Waxaa jaaliyada Maakhir ee ku dhaqan cariga Ingiriiska la ogeysiinayaaa inuu qabsoomi doono shirweyne balaaran iyadoo uu shirkaasi ka dhici doono magaalada London ee xarunta Boqortooyada Britiania. Shirkan oo lagu falan qeyn doono arimo dhowr ah ayna ugu horeeyaan kuwa horumarka u ah Deegaanada iyo gobolada ay Reer Maakhir degaan tusaale ahaan arinta Jaamacada Maakhir iyo Horumarka guud ee Mandiqada. Shirka ayaa dhici doono hadii Allah awooda lahi idmo maalinta Sabtida 10bisha December 2011. Goobta uu shirku ka dhacayo waa: WINDMILL PARK COMMUNITY CENTRE SOUTHALL UB2 4UT Wakhtiga iyo Taariikhda waa: Wakhtiga- 14:00-18:00 AMA 2PM-6PMTaariikhda- 10/12/2011 Gaadiidka Goobta imanaya Buses- 207,427,607,195,92,282,83 Trains-SOUTHALL RAIL STATION Faah Faahin Wixi fahfaahin ah kala soo xidhidh gudida Cawil Maxamed -Tel 07950935316 SACIID MAXAMUD-Tel 07534226558 MAXAMED AHMED- Tel 07538808222
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
New York – GMN - Safiirka dalka Eritrea u fadhiya Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay Mr. Araya Desta ayaa sheegay in faragalin Militari oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya aan xal u noqoneyn wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo amni darada ka taagan dalka Soomaaliya. Araya Desta ayaa waxa uu farta ku fiiqay in xalka dalka Soomaaliya uu san ku jirin faragalin militari oo ay ku sameeyaan wadamada dariska la ah balse xalka uu ku jiro in wadahadal la iskaga hor keeno dadka isku haya siyaasada Somaaliya. Mr. Desta ayaa waxa uu is weydiiyey sababta ka dambeyso in dalkiisa uu faragalin ku sameeyo dalka Soomaaliya waxaana uu shaaca ka qaaday in aysan jirin wax hub ah oo ay u direen Xarakada Al Shabaab oo dagaalo kula jirta Dowlada KMG Soomaaliya iyo AMISOM. Safiirka dalka Eritrea u fadhiya golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu tibaaxay in ay dowladda Ethiopia ay ka dambeyso qaska dalka Soomaaliya waxana uu farta ku goday in wararka sheegaya in diyaarado ka socda Eritrea ay ka dageen magaalada Baydhabo uu yahay mid been abuur ah oo ay wado dowlada Ethiopia. “Eritrea waxa ay dooneysaa in ay aragto dadka Soomaaliyeed oo heysta nabad buuxda iyo Xasilooni iyo kala dambeyn marka ma ahan wadada kaliya ee lagu heli karo nabada Soomaaliya faragalin Militari” sidaa waxa yiri Safiirka dalka Eritrea u fadhiya golaha amaanka ee QM Araya Desta. Dhawaan ayey aheyd markii Urur goboleedka IGAD uu ka dalbaday wadamada dariska la ah Soomaaliya in ay gudaha u galaan dalka Soomaaliya si looga hortago Xarakada Al Shabaab, iyadoo IGAD ay dowladda Eritrea ay ku eedeeyeen in ay taageerto Al Shabaab. Gedo Online News Desk Gedoonlinenews@gmail.com
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Nolosha magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey Lixdii bishii August ee Sanadkan oo ah markii Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab laga xoreeyey magaalada ayaa waxa ay aheyd mid soo hagaageysay ayadoo maalinba maalinta ka dambeeysa ay adeegyadii bulshada dib usoo laabanayeen. Horey waxaan aqristayaasheena idin kugu soo gudbinay muuqaallo ka turjumaya isbedellada Caasimadda balse muuqaaladaasi waxay ku koobnaayeen xiliga maalintii sida jawigu yahay waxaanse hada idiin soo gudbineynaa qeyb kamid ah muuqaalka habeen ee magaalada Muqdisho ayadoo qaybo kalena aynu idiin ballan qaadeyno haduu alle idmo. Halkaan Waa Isgoyska Dabka gaar ahaan wadada aada Suuqa Bakaaraha oo xili habeen ah ay gaadiid BLah isticmaalayaan Bilo ka hor iskadaa Habeen xitaa Maalin gaadiidka iyo dadkuba ma isticmaali jirin
