Ra’iisul Wasaare Abdiweli oo la kulmay Wasiirka Arrimaha GudahaTalyaaniga {daawo Sawiro}
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogey Talyaaniga
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogey Talyaaniga
Number of View: 4 LONDON (CIYAARO)—Manchester City ayaa ku guuldareysatay in ay hogaanka Premier League sii wado markii ay 2-0 qasaaro ah kala kulantay Everton. Darron Gibson, oo horaantii bishaan ka tagay Old Trafford ayaa goolka u dhaliyay Everton, kaasoo cuuryaamiyay rajadii City ee hogaanka Premier League, inkatoo ay wali hogaanka ku heyso gool tirsi. City iyo United waxey isla leyihiin min 54 dhibcood 23 kulan oo ay wada ciyaareen, 5 dhibcood waxey ka sareyaan Tottenham Hotspur. Javier Hernandez iyo Dimitar Berbatov ayaa 2 gool oo rigoore oo ay u kala dhaliyeen Manchester United waxey u suuragalisay in ay 2-0 kaga badiyaan Stoke City, natiijadaasi waxey ka dhigantahay in ay hogaanka Premier League kula qabsatay walaasheed Manchester City. Manchester United's Javier Hernandez, centre, celebrates after scoring against Stoke during their English Premier League soccer match at Old Trafford Stadium, Manchester, England, Tuesday, Jan. 31, 2012. (AP Photo/Jon Super) 2 gool oo uu dhaliyay Gareth Bale iyo mid kale oo uu ku daray Luka Modric ayaa u sahlay Tottenham in ay 3-1 kaga badiso Wigan , waxaana hogaanka Premier League ka xiga 5 dhibcood oo kaliyaha. Bale goolasha uu dhaliyay tirada goolashiisa xilli ciyaareedkaan waxey ka dhigayaan 11 gool, James McArthur ayaa goolka u dhaliyay Wigan daqiiqadii 80d. Spurs, oo booska 3aad heysata waxey 7 dhibcood ka sareysaa Chelsea oo ku jirta kaalinta 4d oo ah kan ugu danbeeya ee loogu soo baxayo Champions League. Tottenham Hotspur's Gareth Bale, right, celebrates his second goal against Wigan Athletic with teammate Luka Modric during their English Premier League soccer match at White Hart Lane, London, Tuesday, Jan. 31, 2012. (AP Photo/Sang Tan) Chelsea ayaa naftu ku soo noqotay markii goolkii bareejada ahaa ee ay 1-1 kula gashay Swansea ay heshay dhamaadkii ciyaarta, goolkaasi wuxuu ahaa mid ay iska dhaliyeen kooxda reer Welsh. Scott Sinclair ayaa Swansea goolka 1aad u dhaliyay wax yar ka hore intii aan loo dareerin nasiinaha. Swansea, waxey aheyd kooxdii 2 todobaad ka hore ka yaabsatay Arsenal markii ay kaga badisay 3-2, waxeyna mar kale dooneysay in ay ka yaabsato Chelsea laakiin Taylor ayaa goolkii bareejada ahaa ka dhaliyay. Ashley Cole oo difaaca kaga ciyaara Chelsea ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 86aad. Sunni Said Salah
Muqdisho (RBC) Xilli aad loo hadalhayey isku shaandheyn raysul wasaare C/weli Gaas uu ku sameynayo golaha wasiirada KMG ee Soomaaliya ayaa maalintii Jimcaha [27 Jan,2012] raysul wasaaruhu wuxuu ugu dambeyn shaaca ka qaaday liiska uu iskugu shaandheeyey xubnaha wasiiro ku xigeenada iyo wasiiru dawlayaasha. Haddaba waxaa la isweydiinayaa dhowr waxyaabood oo ay suurtagal tahay in laga dhex garto isku shaandheyntan iyo sababaha ka dambeeya. Waqtiga isku shaandheynta Xukuumadda hadda xilka heysa ee raysul wasaare Gaas ayaa la soo magacaabay bishii July 2011, taasoo ka dhigan in hadda 7 bilood ay xilka heyso xukuumaddan. Xilliga isku shaandheyntan uu ku dhaqaaqay raysul wasaare Gaas ayaa ah waqti jiritaanka dawlada KMG ay ka dhiman tahay wax ka yar lix bilood isla markaana dhamaan madaxda Dawlada iyo beesha caalamka oo taageertaba ay u diyaar garoobayaan sidii waqtiga kala guurka looga gudbi lahaa. Dadka qaar ayaa filayey in wax isbedel ah aaney jiri doonin mudada kooban ee u haray DKMG isla markaana golayaasha hadda jira ay kaliya sidooda ku shaqeyn doonaan iyadoon wax ku daris iyo ka dhimis jirin. Dhanka kale isku shaandheynta waxay timid iyadoo uu meel sare marayo khilaafka baarlamaanka KMG dhexdiisa ka taagan ee ka dhashay xil ka qaadistii Shariif Xasan ee 13-kii Disembar ay shaaciyeen