laguuma baahnee, arrintaasi waxa ay ku tusineysaa sawirka dhabta ah ee R/wasaaraha” ayuu yiri xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday magaciisa, wuxuuna intaa ku daray inuu u soo jeedinayo madaxweynaha inuu arrintaasi il gaar ah ku eego.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Wasaarada Gaashandhiga ee Talyaaniga ay iskaashi wada shaqo la yeelan laheyd Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin dheer siiyey Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo ku aadan horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey soo celinta amniga iyo kala danbeynta, sida Xoreyntii Muqdisho, Jubbooyinka, Gedo iyo Beledweyn, Dadaalka Dowladda ee Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka (NSSP), iyo howlgalka ballaaran ee lagu xoreynayo dhammaan gobolada dalka ee ay Al-Shabaab joogaan. Wasiirka Difaaca Talyaaniga Gianpaolo Di Paola ayaa si diiran u soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli una sheegay in Talyaaniga uu si aad iyo aad ah u xiiseynayo arrimaha Soomaaliya diyaarna u yahay inuu saacido. Gianpaolo ayaa ku ammaanay Ra’iisulwasaare Abdiweli horumarka baaxadda leh ee uu ka sameeyey soo celinta amniga, Xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda, Dib-u-heshiisiinta, Dastuurka iyo Roadmap ka. Labada mas’uul waxey isla garteen in Talyaaniga uu Saacido Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, tababaro loo fidiyo ciidanka, in dib loo soo nooleeyo ciidankii Cirka ee Soomaaliya iyo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidankii Soomaaliya iyo Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka. Wasiirka Difaaca waxuu sheegay inuu diyaar u yahay in labo guddi ee labada wasaaradood ee gaashandhiga ay ka wada shaqeeyaan xiriirka labada wasaaradood. – Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia & Spokesperson of the Government
Muqdisho-hobyonet) Jen.Cabdi xasan Cawaalle (Qeybdiid) ayaa ka hadley weerar ismiidaamin ahaa oo isaga lagu bartilmaamedsanayey kaasi oo ka dhacay hoyga uu ka degenyahay magaalada koofurta Galkacyo ee Galmudug State. Cabdi qeybdiid oo warbaahinta u waramey ayaa sheegey in weerarkaasi lagu qaaday hoygiisa lagu doonayey in isaga lagu qaarijiyo,isagoo intaasi kiu darey in labo ciidan oo ka tirsan ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen halka labo kalena ay dhaawacmeen, waxaan dhinaca kale halkaa ku geeriyoodey ruuxii weerarka soo qaadey oo mid ka mid ah isqarxiyey markii rasaastu ka dhamaatay. Jeneral Qeydiid ayaa sheegey in la baaraayo falkaasi cidii ka danbeeysey laakiin dhinaca kale ay shaki weyn ka qabaan ururka al-shabaab oo uu xusey inay al-qaacida xiriir la leeyihiin. “Waan filayaa inay iyaga ka danbeeyaan sababtoo ah waxaa inaga dhexeeyey dagaal iyo in bulshada Soomaaliyeed laga ciribtirayo ayuu raaciyey” Jeneraalka oo xusey in weerarkani uu ka qaadayo dhiirigelin in howshiisii uu sii labo jibaaro isla markaana uu dhimanayo waqtigii Alle uu qadaro. Waxaa uu sheegey in magaalada galkacyo uu u joogo dhameynta qilaafaad ka dhex jirey maamulka sare iyo hey’adaha dhinaca dastuuriga ee Galmudug State iyagoo ka kooban 13 waxgarad oo Muqdisho uga tegey dhameynta qilaafaadkaasi. Dhinaca kale xarakada Al-Shabaab ayaa War ay soo saartey waxaa lagu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen, isla markaana uu fuliyay ruux naftii hure ahaa, iyadoo intaa lagu daray in weerarka uu ku wajahnaa Cabdi Qeybdiid, Sheekh C/casiis abuu muscab oo afhayeenka u ah al-Shabaab ayaa beeniyay wararka sheegaya in weerarkaas ay fuliyeen labo nin oo hubeysnaa, midna uu xirnaa waxyaabaha qarxa, hase ahaatee waxaa uu sheegay in hal nin kaliya uu fuliyay. Waxaa Al-Shabaab sheegeen in ruuxa fuliyay weerarkaas uu ka tirsan yahay dagaalyahanada u qaabilsan is qarxinta ee horay tiro ka mid ah gobolada dalka uga fulisay weerarada is qarxinta. www.hobyonet.com
Shir balaaran oo looga hadlaayay shir beri ka furman doono Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu maanta Magaaladda Muqdisho uu ku dhex maray masuuliyiin ka tirsan Dowladda, Amisom, Ahlu Sunna, Puntland iyo Galmudug. Shirkaan ayaa waxaa loogu gogol xaarayaa Shir balaaran oo maalinta berito ka dhici doono Magaaladda Muqdisho, kaasoo ay yeellan doonaan Guddiga Wadajirka Amniga oo ka kooban Dowladda, Amisom, Ahlu Sunna, Puntland iyo Galmudug, Igad, Qaramada Midoobe iyo kuwa kale ee daneeya arrimaha Somaliya. Raa’isal Wasaare ku Xigeenka Ahniga Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo kullankaan ka soo qeyb gallay, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in shirka beri ka furman doono Magaaladda Muqdisho ay yeellan doonaan Guddiga Wadajirka ee Amniga, isla-markaana wuxuu sheegay in looga hadli doono ammaanka dalka oo qura. Wuxuu kaloo uu sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid miro dhal wanaagsan leh ay ka soo bixi doonaan, isagoo intaasi ku daray in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay si weyn u soo dhaweyn doonto. Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Amisom, Ahlu Sunna, Puntland iyo Galmudug oo si horudhac ah uga wada-hadlay shirkaasi, ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen shirkaasi, isla-markaana waxay muujiyeen sida quruxda badan leh ee ay beri uga qeyb qaadan doonaan. Shirkaan oo beri ka dhici doono Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb-gelli doona Urur Goboleedka Igad, Qaramada Midoobe iyo kuwa daneeya arrimaha Wadanka Somaliya.