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Ragga Da’ada ah ayaa Badanaa is fahan waa ku dhamaadaa kulankooda iyaga iyo Gabdha Loogu yeero Afka Qalaad Teen Age .. Under 20 Years.. Gabdhaha kuwooda ka Yar Labaatan Jirka. Haweenka waqtiga Labaatanku ka yaryihiin waa waqtiga ugu Macaanta badan yihiin dadnimadooda balse waxaa cabasho aanan lasoo koobi karin ka timaadaa kolkay Nolosha lawadaagayaan Ragga Kuwooda Da’ada ah ooy Soomaalidu Ugu Yeeraan (Oday Joobane). Gabdhu waxay xuquuq uleedahay iney hesho Raaxo ku filan waqtiga Lagdanka Sariirta kolka Lagu daro Nin Oday ahi ma helaan Dumarku badankoodu Raaxo ku filan sababtoo ahi Odayaasha waxa lagu tiriyaa in eey yihiin dadka ugu Neefta weyn Yacni Waqtiga hore Dalaaan. Muhiimadu waa in lasiiyaa Gabadha si ay waqtigeeda ugu raaxeysato waana muhiim in waalidku ka taxadaraan Awlaadooda, Gabadhu marka ay waqtigaas marayso waxaa ubidhaamaya Nolol cusub Caadkuna waa uu kasii feedmayaa Mana ku haboona in ay Ku Bilaawdo Rag Da’a ah , Sida Wiilashuba garoobada ugu Fiicneen oo kale.
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Fanaanada Saado Cali Warsame Fanaanka Axmed C/kariin ”Biif” Fananada Ikraan Maxmed Caraale Abwaand Hibaaq Maxmed Wariye Daahir Cabdulle Calasoow”Daahir Yare” Wariye C/naasir Soomane Wariye Aamino Muuse Wehliye”Aamino Sahra” Wariye Axmed Xasan ”Cawke ” Wariye C/shakuur Faarax Cigale Wariye Xasan Cali Geeseey Wariye C/fitaax ”Jayte ” Wariye Bashiir Qaliif Gaadhi Wariye Nuur Ismaaciil Wariye Maxmed C/qaadir Cilmi Abuukar Axmed Ceyte ”Dalmar’ C/fitax oo ku magac dheer lehman Axmed cabdi kariin ”’Dj blua man” feysal cali nuur oo ku magac dheere fahiim C/kariin Maxamed Soonkaay (Baasto) C/laahi Cali Xasan (Boolow) Liibaan Xuseen Yoonis Cartan Maxamuud Cali C/casiis Ciise Calasow Maxamed Cabdi Saadaam Maxamed Xasan Casalow (Gaab)Cali Ciise Maxaad Calasow (Ciise Tookiyo) Axmed Boolo C/xakiin Muuse Taakoow Iyo dhamaan Waxgaradka Iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ku Kala Dhool Magaalooyinka Cape Town Iyo Johannesburg Waxay Habalyo Iyo Heestanba Hawada U marinayaan Wariye C/llaahi Maxmed Cumar”Balwaan” iyo Fowsiyo Faarax Colaad”Indha Uroon”oo Meherkoodu ka Dhacay Xaafada Mayfair ee Magaalada Johannesburg Dalka Koofur Afrika Waxayna leeyihiin Noqda Kuwii Isku waara Siina Da’da Jiya Arooskooda AMIIN………….AMIIN…….
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Hadii doonayso in aad ku guulaysato farxad galinta saygaaga waxa kula gudboon in aa qaado talaabooyin yar oo si fudud u farxad gilin kara lamanahaaga umana baahnid samayso hawl badan oo kugu keenta daal badan, laakiin waxa xasuusnaanaysaa oo kaliya in ninkaagu yahay ilmo weynaaday oo u baahan daryeel . Marka uu guriga soo galo kaga hor tag waji furan iyo hal ku dhigyo wanaagsan . Ku Dadaal in ay cuntadiisu ama cuntadu diyaar u tahay , maxaa yeelay waxa waajib ah in aad ogaato in marka uu soo galo guriga uu u baahan yahay nasasho cunto raali galisa iyo hadal wanaagsan oo lagu farxo , aay qalbiga ninkaaga u kasbato ilaali qalbigiisa oo ka dhowr waxa nadinta iyo murugada u keeni kara haka bad badin in aad xanuuno aad dareemeyso u buun-buuniso haddii ayna kuwo aan laga maarmeyn. Ha Badin booqashada aad ugu baxeyso ehelkaada, saaxibaadada ,iyo dariska iyo in ehelka aad kaga soo dhaxdo maxaa yeelay raggu uma dul qaadan karaan in badan arintaas . Ha u arkin saaxibadaa ninkaada iyo ehelkiisaba iyo qaraabadiisa marti culeys kugu ah hana dhibsan waligaa . Dhibaatooyinkaada qoys waligaa ha kala sheekeysan saaxibadaa iyo goobaha la isugu yimaado , Ka taxadir in sirta lamaanhaaga midda wanaagsan iyo midda xunba aad dibada u saarto. Ha u arkin in baahiyahaaga dhaqaale ay yihiin kuwa aan dib u dhac iyo dood gali karin balse waxa haboon in aad fursada ay ku haboon tahay ku weydisato ninkaada waxa aad u baahan tahay. Ugu dambeyntii raac talooyinkan kuna dar waxa aad is leedahay munaasib ayay ku yihiin adkayta xidhiidhka qoyska. Diinteena islaamku waxa ay in baraysaa dariiqa ugu haboon ee lagu gaadhi karo kala raali ahaan shaha lamaanaha, waana shay aad u muhiim ah in lagaadho darajada kala raali ahaanta ee qoyska ama lamaanaha.