xildhibaano gaaraya 287 mudane taasoo labo garab u kala jebisay baarlamaanka welina aan xal loo helin, isla markaana calaamo su’aal ku ah xukuumadda hadda xilka heysa. Nuxurka isku shaandheyntan Waxay u muuqataa in aysan sidii la filayey u dhicin isku bedelka xukuumadda oo markii hore la filayey in wasiirada ay saameyn doonto sababo loo aaneeyey gaabiska shaqada xukuumadda iyo ka faa’ideysiga fursadaha hadda yaalla gudaha oo loo arko in xukuumaddan hadda jirta aysanba u indho furneyn wax badan. Laakiin waxaa jira ugu yaraan mid ka mid ah saddex ujeedo oo waaweyn in dartood loo qaaday isku shaadheynta xukuumadda ee timid waqtigan muhimka ah. 1- Qancinta Beelaha Marka aaddibu eegto liiska waxaa ka muuqda wajiyo cusub oo badankood ah dad aan horey ugu jirin golaha wasiiradda. Xitaa beelaha ay ka soo jeedaan ayaan lagu aqoon xilal wasaaradeed oo sida hadda muuqata jufo kasta waxaa la siiyey wasiir ku xigeen ama wasiiru dawle taasoo cadeyn u noqon karta ugu yaraan in ujeedada isku shaandheyntan soo dedejisay xilligan ay tahay si loo aamusiyo qabiilada iyo jufooyinka gocoshadu ku jirto. La taliye ka mid ah ragga ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa yiri “qeylada beelaha way badneyd tan iyo markii uu raysul wasaare Gaas xafiiska yimid. Marka dan bey noqotay in muraayada la iska wada arko”. Sida ku cad liiska raysul wasaaruhu soo saaray waxaa la bedelay wasaaradihii hore u lahaanjiray labo-wasiir ku xigeen iyadoo hadda lagu soo kordhiyey wasaarad kasta inay yeelato Wasiiru dawle. Hase yeeshee waxaa iyana jirta su’aal ku saabsan wasiiru dawlayaasha iyo wasiir ku xigeenada cida awooda fulinta wasaaradaha iska leh? Taasoo micne weyn u leh dadka xilalka loo magacaabay iyo beelaha-ba. 2- Tijaabo hordhac ah Waxaa sidoo kale jirta aragti sheegeysa in isku shaandheynta wasiir ku xigeenada ay micne ahaan hordhac u tahay talaabo weyn oo isbedel ah oo lagu sameyn doono xukuumadda iyo raga xilalka sare ka haya dawlada [big figures] waqtiga dhow taasoo hase yeeshee marka hore lagu sahaminayo sida isbedelka yar loo soo dhoweeyo ka dibna wixii halkaasi laga barto lagu dhaqaaqo. Laakiin si arintan iyada ah loo meelmariyo waa in la ilaaliyo habka isu dheelitirka xerooyinka siyaasadeed [political camps] ee hadda jira oo dawlada dhexdeeda ka jira. Tusaale ahaan; xulufada madaxweyne Shariif, kuwa Shariif Xasan iyo taageerayaasha raysul wasaare Gaas waa inay helaan awood siman marka ay timaado awood qeybsiga gudaha. Waxaa aad loo hadalhayey in dadka boosaska weyn doona ay ugu horeeyaan C/samad Macalin Maxamuud oo ah wasiirka arimaha gudaha iyo Xuseen Carab Ciise oo ah wasiirka difaaca. Labadan wasiir ayaa kaalin mug leh kaga jira xulufooyinka. 3- Maalgashi Agoosto ka dib Waqtigan waxaan ognahay in dawlada iyo beesha caalamkuba u diyaar garoobayaan dhameynta marxaladda ku meelgaarka oo ku eg bisha Agoosto 2012 oo ah isla maqtiga ay ku egtahay sharciyada hay’adaha DFKMG ah (Mandate of TFG institutions), sidaasi awgeed madaxda sare waxay baahi u qabaan inay kasbadaan taageerayaal niyad fiican oo si daacadnimo ah ula ololeeya mustaqbalka dhow si ay xukunka u helaan ama ugu yaraan dawlada dambe uga mid noqdaan. Tani waxay u baahan tahay in maalgashi lagu sameysto dadka ku jira xulufooyinka kala gedisan, sida xubnihii hore ee ururkii Maxkamadaha, kooxda Aala Sheekh ee Villa Soomaaliya, taageerayaasha xirfadlayaasha ah ee Shariif Xasan, qurbejoogta siyaasadda ku laran iyo ganacsatada. Waxaa iyana muhim ah sida xariifnimada ee uu raysul wasaare C/weli Gaas u miisaamay labada garab ee baarlamaanka KMG ah u kala jaban yahay. Wuxuuna markan min labo wasiir ku xigeen kala siiyey xildhibaanada raacsan Shariif Xasan iyo kuwii doortay Madoobe Nuunow Maxamed. ____________________________________________ W/Q: Cabdalle Muumin RBC Radio
Bahrain signed a $1.5 million deal to provide a teachers’ institute for Somalia, marking Bahrain’s
Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa sheegay inay si guul leh ugu soo dhammaadeen kulammo ay isaga iyo Wasiirka arrimaha dibeddu Addis Ababa kula yeesheen masuuliyiinta dhinaca ammaanka iyo madax kale oo dawladda Itoobiya ka tirsan. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo galabta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu soo dhammaystay safar uu khamiistii ku tagay Itoobiya oo uu ku weheliyey Wasiirka arimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagu hadda kaga dambeeya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Wasiir Duur waxa markii uu soo gaadhay magaalada Xuduudda ku taalla ee Tog-Wajaale, Warbaahinta uga warramay natiijada kulammadaas. Wasiir Duur, ayaa sheegay kulamma uu la yeeshay Saraakiisha amniga iyo Sirdoonka ee dawladda Itoobiya ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha ammaanka labada dal. Waxaanu xusay inay dhammaan waxyaabaha ay ka wadahadleen iyo kulammadooduba isfaham ku dhammaadeen. Wasiirka Duur, waxa uu sheegay in aanay la kulmin Madaxda Killalka Shanaad ee Soomaalida Ethoipia, islamarkaana wixii ay u baahnayeen xagga amniga ay kala hadleen Dawladda Faderaalka ee Ethoipia “Runtii Kilalka shanaad ee ismaamulka Soomaalida lamaannu kulmin ee waxaannu go’aansannay inaanu la kulanno dawladda Faderaalka ah ee Itoobiya, taasoo aannu ka wadahadalnay xagga amniga.” ayuu yidhi Wasiir Duur. Waxa kale oo ka hadlay halka ay marayso arrinta degaanka Seemaal oo dhammaadkii sannadkii hore saddex qof lagu dilay iyo waxa ay ku dambaysay, waxaanu sheegay in arrintaas gacanta lagu hayo, isla markaana Madaxda Gobalka oo ku sugan Degmada Wajaale aanu kala hadlin. Hase-yeeshee, hawshaas wax badan laga qabtay, wax badanna ay dhiman yihiin. RBC Radio Xafiiska Wararka ee Hargeysa.
Boosaaso [RBC Radio] Xulka Kubada Cagta ee gobolka Bari ayaa maanta kulan lagu sogootinayey waxaa loogu qabtay guriga gobolka Bari ee magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Guddoomiyaha Ciyaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase ,Ciyaartooyda gobolka iyo Taageerayaal farabadan. Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo kulanka Sagootinta ah qabtay ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxda kubada cagta ee gobolka Bari ay u rajeynayaan guul,wuxuuna tilmaamay inay si weyn ugu faraxsan yihiin horumarka uu gaaray gobolku dhanka Ciyaaraha oo uu guulo lama ilaawaan ah usoo hoyey. Halkaan Ka Dhageyso Khudbadii Guddoomiyaha Kubada Cagta gobolka Bari Mustafe Majacase …….”Ciyaartoyda gobolka Bari oo ku caan ah laguna bartay firfircooni, koobabkii lagu qabtay Puntland ee heer gobol ahaana intoodii badneyd ku guuleystay hadeerna rajeyneyno haddii Ilaahay idmo in ay kasoo hooyaan guul kuna guuleystaan Koobka ….”ayuu yiri Guddoomiye Galan. Guddoomiyaha Ciyaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase oo ku weheliyey Sagootinka Ciyaartoyda gobolka Bari ayaa xusay in sidii looga bartay Xulkaan kusoo bandhigi doonaan wacdaro,wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta ay Shacabka kunool gobolka ay yihiin kuwa si siifan u fahmay waxtarka uu Sports-ku u leeyahay bulshada. Sidoo kale Tababaraha Xulka Kubada Cagta gobolka Bari Shariif Maxamed Cadow[Shariifow[ oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in uu ku kalsoonyahay tayada Ciyaartoydiisa uuna filayo in ay guulo la taaban karo kasoo hooyaan tartanka koobka gobolada Puntland ee lagu qabanayo magaalada Garoowe. Halkaan ka Dhageyso Khudbadii Tababaraha gobolka Bari Shariif Maxamed Cadow Si kastaba Kooxda kubada cagta ee gobolka Bari ayaa la filayaa in berrito ay wada ciyaaraan Xulka dhigiisa ah ee Nugaal,waxaana si weyn looga dareemayaa gudaha ,agaalada Garoowe iyo Puntlandba Ciyaaraha Puntland. Cismaan Turaabi RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso
