Archive for: October, 2011

Daawo Silica Somalida kuso galaan Dalka Kenya

Wariye Katairsan TV-ga KTN oo xaruntiisa kutaalo maagalada nairobi ayaa barnaamish fool xumo badan kadiyaariyay Qaabka somalida kusoo galaan dalka kenya isla markaan dhibaato farabadan kasoo gaarto ayadoo laga soo qaato qarashaad aad u farabadan . HALKAAN KADAAWO SILICA IIYO DHIBAAATADA KUSOO GALAAN SOMALIDA KENYA Dadkaan aya dhibaato kala kulma xiliyada safarka kusoo jiraan haba ugu darnadeyne goobaha xaduuda dalka kenya ayadoona dadkaaan loo yaqaano xoolaha markii lasoo dhaafinayo xadka labada dalka ku shekeestaan muqalisiinta yiraahdaan dhowr xoola maanta dabka isaaran . Waxaana lagu soo guraa gaari aad u yar o aan qaadin 8 qof halka lasoo geliyo ilaa 15 qofood si arxaan daro ayadoona gaarigaas soo marsiya meelo si aad oga fog fog jigboontiyada ciidamada kenya kadiba soo raaca gawaaarida waaa weyn oo keenta magaaalada nairobi. Wariyahaan ushaqeya TV-ga blse dhalasho ahaan kasoo jeeda somaliya aya muda ku godajire sidii xaalada dhabta somalida kusoo galaan barnaamish oga soo diyaari lahaa asagoo Boolis isaga dhigay dadkaas si wax badan oga ogaado sida loo tahriibiyo dadkaan Hadaba daawo sida loo tahriibiyo dadka soo maciin bido dalka kenya

Madaxweynaha Puntland oo shaqada Kajoojiyay Universal TV-Somalichannel .

Sida oo shaaciyay madaxweyne faroole in maaamul Goboleedka Puntland oo kashaqeneyn Tv-yada somalida kuwooda ugu afka dheer ayaa shegya in shaqada ka joojiyay.

Qiso Xanuun Badan: Hooyo Xubintii Taranka ka jartay Wiilkii ay dhashay…

Arintan oo ahayd mid naxdin ku beertay dadka reer Somaliland ayaa waxa maanta hooyo wiilka ay dhashay makiinad uga jartay xubinta taranka iyo xiniinyaha. Arintan ayaa ka dhacday deegaanka Abaarso kadib markii hooyo wiilka ay dhashay makiinad uga jartay xubinta taranka raga iyo xaniinyahiisa. Burco Yusuf Cali waa hooyada inankeeda ka jirtay xubnihiisa ugu muhiimsanaa jirkiisa wiil ay da’diisa ku sheegtay 1 sano jir. Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa lasoo gaarsiyay dhaawaca wiilka yar, hase ahaatee wiilka hooyadiis ay dhaawacday ayaa u dhintay dhaawaca dartii. Hooyo Burco Yusuf Cali ayaa hadda ku xiran xabsi lagu magacaabo ” Ibraahim Koodbuur”, iyadoo la weydiinayo sababta keentay in wiilkeeda ay disho. Burco oo booliska la hadleeysay aya waxa ay tiri ” aniga ma jecleen inaan dilo oo xubnaha taranka ka jaro wiilkeyga lakin danta ayaa igu kaliftay, waayo ninka i qabay waanu kala tagnay, nolasha iyo mustaqbalka wiilkeyga waan waayay wax gacan igala siiya”. Arinta ayaa argagax weyn waxa ay ka muujiyeen dadka ku dhaqan deeganka Abaarsoo, iyagoo ku tilmaamay falkan in dowlada Somaliland aysan marka horeba wax ka qaban dhibaadata heysata dadka danyarta ah oo kalifeeysa iney wax walbo ku kacaan. Ugu dambeeynti hooyo Burco Yusuf ayaa qiratay iney gashay dambiga ay wiilkeeda kaga jartay xubnaha taran iyo xaniinyaha waloow ay duruufo jiro awgeed ku sababeeysay.

