Kismaayo-hobyonet )Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ayaa la wareegay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, kadib markii weerar saaka aroortii ku soo qaadeen Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo la wareegay. Dagaalka ka dhacay degmada Dhoobley oo ahaa mid faraha looga gubtay ayaa Shabaabka ay ka weerareen ilaa saddex jiho, taasoo u suura gelisay inay la wareegaan. Gudoomiyaha Shabaabka Jubooyinka Shiikh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in saaka salaadii subax ay weerareen degmada Dhoobley, isla markaana ay ku dileen ciidamo fara badan. Waxaa uu sheegay in dhaawacyada 42-ruux oo ka tirsanaa ciidanka dowladda dhanka Kenya loo qaadya, halka gaadiid dagaal ay ka qabsadeen, kuwana ku gubeen. C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka Raaskambooni ayaa sheegay in dagaalka shabaab ay kaga carareen Meydad, isagoo xaqiijiyay inuu ka dhintay Abaanduulahooda Qarre. Xaalada degmada Dhoobley ayaa hada degan, iyadoo si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab. Dhaq dhaqaaq ciidan iyo xiisad dagaal ayaa ka jira duleedka degmada Dhoobley oo la sheegay in Shabaabka ay joogaan wali. Lama oga waxa xigi doona iyadoo dadka deegaankaasi ku dhaqan ay caawa muujinayaan cabsi iyo dareen. www.hobyonet.com
Kooxo hubeysan oo aan la aqoon haybtooda ayaa qayb kamid ah Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku weeraray Ciidamada Madaniga ah xilli ay ku jireen howlgal. Weerarkaas ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintey hal askari ayna ku dhaawacmeen tiro kale,waxaana goobtii ka baxsaday kooxdii weerarka geysatay. Sida ay sheegaayan wararka aan helayno xilliga Ciidamada la weerarayay waxay ku sugnaayeen agagaarka Suuqa la’aanta saddexaad ee Xaafada Garsoor. Saraakiisha dhinaca amaanka ee gobolka Mudug ayaa weli ka hadlin dhacdadaan oo qayb ka noqonaysa falalka amaan darrada ah ee ka jira magaalada Gaalkacyo.
Koox hubaysan ayaa caawa fiidnimadii Weerar ku qaaday Ciidamo kamid ah kuwa Madaniga ah ee ka shaqeeya Amaanka xaafadaha Magaalada Gaalkacyo islamarkaasna ay shacabka magaalada Gaalkacyo samaysteen xili ay kusugnaayeen meel aad ugu dhow Suuqa Laanta Sadexaad ee Xaafada Garsoor. Warar hordhac ah ayaa ka soo baxaya Qasaaraha ka dhashay Werarka lagu qaaday Ciidankaas, waxaana ku dhintay laba ka mid ah Ciidamadii Roondada Samaynayay ee maniga ahaa,waxaana ku dhaawacmay sadax kale. Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Gol.Siciid Cabdi Faarax oo ay weerarkaas saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in goobta uu weerarku ka dhacay ay ahayd goob aad ugu dhow Suuqa Laanta sadexaad ee xaafada Garsoor. Sodoo kale Waxaa uu Gudoomiyuhu sheegey in kooxdii weerartay ciidamadan katirsan kuwa madaniga ah ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaana xaafada Garsoor ee galbeedka Gaalkacyo ay goobtii ka baxsatay. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com
Maraykanka ayaa markale sheegay in uu Dilay Anwar Al Awlaki oo ah hogaamiyaha sare oo ka tirsan ururka Al Qacida gaar ahaan gacanka carbeed. Sida ay sheegayaan Wararkaas ku aadan dilka Anwar Al Awlaki oo ah hogaamiyaha sare oo ka tirsan ururka Al Qacida, ayaa sheegaya in lagu Dilay Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn. Dilka Anwar ayaa ka sheegay in uu amray Madaxweyne Obama waxaana la sheegay in Diyaaradaha aan duuliyaha wadin lagu Dilay, Xili uu la socday Kolonyo gaadiid ah oo Marayay dalka yaman. Wasaarada Gaashaadhiga Maraykanka ayaa waxa ay xustay in Awlaki iyo saraakiil la socday ay ku dileen gudaha dalkaasi waxana ay intaasi ku dareen ninkani uu mudaba ku dhuumaaleeysanayay Gudaha dalka Yemen. Anwar Al Awlaki oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa ay hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA ay ku eedeeysay in uu ka danbeyay weeraro badan oo ay Al Qacida ka fuliyeen dalal badan oo caalamka Kuyaala, waxana ay saraakiil maraykan ah sheegeen in Awlaki uu hada ahaa Hogaamiyaha Al Qacida Carabta. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Diyaaradaha Maraykanka ay duqayn u gaysteen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay Gantaalo ku garaaceen halkaas oo xarumo Milatari ay ku leeyihiin shabaab, waxaana la sheegay in uu jiro qasaare soo gaaray Maleeshiyaadka shabaab. Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradahan ay duqeeyeen degmada saaka barqadii, kadib markii dhowr jeer ay dul martay degmada. Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha ka dhashay duqeynta, hase ahaatee meelaha la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga degmada Ceelbuur iyo bartamaha degmada. Sidoo kale diyaaradahan ayaa duqeeyay deegaanka Ceel-Garas oo saldhig u ah Al-Shabaab, waxaana la sheegay in halkaas laga arkayay Uuro madow oo ka kacaysa. Dhinaca kale Isgaarsiinta Gobolka Galgaduud ayaa hawada ka maqan, lamina oga u jeedada ay Hawada Uga Maqaantahay. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com
