Archive for: December, 2011

Caawa & Somali Channel 31/12/11:Shir ka dhacay Goldogob, Baladweyne oo lala wareegay, Somaliland, Doorashada Gudoonka Baarlamanka (Daawo)

Qaraxyo Caawa Laga Maqlayo B/weyne, Xilli ay Magaalada Bandow Tahay

Baladweyn – GMN -  Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa caawa dagan iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada Ethopia iyo kuwa dowlada kmg ah ee Soomaaliya iyagoo caawa ku soo rogay bandow xoog leh. Ciidamo farabadan ayaa cawa lagu soo daadiyey magaalada Baladweyne iyagoo ku amray dadka deegaanka inay isaga xaroodaan magaalada cidii la qabtaana ay ka mid yihiin kuwa al-shabaab lana xiri doono . Waxaa marqura istagay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada baladweyne xili wado ay u tahay baabuurta u kala gooshta gobolada dhexe iyo caasimada Muqdisho, kuwaasi oo caawa baryaya banaanka magaalada Baladweyne waxaana ku jira caaruur iyo haween safar ku soo ahaa magalada. Wararka aynu ka helayno magalada baladweyne caawa ayaa shegaayo in qarax xoogan laga maqlay iyadoo aan la ogayn waxa uu yahay iyo qasaaraha uu dhaliyaay dhimasho iyo dhawac goobta uu ka dhacayna ay jogaan cidamada ethopia, dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaayo xiligii ay qaraxa maqleen inay la socdeen rasaas xoogan . Dhanka kale magaalada Baladweyne ayaa caawa dagan iyadoo marba marka ka danbeysa ay soo gordheeyso qasaaraha dhimashada iyo dhimashada wararkii ugu danbeyay ayaa shegaayo inay garayaan ilaa 25-qof oo rayid ah iyo dhawaca ilaa 40-qof waraarka ayaa shegayo inay ku jiraan dadkaas kuwii dagalamayey. Gedo Online News Gedoonlinenews@gmail.com

Aston Villa oo 3-1 ku dubatay Chelsea & Van Persie oo booska 4aad u diray Arsenal

Number of View: 8 LONDON (CIYAARO)—Aston Villa ayaa hal gool oo looga hormaray ku badashay 3 gool taasoo sababtay in ay 3-1 kaga badiso Chelsea, ciyaaro aad u xiiso badneyd oo ka dhacday  Stamford Bridge , natiijadaasi waxey macalin Andre Villas Boas ka saareysaa 4 boos ee ugu sareysa Premier League. Didier Drogba ayaa hogaanka u dhiibay chelsea markii uu gool rigoore ah u dhaliyay daiiqadii 23d. hayeeshee Stephen Ireland ayaa 1-1 ka dhigay ciyaarta isla qeybtii hore intii aysan dhamaan. Chelsea oo u muuqatay in markii 4aad oo isku xigta ay bareejo galeyso ayaa Stiliyan Petrov uu niyada ka jabiyay markii uu 2-1 ciyaarta ka dhigay daqiiqadii 83d, laakiin waxaa si fiican Chelsea u quusiyay Darren Bent oo ciyaarta ku soo afjaray 3-1, waana markii ugu horeysay oo ay Aston Villa guul ku hesho Stamford Bridge laga soo bilaabo 2002. Dhanka kale Robin van Persie ayaa Arsenal u diray booska 4d ee horyaalka Premier League, markii uu dhaliyay 1-0 ay kaga badiyeen Queens Park Rangers. Dutch of class- Robin van Persie once again proved the difference for Arsenal Guushaan Arsenal waxey ka sara marisay  Chelsea oo ay kala baxday booska 4d ee horyaalka markii Robin van Persie uu dhaliyay goolkiisii 35d ee horyaalka. United oo mar sii horeysay oo galabtay ah 3-2  guuldaro ah kala hoyaaday Blackburn ayaa waxey leedahay 45 dhibcood 19 kulan oo ay ciyaartay , City oo Axada ciyaari doonta ayaa gool tirsi ku hogaamineysa horyaalka waxeyna u safri doonaan Sunderland. Spurs 3aad ayeey ku jirtaa iyadoo wadata 39 dhibcood,  Arsenal waxey leedahay 36 dhibcood halka Chelsea ay ka leedahay 34 dhibcood. Sunni Said Salah sunnijournalist@gmail.com

