Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab laguna tilmaamo shaqsi aan ganban ayaa markii ugu horeysay waxa uu sheegay in Ciidamada shabaab ay gaystaan tacadi. Mansuur ayaa sheegay in Ciidamada shabaab ee jooga Soomaaliya ay Qaldami karaan, waxa uuna ugu baaqay in ay dadka ilaaliyaan ama ay dhowraan oo aysan ula dhaqmin sida cadowga oo uu ula Jeeday Ugandha. Waxa uu sheegay Hogaamiye Mansuur in maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay shabaab way Jabeen ama Mansuur baydhabo ayuu u cararay iyo Hadalo kale. “Horta ma la idin sheegay Muqdisho waa laga cararay ayaa la yiri, aniga xataa waxaa ley dhahay Baydhabo ayuu u cararay, kan ma aniga mise waa mid kale” ayuu si jees jess ah u yiri Mansuur oo garabka ku wata AK47 afjeex ah. “ Raisal Wasaaraha Itobobiya ayaa yiri waan soo laabanaa, aaway waan joognaa muu noo imaano waan soo dhawaynaynaa”ayuu markale ku yiri JeesJees ah Sidoo kale waxa uu talo u soo Jeediyay Mansuur Maleeshiyaadka shabaab gaar ahaan kuwa Xisbada oo uu u sheegay dadka in ay si dagan oo adaab ah kula dhaqmaan. “Waxaa leeyahay Ciidamada Xisbada ee dadka ku dhex jira, haloo turo, soo dhoweeya, ogaada waa kuwii idinla diririyay amxaaro, ee biyaha iyo caanaha, iyo rasaasta idin keenay, hada maa Ugaandeska raacisaan maxaa sugeysaan”ayuu mar kale yiri. mansuur ayaa waxa uu yahay shaqsi ka soo hor jeeda sida la sheegay in dadka ay caburiyaan Ciidamada alshabaab, waxa uuna si gaar ah uga soo hor jeedaa in dadka la xiro la dilo. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com
Waxaa galabnimadii maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar guddigii tartan aqooneedka bisha Ramadaan iyo maamulka SBC. Wafdigan oo ka soo kicitimay magaalada Bosaso ayaa waxaa meel ka durugsan magaalada kaga hortagay maamulka gobolka,degmada duqay ,culuma’udiin iyo dhalinyaro. Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid oo isagu codsaday in tartanka finalaha lagu qabto magaalada Qardho ayaa waxaa wajigiisa ka muuqatay farxad aad u ballaaran. Wafdigan ayaa ka hor inta aan loo daadihin goobta loogu tala galay in la dejiyo waxaa lagu soo wareejiyay gudaha magaalada Qardho halkaas oo bulshadu wadada taagan ayku dhaawaqayeen halku dhegyo soo dhaweyn ah isla markasna sacabka loo tumayay Tartan aqooneedkii bisha Ramadaan ee sanadkan ee ayka qayb galeen 24 xaafadood oo ka kala tirsanaa gobolada Puntland ayaa waxaa Semi finalkii isugu soo horay 3 xaafadood oo Qardho ah oo kala ah Xingood ,Xorgoble iyo Qoryacad iyo xaafad Bosaso ah oo ah xaafada Biyo Kulule waxaana tartankii finalka u soo baxay labada Xaafadood ee Xingood iyo Xorgoble ee degmada Qardho,waxana lagu wadaa in habeen dame tartanka finalka lagu qabto dhisme weyn oo ku yaal bartamaha Qardho halkaas oo ayku kala hari doonaan labadan xaafadood ,xaafada Biyo Kulule ee magaalada Bosaso ayaa waxa ay gashay kaalinta saddexaad Waxaa dabadeed lagu wadaa in xaafadaha galay kaalimada Kuwaad ,Labaad iyo Saddexaad