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Wararka aan ka heleyno degaanada Bacadweyne iyo Camaara aya shegaya in halkaas kadhacayn dagaalo aad u culus kasoo kadhashay qasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ooo soo kale gaaray maleeshiyadii iyo dadka xooladhaqatada. Afar iyo toban qof ayaa ku geeriyootay 25 kalena way ku dhaawacmeen dagaallo culus waxaan dagaallkaas socday saacado aad u farabadan ayadoo caawa fiidkii iskiis u istaagay. Dagaallada ayaa saakay billowday, waxaana ay salka ku hayaan muranno la xiriira dhul-daaqsimeed waxaana qasaaraha ugu badan soo gaaray maleeshiyadii dagaalameyse. . Odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda beelaha dagaallamay oo lahadlay warbahinta ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaallada dhacay. Sanadkan gudihiisa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ku dagaallamay deegaannadaasi labo beelood, waxaana dagaalladaas ku dhintay dad ka badan 70 qof oo ay carruur ku jirto.
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Meydka Ninkii Ismiidaaminta sameeyey oo madaxa kaliya ka haray Waxay faahfaahin ka soo baxaysaa qarax saaka aroortii ka dhacay xarunta taliska ciidamada DKMG ee Villa Baydhabo oo ku dhow isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa waxaa fuliyey nin dhalinyaro ah oo miino isku soo xiray kaasoo sida la sheegay isku dayey inuu gudaha u galo xafiiska abaanduulaha ciidamada Gen. C/kariin Dhegabadan oo xilligaasi sii galayey xafiiskiisa balse ay ka hortageen ciidamo ilaalo u ahaa Gen Dhegabadan. Illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyootay qaraxaasi 12 askari oo u badan ilaalada Gen Dhegabadan iyadoo 8 kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan waxaana dhamaan dhaawacyada loo qaaday isbitaalada Muqdish. Kumuu ahaa ninka ismiidaamiyey Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ninka ismiidaaminta sameeyey uu ahaa wiil uu adeer u yahay Gen C/kariin Dhegadan oo had iyo jeer xafiiska ugu iman jiray, waxaana ninkaasi oo googo’ay oo madaxa kaliya uu ka soo haray lagu arkay goobta uu naftiisa ku haligay. Gen Dhegadan oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankiisa ay fashiliyeen weerar isaga loogu dan lahaa, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax walwal ah oo ay gelinayaan weerarada noocan oo kale ah. Gen Cabdikariin Yuusuf Dhegadan oo wariyaasha kula hadlay Taliska Villa Baydhabo Gen Dhagabadan ayaa sheegay inuusan la yaabayn Al-Shabaab inay fuliyaan weerarkan oo kale maadaama ay dilaan dad rayid ah maalin kasta. Waxaa haatan socda baaritaan ay wadaan ciidamada dawlada iyadoo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee wadada isku xirta Buulo Xuubey iyo Zoppe ay caadi tahay. Qaraxan ismiidaaminta ee uu fuliyey ninkaasi ayaa dadka soo xusuusiyey weerarkii sanadkan bartankiisa lagu dilay wasiirka arimaha gudaha DKMG Alle ha u naxariistee C/Shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ay isku qarxisay gabar uu isagu adeer u ahaa oo gurigiisa joogtay taasoo gacanta uu ku hayey nolosheeda.