Drogba oo goolkii 150aad u dhaliyay Chelsea

Number of View: 7 LONDON, (CIYAARO) – Weeraryahanka Chelsea Didier Drogba ayaa dhaliyay goolkiisii 150aad ee uu u dhaliyo Chelsea kadib markii uu dhaliyay goolkii rigoorada ahaa ee ciyaartii ay 3-1 ku badisay Aston Villa kulankii galabtay ee Premier League ee garoonka Stamford Bridge ka dhacay. 33-sano jirka reer Ivory Coast ayaa wuxuu ku biiri doonaa ciyaartoydii waaweynaa ee horey record-kaasi u dhigay ee  Chelsea u ciyaari jiray oo ay ka mid yihiin Peter Osgood iyo Roy Bentley. Ciyaartoyda goolasha ugu badan u dhaliyay Chelsea ee taariikhda kooxda ku jira waxey kala yihiin  Frank Lampard (178), Kerry Dixon (193) iyo Bobby Tambling (202) . Sunni Said Salah

Major Emmanuel Chirchira”Waxaanu weeraro hor leh ku qaadeynaa fariisimo cusub oo shabaab joogaan”

Nairobi-hobyonet) Afhayeenka ciidamada militariga ee dowlada Kenya Major Emmanuel Chirchira ayaa waxa uu sheegey in ay weerar ku qaadeen sal dhigyo ay xarakada Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Qooqaani ee kuufurta dalka Soomaaliya. Major Emmanuel Chirchir ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalkasi ay ku dileen 5-dagaaliyaano ka tirsan Xarakada Al Shabaab isagoo hoosta ka xariiqay in tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen. Chirchir ayaa waxa u farta ku fiiqay in dagaalka ay qaadeen ka dib markii ay Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen gawaari gaashaman oo ay wateen ciidamada Kenya waxana uu sheegey in dagaalka uu jawaab u aha weerarkasi. “waxaa jiro qasaaro balaaran oo aan gaarsiinay Xarakada Al Shabaab taasi oo an kaga dilnay dagaalinaayo badan qaarkalana aan ku dhaawacney, sidoo kale waxan ka qabsaney saanad militari”sidaa waxa yiri Afhayeenka ciidamada militariga ee Kenya Major Emmanuel Chirchir. Afhayeenka ciidamada militariga ee dowlada Kenya ayaa waxa uu sheegey in dagaalkani uu bilow u yahay ololo ka dhan ah oo ay damacsan yihiin in ay Al Shabaab kaga saaraan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee Koofurta dalka Soomaaliya. wwww.hobyonet.com