Number of View: 3 FRANCEVILLE, Gabon (CIYAARO)—Gabon ayaa booska 1d kaga soo baxday Group C, tartanka Africa Cup of Nations markii ay 1-0 kaga badisay Tunisia oo ay caawa oo talaado ah ku wada ciyaareen garoonka cidlada ahaa ee Stade de Franceville. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolkiisii 3aad ee tartanka Africa shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 62d , sidaan xulka koobka martigalinaya uu kaalinta 1aad ku xaqiiqsaday, laakiin nasiibku wuxuu u saamaxay in uu ka fogaado in ay isku dhacaan Ghana heerka quarter-final-ka. Gabon, oo guushaan u aheyd tii 3aad oo ay tartanka ka hesho ayaa 6 dhibcood ku soo baxday, waxaana ku wehliya group-ka oo kaalinta labaad ku soo baxay xulka ay ka badisay ee Tunisia. Morocco ayaa Niger u diiday in ay hesho guushii ugu horeysay oo ay ebed ka helaan tartanka Africa Cup of Nations oo ay markii ugu horeysay taariikhdooda ka qeybgalayaan markii ay 1-0 qasaaro ah loo saariyay sidaana ay koobka labadooduba kaga hareen. Morocco soccer team reacts after scoring against Niger during their African Cup of Nations Group C soccer match at Stade De L'Amitie in Libreville, Gabon, Tuesday, Jan. 31, 2012. (AP Photo/Francois Mori) Niger, guuldaradaan waxey u aheyd tii 3aad oo isku xigta oo ay ka qaadato tartanka African Cup of Nations. Sunni Said Salah
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo galabta khudbad dheer ka jeediyeymunaasabadii ugu horeysay ee lagu xuso markii uu xukunka qabtay saddex sano ka hor ayaa wuxuu kagahadlay arimo fara badan oo ka mid ah waxyaabaha hadda taagan iyo hawlihii uuqabtay intii uu xilkan hayey tan iyo bishii Janaayo sanadkii 2009 markaasoo lagu doortay wadanka Jabuuti. Madaxweyne Shariif ayaa qeybtii u dambeysay ee hadalkiisa wuxuu ku soo qaatay khilaafka baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa kii isaga u doortay xilka madaxtinimada markii labalaariyey. Wuxuuna walaac ka muujiyey in khilaafka ka dhashay jagada afhayeenka uu weli taagan yahay. “Waxaad noogu duceysaan aana ku dadaaleynaa inaanxalino khilaafka baarlamaanka”ayuu yiri Sheekh Shariif oo hadalkiisa ku daray “Aniga marka la i weydiiyo maxay tahay baarlamaankaan maalin kasta kuraasta isku garaacaayo waxaan jawaab ka dhigtay, dadkii 20-sanohubka heystay hadey maanta baarlamaan joogaan oo gacanta taagayaan oo leeyihiin mudane aniga ha la i doorto waa horumar la gaarey”. Shariif Xasan hala daayo Sheekh Shariif oo intii uu hadlayey uu dhinac fadhiyey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda xilkiisu muranka ku jiro ka dib markii mudanayaal 287-mudane ay xilka afhayeenka ka qaadeen 13-kii Disembar ayaa wuxuu codsaday in Shariif Xasan loo daayo xilka afhayeenka illaa uu ka dhamaanayo waqtiga dawlada oo ku eg bisha Agoosto, wuxuuna yiri; “Dadka ka horjeeda gudoomiyaha [Shariifka] waxaan ka codsanayaa in ay iska daayaan waqti yaraa u harsane ha dhamaystee”. Madaxweynuhu wuxuu isagoo kaftamaya ereyo u muuqday “weerar” ku qaaday Shariif Xasan, wuxuuna ka dhawaajiyey in maro ku dhegnimadu aysan ku fiicneyn siyaasadda. “Aniga hadaan xil qaban waayo waxaan diyaar u ahay inaan cidii talada heysa la shaqeeyo ama aan gurigeyga iska fariisto oo aan danaheyga raacdo”ayuu yiri. Wuxuu sii raaciyey “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan oo haddii ay haayaan talo wax tar ah keenaan”. Wuxuu kaloo sheegay in dhamaadka waqtiga dawladan KMG ah ka dib baarlamaanka uu ugu horeyn doono dadka la soo dooran doono,ka dibna uu kuxigi doono gudoomiyaha,markaasi ka dibna la dooran doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. “Dadka xilka haya ma jecla isbedel,… Waxaan ku dhaqmi doonaa dimuqraadiyad, mar hadaad rabitaanka shacabka ku timid waxaa fiican inuu isbedel yimaado, isbedelkana waxaa ugu horeyn doona baarlamaanka iyo gudoomiyaha…….”, ayuu yiri madaxweyne Shariif oo fiirinayey Shariif Xasan oo dhankiisa midig kursi ku fadhiyey.