Akhriso Heshiis Ka Kooban 11 Qodob Oo Somalia iyo Kenya Ku Kala Saxiixdeen Nairobi

Kulanka maanta ay Madaxda labada dowladood ee Keny iyo Somalia ay ku yeesheen magaalad Nairobi ayaa lagu kala saxiixday heshiis ka kooban 11- qodob oo u  qornaa sidan:- 1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso  amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay. 2. Al-shabaab waa codowga, labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna Qatar ku tahay gobolka iyo caalamka intiise kale, waana in si  isku mid ah labada dowladood ay uga hortaggaan dhibaatada kooxdaasi, iyagoo la kaashanaya beesha caalamka. 3. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab. 4. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamada Kenya ee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi. 5. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. 6. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal. 7. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo maleeshiyada Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi,  ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi. 8. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho. 9. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo  soo taagi lahaa. 10. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo dekadda Kismaayo. 11. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika

Dunkashada dareenka leh oo la ogaaday inay jaceylka kordhiso. “SIR CULUS”

Dhunkashada dareenka leh ee Xaaskaaga/Seygaaga aad dhunkato ayaa ka qeyb qaadata in dareenka Xubigan xambaarsan ee Jaceylkaaga uu sii kordhiyo. Marka aad Shumineyso Xaaskaaga/Seygaaga ha u adeegsan si xoog ah balse is jilci oo dareenka Naxariista leh u muuji si aad u hanato Qalbiga Lamaanahaaga, dhunkashada noocaas ah wexey kordhisaa Rabitaan saa’id ah oo ay isu qaadaan labada qof ee Nolol wadaaga ah. U muuji Lamaanahaaga in marka aad Dhunkaneyso uu dareenkaaga oo dhan uu isaga gacanta ku hayo/heyso, ogow xiliyada Shumiska Noocaas ah aad wadaageysaan wexey ka dhigantahay in Nolosha aduunka ugu Raxmada badan aad ku jirtaan. Jaceylka dhabta ah ee dhiiga iyo Lafaha u dhaadhaca waxaa beeri kara Nolosha noocaan ah, waxaadna ogaataa in Macaanka lamaahana uu xiligaasi dareemayo uu ka dhasho Jaceylka dhabta ah ee Labo qof ay isu qaadaan. Marka aad dhunkashada Noocaas ah Lamaanahaaga aad la wadaagto waxaa marag ma doonto ah in dareenkaaga oo dhan uu diyaar garoobayo, waxaana Shumiska Noocaas ah loo ogolyahay Labada qof ee sida Sharciga Islaamka Ogolyahay ay Nolosha uga dhexeyso. Habada si aad u hanato Qalbiga lamaanahaaga ku dadaal adeegsiga ereyada macaan ee qalbi soo jiidashada leh, hana ka daalin in aad dhunkato markasta oo aad fursad u hesho adigoo kali isku ah. Nolosha Noocaas ah wexey horseedeysaa in uu Waaro guriga Lamaanaha is qaba ee Gogosha wada wadaaga. Filo qeyb dambe oo dhunkashada ka hadleysa oo soo socota.

Majiraa ruux naga mid ah oo hooyadii sidaan oo kale baari ugu noqday “Qiso Cajiib Badan”