Waxaa labadii todobaad ee la soo dhaafey magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ka socdey koob loogu magac darey koobka Nabadda, koobkaas oo ay ku tartamayeen da’yar Soomaaliyeed oo da’doodu ka yar tahey 13 sano jir ayaa waxaa koobkaad soo qaban qaabiyay oo dhigey ururka badbaadada isboortiga Soomaaliyeed oo ka howl gala magaalada Muqdisho. Ururka Badbaadada isboortiga Soomaaliya ayaa waxaa ku mideysan ciyaartooydii hore kooxaha dalka ka jiri jirey oo dhan iyo dadkii ka soo shaqeyn jirey wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyo isboorti kale duwan ka wada gudaha dalka Soomaaliya, si ay u soo celiyaan islamarkaana nafta ugu soo celiyaan isboortigii Soomaaliyeed ee sanadihii ugu dambeeyay gacanta ugu jirey kooxo isbaaro ku qabsadey wixii umadda dhan ka dhaxeeyay oo dhan, kana dhigey isboortigii Qaranka oo dhan inay iyaga gaar u leeyihiin si ay ugu shaqeystaan si shaqsiyan ah. 16-ka kooxood ee ka qayb galeyay koobkaan ayaa soo bandhigey ciyaar wanaag iyo wax ka duwan oo lagu qabto magaalada Muqdisho madaama koobka ciyaartooyda dheelaysay ay wada ahaayeen da’dooda 13 sano jir iyo ka yar, taasoo aan oran karo tilaabo lagu soo nooleeynaayo mooralka caruurta Soomaaliyeed ee u baahan in loo helo wado kale oo looga badbaadiyo dhibaatada iyo dagaalada ka socdo dalka Soomaaliya oo noqotey mid loo adeegsado caruurtaas dagaalada ujeedo badanka ah. Ururka badbaadada isboortiga Soomaaliyeed oo uu gudoomiyaha u yahey rug cadaa ciyaaryahan qaranka dalka Soomaaliya kubadda cagta ka soo dheeli jirey mudane Gudoomiye Cabdalla Omar ‘’Abdalla Quuq’’ iyo saaxiibadiisa ayaa dhexda u xirtey in koobkaan loo qabto caruurta Soomaaliyeed. Waxaa garoonka intii ay ciyaaraha socdeen ka soo dhexmuuqan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya oo dhan iyo madaxdii isboortiga ka soo shaqeyn jirtey, xiritaankii tartanka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaan Moowliid Macaani Maxamuud, Gudoomiyihii hore ee GOS rug cadaa isboorti mudane Cabdulqaadir Gacal Abkoow, Garsoore caalami mudane Xaaji Yusuf , wakiilka ururka HIRDA magaalada Muqdisho mudane Cabdi Daahir iyo ciyaartooy farabadan oo aanan halkaan ku soo koobi karin magacyadooda, kuwaasoo aad ugu faraxsanaa inay Muqdisho ku qabtaan cayaraaha koobka Nabadda, halkaas oo abaalmarinadii lagu gudoonsiiyay kooxihii ku guuleystey koobka. Xafiiska Ururka Badbaadada Isboortiga Soomaaliyeed ayaa ah xafiiska kaliya ee isboorti ee ka howl gala magaalada Muqdisho, waxaana xafiiskaan inuu furmo islamarkaana gacan weyn siiyay dad badan oo isboortiga Soomaaliya qaabka lagu wado ka xumaadey iyo sida dadkii isboortiga cimrigooda ku soo jirey looga marti yeelay diiday, sida Wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada mudane Sheikh Muqtaar Shuute mahadii ha ka gaartee intuu shaqada ka wadey magaalada Muqdisho ku guuleystey in xafiiskaan furo islamarkaana garab istaag ka helo sida wasiirkii isboortiga mudane Wasiir Cabdi Nuur ee xukumadii dowladii hore Raisal Wasaare Farmaajo. Dadka Isboortiga Soomaaliyeed taariikhdiisa yaqaan ayaa qaba in loo istaago sidii isboortiga Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaaa dalka oo dhan islamarkaana uu unoqon lahaa mid taladeedana ay leeyihiin dhamaan dadka Soomaaliyeed ee jecel isboortiga. Xafiiska Badbaadada isboortiga Soomaaliya oo kaashanaya dowlada iyo badweynta isboortiga dalka Soomaaliya meel kasto ay joogaan ayaa wada qaban qaabo uu ku soo celinaayo kooxihii hore ee magaca weyn ku lahaa dalka Soomaaliya iyo caalamka, islamarkaana doonaya inay qabtaan tartamo kale duwan sida degmooyinka, dugsiyada iyo cayaaraha gobalada iyadoo kaashanaya wasaarada isboortiga iyo maamul gobaleedyada dhisan ee ka jira meelaha nabadda ah si loo soo celiyo isku xirnaanshihii bulshada Soomaaliyeed qaasatan dhalinyarada. Koobka Nabadda oo lagu soo qabtey magaalada Muqdisho oo aan idin kaga soo qaadney sawiro taariikhi ah halkaan ayaad ka daalacan kartaa iyadoo Video ahna waxaad ka daawan doontaan meelo badan insha Allah, tartankaan oo loogu magac darey koobka Nabadda ayaa waxaa risboonsar gareeyay hay’adda HIRDA oo gacan siisa waxbarashada iyo isboortiga dalka iyo dibaddaba, si isboortigu u noqdo aalad dadka oo dhan isku soo xira oo ay ka dugsadaan waxyaabaha xun xun oo dhan. Koobkaan ayaa ku soo dhamaadey si guul ah islamarkaana dadkii gacanta ka geystey iyo intii ka qayb gasheyba ay aad ugu faraxsan yihiin gaar ahaan caruurta Soomaaliyeed. W/D:Yusuf Yusuf SSPAMEDIA mrsomalia@hotmail.com London