Archive for: 2012

Oday dhaqmeed farriin u diray Faroole, tallona u jeediyey Shariif-ka & Mahiiga.

Xassan Max’ed C/qaadir oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ka qeybgalaya ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka ayaa soo gaarsiiyey saxaafadda qoraal uu ku muujinayo aragtida isaga & xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha ay ka qabaan hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha maamul beeleedka Puntland C/raxmaan Faroole, ee ku saabsanaa in shirka odayaasha loo wareejiyo Addisababa, wuxuuna ku tilmaamay C/raxmaan Faroole shaqsi aan kalsooni isu qabin, ummadiisana kalsooni ku qabin oo aaminsan in ay Itoobiya u meelmarin karto ujeedooyinkiisa gurracan, isagoo u soo jeediyey beesha uu metelo ee Majeerteen in ay ka fiirsadaan in damaca shaqsiga ah ee Faroole ku taamayo inuu dhaawici karo sumcadda & taariikhda beeshaasi ay ku leedahay Soomaaliya. Xassan wuxuu ku nuuxnuuxsaday in qaswadaha dhabta ah ee arrimaha Soomaaliya inuu yahay Mahiga, oo awood ka badbadis ah siiyey Puntland, wuxuuna intaa ku daray in Faroole uu faraha la galay howlihii ay qaban laheyd dowladda dhexe, oo uu is moogeysiinayo in uu madax u yahay beel ka mid ah beelaha Soomaalida. “Dowladda waa in ay sugtaa oo ay fursad siisaa gobolada kale ee aan weli afkaartooda dhiiban, haddii Puntland xuquuqdeeda un la buunbuuniyo halkeey ku dambeynayaan xuquuqda gobolada kale ee Soomaaliyeed.?” ayuu yiri Xassan Max’ed C/qaadir, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay ceeb & wejigabax ku noqoneyso in masiirkii ummadda Soomaaliyeed gacanta loo geliyo kooxo ay horboodayaan labadda Shariif, Faroole & Gaas. “Madaxweyne Shariif haddii siyaasadiisa gurracani ay tustay in Puntland inta aan ka aheyn la maquunin karo ama uusan codkooda u baahneyn, waxaa la is baran doonaa 20 Ogoosto marka la gaaro xilliga doorashada” ayuu yiri Xassan Max’ed C/qaadir, wuxuuna xusay in madaxweyne Shariif uu xariga u sii daayey C/raxmaan Faroole taasina ay sababi karto isbarbar yaac. Xassan wuxuu sheegay in Mahiiga uu mar walba faragelin qayixan ku sameeyo arrimaha gudaha ah ee Soomaaliya, isagoo ka faa’ideysanaya waqtiga adag ee ay Soomaalidu ku jirto & dadka masiirka ummadda horboodaya oo ah kuwa ay kala weyn tahay qiyamka & sharafta dowladnimada Soomaaliya danahooda gaarka ah, oo aan kala garaneyn shaqada Mahiga uu u xilsaaran yahay in aysan aheyn inuu dadka u yeeriyo rabitaankiisa shaqsiga ah, balse ay tahay inuu ka saacido Soomaalida waxyaabaha daruuriga ah ee ay beesha caalamka uga baahan tahay. “Mahiga ma ahan inuu ku mashquulo rabitaanka Puntland, aaway goboladii dalka rabitaankooda, Soomaali waa is taqaanaa tiro ahaan marka ay noqoto, Puntland waxey ka mid tahay beelaha ugu dadka yar marka loo fiiriyo gobolada Soomaaliya, beesha caalamka waa in ay dhexdhexaad noqotaa oo haddii ay dastuur soo dhoodhoobeyso uu noqdaa mid ka tarjumaya ummadda Soomaaliyee maslaxadooda & midnimadooda” ayuu yiri Xassan Max’ed C/qaadir. “Ninkan Faroole ee beesha caalamku u aqoonsan tahay inuu yahay madaxda burcad badeeda Soomaaliya haddii aan ummaddan laga qaban wuxuu mar dhow sheegan doonaa inuu isagu yahay madaxweynaha Soomaaliya” ayuu yiri Xassan. W/Q Max’ed Xassan E-mail: waddani73@hotmail.com

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo jawaab ka bixiyey hadalkii Faroole.