Anigo jooga xaruun caafimaad oo aan aniga lee yahay,aya waxa ii soo galay Hooyo aan ku qiyaasay Da’ahaan 60jir,waxana la socda wiilkeeda oo aan asigana ku qiyaasay inuu jiro 30jir Waxan ka aqristay wajiga wiilkeeda jaceylka uu u qabo hooyadiis iyo sida naxariista badan uu hooyadiisa u daryeelaayo, mar xijaabka buu u toosiya ,marna cabitaan iyo raashiin buu afka u galiyaa. Waxaan arkay iney hooyada madaxa looga jiro oo dhimirka la’dahay. Waxan weeydiiyay gabadhi kalkaalisada ee daryeelka hooyadaan qaabilsaneed Xaalada caafimaad ee hooyadan, kadib warbixinti markaan aqriyay,aad baan uga calool xumaaday Waxa indhaheeyga sooo buux dhaafiyay ilmo xanuun leh. Aniga oo dareenkeyga qarinaaya ayan si kaftan ah ku weeydiiyay wiilki “walalal hooyo yaa daryeelo”?? Wuxu igu jawaabay:”aniga aya daryeelo” Waxaan kalo weeydiiyay: Hooyo nadaafadeeda yaa daryeelo oo dharkeeda iyo jirkeeda daryeela? “Aniga aya Suuliga geeya dharkeedana u soo diyaariya ,waxaan sugaa inta ey ka soo dhameeysaneeyso Xaajadeeda iyo qubeeskeeda kadib na waxan meeyraa dharkeeda midka wasaqda ah Waxaan u soo iibiya dharkeeda” asiga oo murug laga dheehan karo wajigiisa ayuu igu jawaab celiyay Waxan su’aalay:” maxad gabar shaqaalo ugu keeni weeysay guriga si ay u daryeesho hooyo”? “hooyadeey waa sida caruur oo kale ma sheegan karto dhibkeeda mana taqaano qofka wanaajiyo Iyo kan xumeeya ba madaama ay dhimirka looga jiro”ayuu igu jawaabay Waxan aad ula yaabay oo amakaak igu riday sida baarinimada leh uu wiilkaan hooyadiis u xanaaneeyay Waxan su’aalay aniga oo layaaban xaalkiisa, “adigu xaas maleedahay”? Wuxu igu jawaabay:”haa! Waxana ii joogta 3caruur ah ilaah mahadiis ” “Xaaskagu madaryeesho miya hooyada” ayan su’aalay “haa xaaskeeygu kama gaabin wanaag waliba oo ay awoodo Raashiinka bey u karisa aniga waxan jeclahay marwaliba inaan raashiinka la cuno hooyo Maadaama ay qabto Sokorow & dhiikar si aan u ogaado raashiina hooyo cuneeyso aniga aya marwaliba raashiina ka la cuno” ayu igu jawaabay Waan layaabay runtii wiilkaan xaaladiisa Waxay indhaheeyga qabteen hooyada faraheeda,waxan arkay nadaafada ka muuqato cijiyaheeda way u jaran yihiin sidi qof miir qaba o kale isma oraneeysid qofkaan baa dhimir la’. “Hooyo cijiyaha ya uu jaro”?! ayan si layaab leh u weeydiiyay Wuxu igu jawaabay:” hooyo waa maskiin aniga aya u jara oo timahana u hagaajiya”. Waxay hooyadi hal mar afka la furtay oo ay ku dhahday wiilkeedi “Hooyo goorma ayad ii soo iibineeysa Mobile”?! Wuxu ugu jawaabay:”hooyo hada ayan suuqa ku geenaya waxad rabto waan ku soo ii binaaya”. Aad bey ugu farxday jawaabti uu ugu jawaabay wiilkeedi Waxan la yaabay sida baarinimada leh uu ugu jawaabay wiilka hooyadiis “Sidaan oo kale beey mar waliba wax ii weeyiisa hooyo,hadii aan awoodeeda leeyahay waan u soo iibiya” ayuu igu yiri. Waxan ku dhahay:’ Hooyo caruur kale maysan dhalin miya?!” Wuxu igu jawaabay:” hooyadeey marki ay I dhashay bil kadib ayeey shil gaari madaxa jug kagaartay Kadib na aabe wuu furay hooyo”. “Kadib aabe aya ku soo bar baariyay?!” ayan markale weeydiiyay. “Maya ayeeyo aya isoo bar baarisay hooya na xanaaney jirtay, mudo 10sanoah kadib Ayeeyo way geeriyootay”. ayuu igu jawaaba Layaab iyo ama kaak aya iga soo haray. “hooyo ma ku xanaaneeysay oo ma ku soo korisay kadib marki aad dhalatay?!!” ayan si Naxariisi leh u weeydiiay wiilki Wuxu igu jawaabay:” walaahi ditoore hooyadeey 20sano aniga aya xanaanen jiray oo daryeeli jiray Yaraanteeydi waxan ku soo koray gacanta ayeeyo mana arag naxariista hooyo eey siiso caruurteeda Waayo hooyadeey ayada ayaaba u baahneed daryeel”. Waxaan niyada iska weeydiiyay su’aalo fara badan:” adiga hooyada waxay caloosha kugu siday 9bilood waxay har iyo habeen u soojeeday daryeelkaaga waxay la ilimeen jirtay farxadaada Laakiin hooyadaan maskiinta ah wiilkeeda way dhashay oo kaliya,daryeel hooyo nasiib uma yeelan mudo 20sano asiga hooyadiisa daryeelaayay . waxan isbar bar dhigay wiilkaas iyo aniga meesha aan taaganahay. Waxan u qoray daawadi ay u baahneed hooyadi, waxaana ku dhahay kalkaalisadi: isbuuc fasax ah ayan u baahanahay, waxan booqasho u aaday hooyadeey oo kunooleed baadiyaha Waxana ilaah ka bariyay inuu hooyadeey ii xafido.. Waxan dhamaan aqristayaasha ka codsan laha in ay naftooda iyo ilaahey balan kula galaan Ineey waalid kooda baari u noqdaan oo ayasan sameen wax ayaga cara galiya maxayeelay waalidka Oo aad ka careeysiiso waxa kaga caroooda ilaahey, nabiga NNKH wuxu dhahay:”waxa hoogay qofkii labadiisa waalid da’nimo ku soo gaara oo aan janada na galin”. Xuseen Cumar Xuseen “Maxbuub”