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
War saxaafadeed lagu cambaareynayo Qaraxyada Muqdisho gaar ahaan kii barqo nimadii maanta lagu beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda demada Dharkinleey ee magaalada Muqdisho. War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii maanta lagula beegsaday xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkiinleey haween ka shaqeynayay danaafadda degmadaasi. mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta markii qaraxaasi foosha xun uu dhacay kadib booqday goobti uu ka dhacay ayaa sheegay inuu aad iyo aad uga xunyahay , islamarkaana uu cambaareynayo falkaasi uuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah. ?Waxaan dhihi karnaa kuwa miinada u dhigay haweenka ka shaqeynayay nadaafadda Muqdishow waxey kasoo horjeedaan Nolosha reer Muqdisho, waana inaan iska dhicinaa oo aan ka dhii dhinaa falkaas arxan darrada ah?. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso mudan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa cod dheer ku cambaareeyay qaraxii maanta lala beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda degmadooda, kuna eedeeyay kooxa Shabaab. Ku dhawaan 10-haween ah ayaa la sheegay iney ku nafwaayeen halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawmeen kadib markii qarax miinada nooca Remote-ka laga hago lala eegtay xili ay ku guda jireen howlo nadaafadeed. Sidoo kale muadne Tarsan ayaa cabaareyn dusha uga tuuray qarax waabarigi saaka lala eegtay xarunta Villa Baydhabo halkasoo la sheegay iney ku dhinteen qar katirsan ciidamada dowaldda.Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa cambaareyntaasi ka sokow kula dardaarmay qeybaha shacabka ee ku dhaqan gobolka Banaadir iney soo sheegaan kuwa qaraxyada arxan darrada ah maleegaya. Isagoona intaa ku daray in qarax kasta oo dhaca uu qasaare kasoo gaari karo qof kasta oo ka mida dadka magaalada Muqdisho dagan ama ehelkiisaba si taa looga hortagana loo baahan yahay in shacabku ay hayadaha Amniga dowladda ku gacan siiyaan soo sheegidda iyo ka hortagida qaraxyada & falalka amni darro. Ugu dambeyn war saxaafadeedkan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hayadaha amniga dalka ku booriyay iney foojignaadaan islamarkaana ka hortagaan qaraxyada lagu dhibaateynayo shacabka. Dhamaad
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
War saxaafadeed lagu cambaareynayo Qaraxyada Muqdisho gaar ahaan kii barqo nimadii maanta lagu beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho. War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii maanta lagula beegsaday xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenleey haween ka shaqeynayay nadaafada degmadaasi. Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta markii qaraxaasi foosha xun uu dhacay kadib booqday goobti uu ka dhacay ayaa sheegay inuu aad iyo aad uga xunyahay , islamarkaana uu cambaareynayo falkaasi uuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah. “Waxaan dhihi karnaa kuwa miinada u dhigay haweenka ka shaqeynayay nadaafadda Muqdishow waxey kasoo horjeedaan Nolosha reer Muqdisho, waana inaan iska dhicinaa oo aan ka dhii dhinaa falkaas arxan darrada ah”. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso mudan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa cod dheer ku cambaareeyay qaraxii maanta lala beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda degmadooda, kuna eedeeyay kooxa Shabaab. Ku dhawaan 10-haween ah ayaa la sheegay iney ku nafwaayeen halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawmeen kadib markii qarax miinada nooca Remote-ka laga hago lala eegtay xili ay ku guda jireen howlo nadaafadeed. Sidoo kale mudane Tarsan ayaa canbaareyn dusha uga tuuray qarax waabarigi saaka lala eegtay xarunta Villa Baydhabo halkasoo la sheegay iney ku dhinteen qar katirsan ciidamada dowaldda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa cambaareyntaasi ka sokow kula dardaarmay qeybaha shacabka ee ku dhaqan gobolka Banaadir iney soo sheegaan kuwa qaraxyada arxan darrada ah maleegaya. Isagoona intaa ku daray in qarax kasta oo dhaca uu qasaare kasoo gaari karo qof kasta oo ka mida dadka magaalada Muqdisho dagan ama ehelkiisaba si taa looga hortagana loo baahan yahay in shacabku ay hayadaha Amniga dowladda ku gacan siiyaan soo sheegidda iyo ka hortagida qaraxyada & falalka amni darro. Ugu dambeyn war saxaafadeedkan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hayadaha amniga dalka ku booriyay iney foojignaadaan islamarkaana ka hortagaan qaraxyada lagu
Nov 30 2011 | Posted in
Main News |
Read More »