Xildhibaanadda kala ah C/fitaax Shire & Ibraahim Isaaq Yarow oo saxaafadda la hadlay , ayaa ka hor yimid hadalo ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Faroole, oo ku saabsanaa in shirka ansaxinta dastuurka ee Muqdisho ka socda Itoobiya loo wareejiyo, waxeyna xildhibaanadani isweydiiyaan cidda wadanka madaxweyne ka ah in ay tahay Sheekh Shariif & in ay tahay C/raxmaan Faroole. ” Yaa dalka madaxweyne ka ah, ma Farole mise Sheekh Shariif” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim yarow, wuxuuna intaa ku daray in dowladnimadii & sharaftii Soomaaliya ay soo ceshan laheyd ay walaaqayaan mar walba shaqsiyaad damaaci ah oo uu sheegay in sidii ay dantooda ku gaari lahaayeen oo keliya wax u qasaya. “Sheekh Shariif waa inuu yiraa aniga maamul goboleed amar ima siinayo, anigaa amar siinaya, heshiisyadda & shirarka aad la galeyso dowladdaha kale waa in ay dowladda dhexe soo maraan, sidee ku dhici kartaa in maamul beeled uu heshiis la galo wasaarad ka tirsan dalka Hindiya, aaway dowladdii dhexe, Sheekh Shariif macna darro ayuu meesha u fadhiyaa” ayuu yiri Ibraahin yarow. Xildhibaan C/fitaax Shire oo isna ka hadlay arrintaasi wuxuu sheegay in muddooyinkan ay soo badatay in la yiraa haddii waqtiga loo qabtay ansixinta dastuurka ay wax qabsoomi waayaan, waxaa dhici karta in maxmiyad la geliyo dalka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay haddaba sidan maxmiyad ugu jirto, oo dalku uu u taliyo Mahiiga. “Soomaaliya waa waddan ka gablamay dadkii aqoonta lahaa, oo ay u talinayaan midba midka uu ka liito, dadkii ummadda ugu liitay ayaa hogaan looga dhigay, waxaana banaanka la dhigay cid kasta oo dalkan xaaladiisa ka damqaneysa, waxeyna Soomaaliya badbaado ku heli kartaa in la helo ummad karti leh, oo hadafkoodu yahay sidii ay ummaddan u samatabixisa dalka, lagana qabto wadanka kuwa kuwa damiirlaawayaasha ah ee shisheeyaha isku dhiibay” ayuu yiri C/fitaax Shire, wuxuuna intaa ku daray in faragelinta dowladaha deriska ah ay mar walba xaaladda Soomaaliya kaga sii dareyso. W/Q Max’ed Xassan E-mail: waddani73@hotmail.com

Qasnajigii Guud ee Shirkada Maamusha Garoonka Muqdisho Ee SKA Oo La Goostay Lacago Badan

Muqdisho (RBC Radio) Waxaa maanta gabi ahaanba goostay qasnajigii guud ee Shirkada Maamusha garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho SKA, waxaana la sheegay inuu la goostay lacag badan oo uu haayay. Wararka ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu saaka diyaarad si qarsoodi ah uu kaga raacay qasnajiga ayada oo aanan la ogayn, waxaana la sheegay in diyaaradaasi ay ku siijeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Arintaan waxay soo baxday maanta goor danbe oo la ogaaday in uu gabi ahaanba maqanyahay qasnajigii guud ee shirka maamusha garoonka diyaaraha ee Magaalada Muqdisho, isla markaana uu goostay. Waxaa la sheegayaa in ninkaan uu u dhashay wadanka Masar isla markaana uu ahaa Kirishtan, wuxuuna sidoo kala uu ahaa Lacag haayaha guud ee shirkadaan oo ayadu ah mida hada maamusha garoonka Muqdisho oo dhan. Haatan ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu la goostay ninkaan lacag gaaraysa  350-kun Dollar, taasi oo ah lacagtii la aruurinayay sadaxdii bilood ee ugu danbaysay sida lagu waramayo. Lama oga in lacagtaan haatan lala goostay in ay ku jirto lacago ay leedahay dowlada Soomaaliya, maadaama dowlada ay canshuur ka qaado garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho. Cali Maxamed Xasan oo ah maareeyaha garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in arintaan aysan waxba kala socon dowlada Soomaaliya iyo waliba maamulka garoonka Muqdisho. Sidoo kale maareeyaha garoonka Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Shirka SKA aysan dowlada Soomaaliya waxba kala socon shaqaalaha ay qaadato waliba dadka ay shaqaalisiiso. Horay ayaa gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wuxu sheegay in ay jiraan shirkado badan oo ka howlgala magaalada Muqdisho oo aysan dowlada Soomaaliya wax badan aysan ka ogayn waxyaabaha ay qabtaan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho

Wakiilka Midowga africa ee Somalia oo Muqdisho u yimid sababta keentay dib-u dhaca ansixinta dastuurka muranka uu ku jiro

Muqdisho-hobyonet) Wakiilka Midowga Afrika u Qaabilsan Arrimaha Wadanka Soomaaliya Jerry Rawlings, oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Socdaalka Jerry Rawlings ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu salka ku hayaa dib u dhaca ku yimid Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo 15-kii bishaan lagu waday in lagu ansaxiyo Magaalada Muqdisho. Midowga Afrika oo mid lagama maarmaan ah ku tilmaamay in la-meel mariyo Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa waxaa u soo baxday in qeybaha Soomaalida ay isu hayaan meel marinta Dastuurka Qabto Qoraalka. Waana taa midda Jerry Rawlings keentay in uu maanta uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulan uu Magaalada Muqdisho uu kula lee-yahay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Somaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Golahiisa Wasiirada. Jerry Rawlings ayaa waxaa la-fillaayaa in Mudane Gaas iyo Golaha Wasiirada uu kala hadlo dardar gelinta Habraaca Marxalada Kala Guurka, soo dedejinta Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo sidii loo-heli lahaa xubnihii matali lahaa Baarlamaanka cusub ee Qabaa’ilada Soomaalida uga qeyb gallaaya. Waxaa muuqaneysa in murun xoogan uu ka taagan yahay Dasbtuurka Qabyo Qoraalka, waxaana ku jira qodobo badan oo si xoog leh uga hor imaanaaya Diinteena Suuban ee Islaamka, waana midda ugu daran ee Dastuurka lagu qaadacsan yahay.

Shirkadda Horn Petroleum oo joojisay qodista ceel shidaal ay ka sameeynaysay dhulka Puntalnd

Ottowa-hobyonet )Shirkada Horn Petroleum Corp ee qodeysay ceelka Shabeel ee ku yaala dhulka maamulka Puntland Soomaaliya ayaa ku sheegtay war ay soo saartay in ay joojisay shaqadii qodista a hayd ee ay ka wada halkaasi. Ceelkan oo ku yaala dooxada Dharoor ee gobolka Bari kaasi oo ay sheegtay Shirkadu in aan laga helikarin shidaal ama gaas dhaqaale oo dabooli kara baahida jirta. Shrikada ayaa la sheegay in ceelka ay intiisa badan qoday in kastoo aan la gaarsiin halkii loo baahnaa laakiin shirkada ayaa shaqadii ay caykaasi ka heysay ku joojisay war ay ka soo saartay magaalada Toronto ee dalka Canada. Horn Petroleum Corp ayaa hada howshan mid la mid ah ka bilaabidoonta waqooyi dooxada Dharoor ee dhulka maamulka Puntland halkasi oo ay shirkadu sheegtay in lagu kalsooni badan yahay. Shirkadan oo laga leehaya dalka Canada ayaa howlgalkeeda ugu badan ka fulisa qaarada Africa iyadoo wadamo badan oo qarada ah ka wada howlo ceelal qodis ah.

Xaflad lagu xusayay 21 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland ka baxeen Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalada Oslo.

xaflad lagu xusayay  21 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland ka baxeen Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalada Oslo. Xafladan ayaa lagu qabtay   barxada loo yaqaano Youngstorget ee magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasoo ay Boqolaal dadweyne ah iskugu soo baxeen ayagoo  ku  muujinaayo   taageerada ay u hayaan. Xafladan ayaa ka muuqday  dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida odoyaasha, hablaha, caruurta iyo dhalinyaradaba,  ayagoo isku soo xardhay   calanka Somaliland ee     3 da midab ka kooban. Ugu dambayntii ayaa  xafladii waxay ku  gabagabowday heesta calanka Somaliland iyo  heeso kale  oo    ka hadlaya  hidaha iyo dhaqanka.