As Africa is Rising, so Should its Status in the World Stage

It’s been argued that globalization per se does not produce poverty and inequality. The main obstacles that entwined with globalization are the rules and regulations that govern it. These rules are fundamentally unjust since the rich-states’ interests can not be reconciled with those of the poor and weaker developing countries. Hence, this is why many in Africa believe the current world order is nothing more than new form of colonization. As Africa is rising, particularly in the economic and technological sectors, its power and influence should increase alongside. It is true that most of African nations are run by undemocratic, incompetent, and self-serving tyrants, which consequently resulted, in part, Africa’s exclusion from discussions of the key global issues. But, the West’s denial of Africa’s rightful democratic representation in the decision-making process within the international institutions such as the International Monetary Fund (IMF), the World Bank, and the World Trade Organization (WTO), all of which are the cornerstones of the current trend of the globalization, are seen more of a rejection of Africa then cooperation with the continent as some suggest. This negative feelings among Africans is confirmed by a recent survey done by UNECA (United Nations Economic Commission for Africa) that shows majority of respondents (57%) believe the current economic governance structures as not fulfilling their effective participation in the global economy. According to the study, African Least Developed Countries are even more skeptical, with staggering two-third of respondents expressing the view of the current global governance does not allow for their effective participation in norm setting in the key financial, monetary and multilateral institutions. For instance, almost a quarter of the IMF’s member states come from sub-Saharan Africa (45 countries), yet the total voting power of this bloc is estimated to only 4.4%. Even in the decisions that directly affect them, Africans lack the power to sway votes toward their direction; instead, they rely on other developing countries to help them secure sufficient support for their position. Such humiliating treatment of the African states is, in part, why Africans believe the developed world are keeping them to be reliant on them, rather than see a self-reliant Africa. Considering Africa’s growth in economic and technological areas, the continent should be rewarded its rightful seat on the table—global leadership stage. The main reason that Africa should be an important stakeholder, not just important follower, of the world affairs is its impressive economic growth. This is evident in the finding of The Economist that over the ten years to 2010, the top six of the world’s ten fastest growing economies were in sub-Saharan Africa. The Western African nation of Angola, a country devastated by civil war and violence against women and children in the 1990s, now tops the list, while Nigeria, Africa’s most populous country, was forth fastest growing economy.  Even more impressive, during the same period, the African countries outpaced economically their Asian counterpart—a trend that will continue at least through 2015. Moreover, Africa‘s economic outlook is even better than its current trend of economic growth. On IMF forecasts “Africa will grab seven of the top ten places over the next five years”. This phenomenon was taking hold in the continent while most of the global markets, particularly those in the developed world, were contracting below 4 to 8 percent in 2008 and 2009; Africa was enjoying a modest economic growth. According to the African Economic Outlook 2008, a collaborative project between the African Development Bank, the OECD Development Center and the UNECA, the continent continued economic growth with the rate of GDP growth averaging about 5.7 in 2007 and 5.9 in 2008 and 2009. Therefore, the alienation of Africa – a continent with abundance of both natural and human resources – from discussions of key global issues is indicitive of how much the developed world would rather cling to their traditional leadership role than to embrace a new world order of which the decision-makers are diverse and representative of the twenty-first century’s world, not the Cold War’s “first, second and third worlds”. Despite Africa’s exclusion from global institutions as a decision-making stakeholder, something wonderful is underway across the continent in the technological front. For instance, in Africa, the utilization of the modern technologies such as the mobile phones and the broadband internet is going at a speed faster than any other time in the history. According to recent report by GSM, Africa is the second largest user of mobile phones after Asia; Over 650, 000,000, or 50 percent of Africans, are subscribed to mobile phone services. On the other hand, the growth in Africa’s internet and broadband sector has accelerated in recent years due to improved infrastructure coupled with the arrival of wireless access technologies and less regulations, which resulted lower tariffs. In an effort to meet the Millennium Development Goals in Africa, for example, broadband internet is rapidly replacing dial-up as preferred access method, according to a recent report by the Internet World Stats, an organization that tracks the usage of the internet globally. The reason of the growth of the internet usage that is taking place in Africa is because many Africans have gained access to international fibre bandwidth for the first time via submarine cable in 2009 and 2010. Though the growth in this sector is slow, almost 15% of Africans (118 million) do have internet access; 30 million of them are on facebook. Nigeria, with more than 40 million users, leads the way as can be seen below: In conclusion, while Africa’s shortcomings — lack of good governance, corruption, incompetent head figures, etc — can not be ignored, yet the continent’s dynamic and fast paced economic growth must be taken into account as basis of elevating Africa’ world status from the current subservient role to an active participant of the debates regarding the international key issues: economic, technology, peace and security, poverty, climate change, and other important issues borne out of the current trend of globalization. Africa is not asking for a century of its own. But all Africans want is their fair share in the 21st century. Is that too much to ask? Abdirahman Takhal atakhal@aol.com Bibliography: International Monterey Fund Governing Document “Can Globalization Work for Africa” by Carin Norberg, Director, and Fantu Cheru Ph.D. Research Driector, The Nordic Africa Institute, March 2011 “ Africa—Internet, Broadband and Digital Media Statistics” by Peter Lange, February 2011(9th edition) The United Nations Millennium Development Goals Progress Report, March 2011 “Africa’s Impressive Growth” The Economist January 06, 2011(Online version)

PDRC OO Qabatay Kulan Looga Hadlaayey Xukun Baahinta Dimuqraadiyeynta Puntland.

Garoowe[RBC Radio] Hay’adda Puntland u qaabilsan Cilmi baarista iyo Horumarinta ee PDRC ayaa maanta gudaha magaalada Garoowe ku qabatay kulan looga hadlaayey Xukun baahointa Dimuqraadiyeynta Puntland. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulada gobolada Puntland,ururada bulshada,degmooyinka Karkaar iyo Hayland,waxaana muddada uu socdo ee 1-maalin ah ayaa lagu bari doonaa sida ugu macquulsan ee ay ku gaarsiin karaan Nidaamka Dimuqraadeynta ay Puntland higsaneyso taas ay maalgelinayso Hay’adda Interpeace iyo Guddiga Xukun baahinta Puntland. Kalanka intii uusan furmin ayaa waxaa hadalo koobankasoo Jeediyey Xiriiriyaha Hay’adda PDRC Cali Faarax Faramyeeri,waxaana uu sheegay hawshan ay horey usoo wadeen kaas oo laga fulinaayo guud ahaan deegaanada Puntland oo idil. …”Tiirka Dimuqraadiyeynta Puntland waxaa lagu soo qabtay Sanaag iyo Bari magaalada Boosaaso ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay,Nugaal iyo Sool waxaa loogu qabtay magaalada Garoowe,Mudug iyo Cayn waxaa loogu qabtay Gaalkacyo…”ayuu yir Faramyeeri. Wasiiru Dawlaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dawladda Puntland Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo isna ka hadlay kulan ayaa tilmaamay in kulanka uu muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada loona baahanyahay in si wanaagsan looga faa’ideysto inta uu soconayo,waxaan uu faah-faahin ka bixiyey Saddexda tiir uu ka kooban yahay Geedi socodka Dimuqraadiyeynta iyo waxa kasoo bixi kara. Si kastaba ha ahaatee Hay’adda PDRC ayaa kulanka waxa ay uga goleedaha sidii bulshada loo fahmsiin lahaa loona gaarsiin lahaa Nidaam ku dhisan Dumuqraadiyad taas oo ay higsaneyso Puntland. RBC Radio Garoowe