Qaaxyo waa weyn oo caawa Gil Gilay Magaalada Laascanood

Magaalada Laascanod Ee Xarunta gobolka Sool ayaa goor dhawayd waxaa ruxay qaraxyo is xig xigay oo aad u xoog badan, qarax yadan ayaa illaa iminka aan si rasmiyah loo xaaqijin karin khasaaraha uu gaystay waxaana la sheegay inuu ka dhacay saldhig ku yaala Bariga Magaalada Laascanod ee gobolka sool, Magalada ayaa la sheegaya inay ka dhacayso rasaas iyadoo ay ciidamada amaanku magaalada ku soo rogeen bandow dadkana ku amraayan inay guryohooda ku xarodaan. Lama oga waxa uu ka dhashay qaraxa ka dhacay laascanod hase ahaate magaalada ayaa sanadihii u danbaysay hoy u noqotay qaraxyo iyo dilal oo si joogta ah uga dhacaayey magaaladaasi laascanod Maalmihii u danbeeyeyna waxaad moodaysay inuu ka sii daraayey amaanka magaaladasi maamulka somaliland oo iyagu iminka gacanta ku haya magaaladasi ayaa mar walba oo wax laga waydiiyo amaanka magaaladasi ku soo gaabsada baaritaano ayaan wadnaa ama waan ku raad hoogna cidii danbiyadaa ku lu lahayd walow aysan muuqan wax ay ka qabteen haba yaraate.

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Soomaali dhibaateysan. Sawirro.

Deeqe ka timid Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka sweden gaar ahaan megaalada Karlstad ayaa maanta loo qeybiyey dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana deeqdan ka faa’iideystay dad tiradooda ay gareysey 200 qoys oo helay lacago caddaan ah. Deeqdani ayaa waxaa iska soo aruuriyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Karlstad iyadoo ay gacan weyn ka geysteen aruurinta deeqdan Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaasi Ali Mohamed Osman iyo Madaxa xafiiska xawaalada Qaran Karlstad Ibrahim Omar oo dadaal dheer u galay sidii deeqdani loo gaarsiin lahaa Soomaalida ku dhibaateysan Muqdisho. Bishii Agousto ee la soo dhaafay ayaa xaflad ka dhacday magaalada Karlstad waxaa isugu yimid Soomaalida ku nool magaaladaasi iyo degmooyinka kale ee u dhow, si ay u bilaabaan taageerada walaalahooda Soomaaliyeed, iyadoo maanta lagu guuleystay in dadaalkii markaasi bilowday ee wax u qabashada dadka dhibaateytsan. Howshani ayaa ah mid Jaaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ay ku caawinayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolada dalka Soomaaliya, waxayna tani muujineysaa dadaalka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku caawinayaan Soomaalida dhibaateysan.

Tacsi tiiraanyo leh: C/qaadir Yaasiin Xaaji Jaamac

1. C/qaadir C/laahi Cismaan(Farayaamo) 2. Maxamed Sadiiq C/raxmaan . 3.C/ladiif Yaasiin Cali 5. Duraan Xasan Yare Aw-aadan 6.Kamaal Xaaji Guuleed 8.Raage Siciid Xasan Cadde 9. Cabdi-Shukri C/laahi Nuur 10.Saleebaan Sagaar 11.C/laahi Signal 12. Asad Cabdul Shire 13.C/risaaq Nuur Yuusuf (carays) 14. Siciid Xaange iyo guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee waddanka Pakistan Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qoyska ,Qaraabada,iyo asxaabta uu ka geeriyooday Allaha u raxmadee C/qaadir Yaasiin Xaaji Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo (30-10-11) Ilaahay waxan uga baryaynaa inuu Jannadiisa ugu bishaareeyo Aameen

Hambalyo ku socota, Arooska iyo Aroosada Yuusuf Sh. C/raxman & Bishaaro Sh. Yuusuf.

Mohamud Ali Ibrahim Koofur Yare iyo Xaaskiisa Faadumo C/rahman Moallin iyo Carruurtooda. Mohamed C/raxman iyo xaaskiisa. Abukar C/rahman iyo xaaskiisa. Cisman C/rahman. C/dulqadir C/rahman. Batuulo C/rahman iyo xaajigeeda. Faadumo C/llaahi iyo xaajigeeda. Axmed C/rahman. Cali C/rahman. Culumo C/rahman. Batuulo C/llaahi. Faadumo Nuur. C/rahman Mohamed Shugri. Kaltuumo Yariimi. Faadumo macaallin axmed. Reer C/rahman Moallin axmed. Reer C/llaahi Moallin. Reer Nuur Moallin. Reer Mohamed Shukri iyo Reer Warsheekh oo Dhan. Waxay Tahniyad Kal iyo Laab ah u dirayaan (Yuusuf Sheekh C/raxmaan Moallin Axmed iyo Bishaaro Sheekh Yuusuf Caddow) oo dhawaan aqal galkooda dhacay. Waxayna Leeyihiin isku waara oo ubad kheeyr Aqaba kala hela Aamiin Aamiin Aamiin.

Recent Entries

Log in