India iyo Imaaraadka carabta oo ku heshiiyey iskaashi la dagaalanka burcad badeeda

Dubai-hobyonet) Dowladaha India iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay siwad jir ah uga wada shaqeyndoonaan ladagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta Gacanka Cadmeed iyadoo labada dal ay wadaagi doonaan sirdoonka isalamarkaana ay ka caawindoonaan dib u dhiska dalka ay mashaakilaadku la dageen ee Soomaaliya. Wadajir u wada shaqeyntan dhaxmaraysa labada dowladood ayaa timid ka dib markii ay kulmeen wasiirka arimaha dibada India S.M Krishna iyo dhigiisa dalka isku taga imaaradka carabta Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan kuwaas oo sheegay baahida loo qabo la dagaalan wada jira oo lala galo burcad badeed Soomaaliyeed ee qatarta ku ah maraakiibta ganacsiga eek u goosha gacanka cadmeed iyo biyaha Soomaaliya. Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan ayaa dhankiisa tilmaamay in isbadal dhanka wanaagsan ah oo laga sameeyo dhulka Soomaaliya ay u wanaagsan tahay dhaqaalaha iyo abuurida fursado shaqo oo ay helaan dhaliyada Soomaaliyeed eek u mashquulsan howlaha qafaalashada ah ee ay ka wadaan badda. Waxa uu intaasi siiraaciyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay goor horeba bilaawday la shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira iyadoo sidoo kale ka qeyb qaadatay caawinta iyo taageerida dowladda iyo sidii ay u guuleeysan lahaayeen dadaalada la doonayo in meel qura la iskugu geeyo dhinacyada Soomaalida. Buracad badeeda Soomalida ayaa hada gacanta ku heeysa in ka badan 60-kaluumesato Indian ah kuwas oo ay ka doonayaan in lacago madaxfurasho ah laga siiyo si ay u siidaayaan dadkaasi.

Daarul_Hudda_Qardho oo xaflad u qabtay ardayda Kaalmaha koowaad kagashay wax barashda sanad dugsiyeedka 2011-2012

Munaasabad siheer sare loo soo agaasimay oo abaalmarin lagu siiyey ardaydii kaalmaha ka gashay Dugsiga

Dowlada Mareykanka Oo Gaadiid Ku Warejisay DKMG.

Muqdisho(GMN) Dowlada Wadanka Maraykanka ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay Dowlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Munaasabada maanta Dowlada lagu wareejinayay Gaadiidka ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin uu kamid yahay Raysalwasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga Dowlada Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Amisom. Munaasabada ayaa waxaa hadal ka jeediyay mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee Amisom , waxaana uu mahad balaaran u jeediyay Dowlada Wadanka Maraykan ee ku deeqday Gawaaridan si ay qayb uga noqdaan dib u dhiska Ciidamada iyo soo celinta Nabadgalyada Soomaaliya. Wasiirka Ganacsiga Dowlada Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa waxaa uu u hambalyeey Dowlada Maraykanka Taageerada ay siisay Dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Dowladoodu ay baahi weyn u qabto in ay Caalamku ka caawiyaan waxyaabo badan. Dowlada Japaan ayaa horay ugu deeqday Dowlada Soomaaliya Gawaarida Ciidamad gaar ahaan kuwa Booliska taas oo ay ugu talagashay inay ku saacido dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya. Abdinaasir Ali Ibraahin. Gedoonlinenews@gmail.com

Wasiirka Cadaalada Kenya”Dhalinyaradu Waa inay Kibandha Helaan”.

Nairobo-(GMN)  Wasiirka Cadaalada Dalka Kenya Eugene Wamalwa ayaa ka hadlay dhalinyaro badan oo Kenyaan ah kuwaas oo aan haysan kabandhaha maadama ay soo dhowdahay xiligi Doorashada laga qaban lahaa dalka kenya. Wasiir Wamalwa waxaa uu sheegay in dhalinyaradu ay yihiin 70% bulshada kenya sidaasi darteedna ay xaq u leeyihiin inay ka qaybgalaan Doorashada bilaha soo aadan la filayo inay ka dhacdo Dalka Kenya. Wasiirku Waxaa uu sheegay in Qiyaastii 4milyan oo dhalinyaro Kenyaan ah aysan haysan Kibandhihi ay codkooda ku dhiiban lahaayeen, taasina ay u muuqato in laga hor istaagayo wax ay sharci u leeyihiin , waxaana uu ku baaqay in lasoo dadajiyo soosaarida Kibandhaha kahor inta aysa qabsoomin Doorashada. Gabagabadii Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Dalka Kenya Eugene Wamalwa ayaa ku baaqay in lasoo Diiwaangaliyo dhalinyarada Kibandha la’aanta ah , waxaana uu Dowlada ku adkeeyay inay fududayso qaabkii dhalinyarada ay Kibandhe ku heli lahaayeen. Abdinasir Ali Gedoonlinenews@gmail.com

Recent Entries

Log in