Wararkii u danbeeyay Baladweyne & Bandow caawa ka dhaqan galay.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalada Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dib markii maanta dagaal socday muddo ay gacan ku heynta Magaalada la wareegeen Ciidamada Dowlada Federalka KMG, & kuwa Dooxada Shabelle oo garab-sanaya Millitariga Eithopia. Xaalada Magaalada ayaa caawa ah mid degan waxaana weli magaalada gacanta ku haya Ciidamada ethopia iyo kuwa soomaalida, oo saakay Magaalada dagaal qorsheesan ku qaaday isla markaana Al-Shabaab ka saaray. Caawa waxaa Magaalada Baladweyne ka dhaqan galaya Bandow lagu soo rdoona xaalada ay tahay mid aad u dagan oo aan jirin wax dhaq dhaqaaq shacab ah, marka laga tago gawaarida dagaal ee Ciidamada Ethopia iyo kuwa soomaalida. Xoogaga Al-Shabaab ee maanta isaga baxay Baladweyne, isla markaana ka bixitaankooda ku micneeyay xeelad farsamo ayaa weli ku sugan duleedyada Baladweyne, iyadoona lagu soo waramayo in ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo. Wararka ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 19-ruux oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay ay halkaasi ku geeriyoodeen, kuwaasi oo tiro ka mid ah ay yihiin shacab. Dhinaca kale gelinkii danbe ee Maanta ayaa waxa uu dagaal ka dhacay deegaanka lagu magacaabo luuq jeelow oo hoos timaada gobolka hiiraan, iyadoona muddo ka dib uu dagaalkaasi iskiisa u istaagay isla markaana aysan jirin warar faah faahsan oo ka soo baxay. Dowlada Ethopia ayaa dhinaceeda xaqiijisay in Ciidamo kuweeda ah ay Maanta galeen baladweyne si ay u caawiyaan Ciidamada Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Dowlada KMG ee Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saaray ayaa dhinaciisa sheegay in ay bilawdeen Howlgalada ay Amaanka iyo xasiloonida dalka dib ugu soo celinayaan. Wasiirka gaashaandhiga dowlada KMG ee soomaaliya ayaa sheegay in Howgalka Maanta ka dhacay Baladweyne uusan aheyn mid halkaasi ku siman oo kaliya isla markaana ay gaari doonaan gobolo kale oo ka tirsan dalka kuwaasi oo ay weli gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab. Gabi ahaanba xaalada Beledweyne ayaa caawa ah mid degan inkastoo shacabka ay yihiin kuwo wadnaha farta ku haya, isla markaana ka cabsi qaba dagaalo mar kale dhaca.

Magaalada Baladweyne oo caawa Bandow ah

Ciidamada taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee maanta la wareegay gacan ku haynta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa bandow ku soo rogay magaalada, kaasoo ka billaabanayay 5-tii saac ee galabta ilaa iyo berri 6-da aroortii. Afhayeenka ciidanka taabacsan dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Caga-joof ayaa Badweyn.com  u sheegay inay bandowga uga golleeyihiin inay ku xaqiijiyaan ammaanka Beledweyne, isla markaana ay ku baadi-goobayaan maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada. Caga-joog ayaa u soo jeediyay shacabka ku nool magaalada Beledweyne inay u hoggaansamaan bandowga. Xarakada Al-Shabaab ee laga saaray Beledweyne ayaa u dhaqaaqay dhinaca degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Saakay ayaa ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah waxay maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegeen magaalada Beledweyne, kaddib markii uu halkaasi dagaal ku dhex maray labada dhinac.

Masuul Sare oo katirsan Puntland oo Dhimasho kabad baaday.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax ka badbaadeen wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland, Faarax Cali Shire iyo guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulkaasi, Cabdisamad Maxamed Gallan xilli ay marayeen xaafadda New Boosaaso. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida uu u dhacay qaraxa, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in loo adeegsday bambo laga tuuray gacanta, halka warar kale ay tilmaamayaan inuu qaraxu ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, marka laga reebo firir gaaray mid ka mid ah gaadiidka ay la socdeen labada mas’uul. Wuxuu qaraxu ka dhacay meel u dhow guriga uu Boosaaso ka deggan yahay wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland, sida ay Badweyn.com u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay ka billaabeen baaritaanno, iyadoo qabtay dhowr qof oo ay ka shakiyeen. Saraakiisha ammaanka weli kama aanay hadlin dhacdada.

Recent Entries

Log in