la gudoon siiyo abaal marino loogu tala galay oo ay ugu tala gashay shirkada isgaarsiinta ee Golis. Hadaba tartamadii quraanka Kariimka iyo kedis aqooneedkii sanadkan ee ka dhacay Puntland ayaa dhalin yaradii u tartamaysay gobolka Karkaar waxa ay ka muujiyeen wacdaro la yaab leh tusaale ahaan:- Tartankii xifdiga quraanka kariimka 30 jus ee gobolada Puntland waxaa ku guulaystay Maxamuud Cabiraxmaan Samatar oo u tartamayay gobolka Karkaar. Maamulka degmada oo si weyn u soo dhaweeyay guddiga Tartan aqooneedkii Bisha Ramadaan ee xaafadaha degmooyinka Puntland ee ay sanadkasta qabato warbaahint SBC oo ay semi finalka isagu soo hareen 4 xaafadood oo saddex kamid ah ay qardho yihiin halka 20 kale laga huleel siiyay. Tartan iyo Tacliin oo ay warbaahinta Daljir u qabato dugsiyada sare ee Puntland waxaa kaalinta saddexaad ka galay Dugsiga Muntada ee degmada Qardho. Tartanka finalaha labadan xaafadood ee xorgoble iyo Xingood ayaa waxaa la filayaa inuu noqon doono mid labada xaafadood aysan waxba la hari doonin soo bandhigista aqoontooda iyada oo himilada labada xaafadood ay kala tahay kaaf iyo kala dheeri. Xaafada Xorgoble waxa ay hiigsanaysaa in ay noqoto xaafadii u horaysay ee qaada laba jeer koobkan tan iyo intii la bilaabay tartankan aqooneedkan halka xaafada Xingood ay leedahay u kaadi aniguna markayga koobka qaadee. Waxaana xusid mudan in aysan ahayn markii u horaysay ee Xingood iyo Xorgoble ay tartan final ah isaga hor yimaadeen balse tartankii 2009kii ayaa tartankii finalka ee kediska waxa uu dhex maray labadan xaafadood ,waxana koobkii guusha qaatay xaafada Xorgoble. Puntlandnews24.com
Waxaa galabnimadii maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar guddigii tartan aqooneedka bisha Ramadaan iyo maamulka SBC. Wafdigan oo ka soo kicitimay magaalada Bosaso ayaa waxaa meel ka durugsan magaalada kaga hortagay maamulka gobolka,degmada duqay ,culuma’udiin iyo dhalinyaro. Duqa degmada Qardho Maxamed Siciid oo isagu codsaday in tartanka finalaha lagu qabto magaalada Qardho ayaa waxaa wajigiisa ka muuqatay farxad aad u ballaaran. Wafdigan ayaa ka hor inta aan loo daadihin goobta loogu tala galay in la dejiyo waxaa lagu soo wareejiyay gudaha magaalada Qardho halkaas oo bulshadu wadada taagan ayku dhaawaqayeen halku dhegyo soo dhaweyn ah isla markasna sacabka loo tumayay Tartan aqooneedkii bisha Ramadaan ee sanadkan ee ayka qayb galeen 24 xaafadood oo ka kala tirsanaa gobolada Puntland ayaa waxaa Semi finalkii isugu soo horay 3 xaafadood oo Qardho ah oo kala ah Xingood ,Xorgoble iyo Qoryacad iyo xaafad Bosaso ah oo ah xaafada Biyo Kulule ,waxana tartankii finalka u soo baxay labada Xaafadood ee Xingood iyo Xorgoble ee degmada Qardho,waxana lagu wadaa in habeen dame tartanka finalka lagu qabto dhisme weyn oo ku yaal bartamaha Qardho halkaas oo ayku kala hari doonaan labadan xaafadood ,xaafada Biyo Kulule ee magaalada Bosaso ayaa waxa ay gashay kaalinta saddexaad Waxaa dabadeed lagu wadaa in xaafadaha