Hargeysa(RBC):- Agaasimaha Machadka Tabobbarka shaqaalaha dawladda Maxamed Mixile Boqore ayaa maanta Hudheelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa ku soo gabo-gabeeyay tabobbar ku saabsan habka maamulka xisaabaadka iyo maal-gelinta mashaariicda. Tabobbarkaas oo socday muddo saddex maalmood, waxa ka qeyb galay 25 xubnood oo ka kala socday Wasaarada daakhiliga, Maamulka Gobolka, maamulka degmada Hargeysa, Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka iyo Agaasimeyaasha waaxaha ee dawlada Hoose ee Hargeysa. Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi oo ku hadlayay afka ka qeyb galeyaasha tababarka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin tabarkan waxaanu tilmaamay inay macluumaadkii ay ka heleen ku dabiqi doonaan shaqo maalmoodkooda. Xoghayuhu wuxuu sheegay in tababarkani ka taageerayo maamulka dawlada Hoose sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen Mashaariicda JPLG-ga ee ay dawladaha Hoose ka taageeraan shan ka mid ah Ha’yadaha qaramada midoobay. Mawliid Waris waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin qiimayn lagu sameeyay tababarkan oo lagu ogaaday in maamulka dawlada Hoose ee Hargeysa yahay ta ugu nidaam wanaagsan marka loo eego dawlada hoose ee dalka. Agaasimaha mac-hadka tababarka shaqaalaha dawlada Maxamed Mixile Boqore oo ka hadlay xidhitaankii xafladaasi ayaa ku ammaanay 25kii masuul ee ka qeyb galay tababarkan oo uu ku sifeeyay inay si hagar la’aan ah uga qeyb qaateen mudadii aqoon korodhsiga ay ku gudo jireen. Mixile waxa uu sheegay inay tababaro noocan oo kale ah ku soo qabteen magaalooyinka Burco, Berbera iyo Boorame, waxaanu tilmaamay inay isla maanta tababarkan lagu soo gabo-gabo-gabeeyay Hargeysa iyo Gabiley. Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkani qeyb ka yahay mashaariic ay ka wada shaqeeyaan qaramada midoobay iyo dawladaha hoose ee dalka. Maxamed Mixile waxa uu ammaanay dawlada Hoose ee Hargeysa oo uu sheegay inay tahay ta ugu nidaamka wanaagsan dawladaha hoose ee dalka. Agaasimuhu waxa uu sheegay in machadkoodu ay Ha’yadaha qaramada midoobay ee maal-geliyay mashaariicda JPLG ay u soo jeediyeen in sadex laab loo kordhiyo dhaqaalaha si wax looga qabto adeegyada bulshada ee shanta degmo ee caasimadda. RBC Radio Xafiiska Wararka ee Hargeysa. .
Newyork-hobyonet) Xoghayeha guud ee Qaramada midoobey ayaa ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidanka midowga afrrika ee jooga Somalia. Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in tirada ciidanka midowga Afrika ee Somalia la gaarsiiyo ilaa 15-kun si loo xaqiijiyo amaanka guud Somalia oo weli ay ka taagan yihiin dagaalo Al Shabaab ay kula jiraan. Ban Ki Moon ayaa amaaney dadaalka DKMG iyo Ciidanka Midowga Africa ka gaareen dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab isla markaana kula dar-daarmey iney sii laba jibaaraan dagaalada iyo xoreynta dalka oo dhan. Ciidanka midowga Afrika ee Amisom oo ka kala socda dalalka Ugandha, Burundi iyo Kenya oo gadaal looga darey iyo qeyb yar oo Jabuuti ka socota ayaa iminka jooga dalka Somalia gaar ahaan Muqdisho,waxaana dhowaan ururka Midowga afrika shir ay ku yeesheen xaruntooda Adis Abeba lagu go,aamiyey in tirada ciidanka la gaarsiiyo ilaa 17-kun oo askeri iyadoo dalal ay Siralion ka mid tahay sheegtay iney dhowaan soo gaarayaan Muqdisho si ay Amisom ugu biiraan. www.hobyonet.com