Number of View: 4 LONDON, (Reuters) – Chelsea reduced their losses and posted a record turnover in the year ending June 30, 2011 with the club saying Tuesday’s figures showed they were focused on meeting UEFA’s new financial rules. A loss of 67.7 million pounds ($106.83 million) was an improvement from 70.9 million the previous year while group turnover increased to 222.3 million pounds from 205.8 million. The increase in revenue was mainly due to higher receipts from the Champions League and a rise in income from an overseas broadcasting contract, the Premier League club said on their website (www.chelseafc.com). “Achieving a record level of turnover is satisfying given the economic background against which we are operating,” added chief executive Ron Gourlay. The west London club said match day receipts and commercial revenue had held up well in the face of turbulence in the wider economy. The figures cover a year when Chelsea, owned by Russian billionaire Roman Abramovich, splashed out a British record 50 million pounds to sign striker Fernando Torres from Liverpool. The financial fair play rules of European soccer’s ruling body UEFA, which come into force for the 2013-14 season, are designed to stop clubs spending more than their income. Teams who fall foul of the rules face banishment from the Champions League and Europa League. “The club is focused on complying with the requirements of UEFA’s financial fair play regulations while maintaining its ability to challenge for major trophies,” chairman Bruce Buck said. “We would expect this to be reflected in our results for the current financial year.” ($1 = 0.6337 British pounds)
Ayadoona wali Sheekh C/raxmaan Fiilow uu gacanta ugu jiro Kooxda Amniyaadka ee Axmed Godane ayaa waxaa arrintaasi ka Gadoodday Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee uu ka soo jeedo Fiilow oo iyagu maanta Hubka dhigay islamarkaana shaaciyay inay ka baxeen Maleeshiyaadka Shabaab. Waxaana aad cabsi looga qabaa in xiisad ku aadan tilaabadaasi ay Kismaayo ka dhacdo. Ilaa 350 nin oo ka tirsanaa Shabaabka kana soo jeedo Beesha Mareexaan ayaa Hubkoodii kala soo wareeggay fariisimaha ay Shabaabku Kismaayo ku leeyihiin, waxaana ay sheegeen in hadii aysan marnaba iyagu ka amaan helaynin kooxda Aminiyaakda Godane aysan dagaalka ku sii jiri doonin. Nabadoon kamid ah Beesha Mareexaan oo magaciisa qariyay ayaa Badweyn.com u sheegay in tani ay tahay go’aankii ugu dambeyay ee ay ciidamada Beeshu gaareen, maadaama ay soo laa laabteen falal afduubka ah ee ay Kooxda Godane ay u geysanayaan ragga u dhashay beesha Mareexaan ee Shabaab ka tirsan. Ilaa hada waxaan war iyo wacaal loo haynin halka uu ku sugganyahay C/raxmaan Fiilow oo ay xili habeen ah gurigiisa ka wateen Maleeshiyaadka hoos taga Dhagr qabe Axmed Godane oo ah hogaamiyaha Ajaanibta Shababka, waxaana la sheegay in wali baaritaano lagu hayo Fiilow. Kooxda Aminiyaadka Godane ayaa horay u dilay dhowr Sargaal oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo ka tirsanaan Shababka kadib markii ay is maandhaafeen Dhagar qabe Godane.