galay kaalimada Kuwaad ,Labaad iyo Saddexaad la gudoon siiyo abaal marino loogu tala galay oo ay ugu tala gashay shirkada isgaarsiinta ee Golis Hadaba tartamadii quraanka Kariimka iyo kedis aqooneedkii sanadkan ee ka dhacay Puntland ayaa dhalin yaradii u tartamaysay gobolka Karkaar waxa ay ka muujiyeen wacdaro la yaab leh tusaale ahaan Tartankii xifdiga quraanka kariimka 30 jus ee gobolada Puntland waxaa ku guulaystay Maxamuud Cabiraxmaan Samatar oo isagu ka oo u tartamayay gobolka Karkaar Tartan aqooneedkii Bisha Ramadaan ee xaafadaha degmooyinka Puntland ee ay sanadkasta qabato warbaahint SBC oo ay semi finalka isagu soo horeen 4 xaafadood oo saddex kamid ah ay qardho yihiin halka 20 kale laga huleel siiyay Tartan iyo Tacliin oo ay warbaahinta Daljir u qabato dugsiyada sare ee Puntland ,waxaa kaalinta saddexaad ka galay Dugsiga Muntada ee degmada Qardho Puntlandnews24.com
Waxaa wali soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan gabarta Soomaaliga ah ee ku dhiiratay inay qoorta ka gooyso nin keedii ay jeclayd, kadib khilaafaad waayadii danbe hareerayay labadooda. Magaalada Johannesburg ee Dalka K/Afrika waxa ka dhacday Dhacdo Xanuun iyo uur kutaalo reebtay kadib markii ay halkaasi Haweeney Soomaaliyeed ay dhawan Ninkeedii ayu u dhaxday Dil arxan dara ah ugu geesatay. Haweeneyda ayaa la sheegay in Ninkeeda Xili uu hurdayay ay Toorey ku dishay iyadoona dhoor meel kaga dhufatay toorey si uusan nolol danbe u helin ,balse dhaawac halis ah oo soo gaaray ayuu Marxuunka ugu geeriyooday Isbitaal kuyaala Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika. Marxuunka ay Dishay Haweeneydan ay Naxariista ka guurtay ayaa la oran jiray Maxamed Cilmi oo kumagac dheer (Gaagaale) in Mudo ahna ku noolaa Dalkaasi ,iyadoona la sheegay in haweeneyda Ninkeeda ay dishay aysan u dhalin wax caruur ah balse ay in mudo ah wada noolaayeen. Warar kale aan helayno ayaa sheegaya in Marxuun Gaagaale ay Dishay Gabar uu adeer u ahaa oo ay dhashay Xaaskiisa ,hasa ahaatee wararka saxda oo ay inoo xaqiijiyeen dadka Gob joogayaasha ah ayaa loo badinaya in ay Dilka ka danbeysay Xaaskiisa balse gabdha iyadana ay xiligaasi goobta ku sugneed. Macada Sababaha dhabta ah ee Haweeneydaan u dishay Ninkeeda , waxaasa loo badinayaa in ay u dishay Maseer sida ay dad goob joogayaal ah oo xog badan ka hayay ay inoo sheegeen. Dhacdadan Xanuunka badan ayaa waxa ay Joganesburg iyo Guud ahaan South Afrika ay ka noqotay mid ay dadku aad u hadal hayaan iyaga oona sheegay dadku in ay dhacdadan aheyd mid xanuun badan uur kutaalana reebtay in haweeney disho ninkii iyada u dhaxay. Haweeneydii Dilka Geesatay ayaa lagu waramayaa in aan wali gacanta aysan ku dhigin Ciidamada Booliiska ayna hada ku nooshahay qeybo kamid ah Magaalada Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika. Dhacdan ayaana waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee Ceenkeeda ah ee ka dhaca Magalada Johansburg ee Dalka K/Afrika iyadoona hada ay cabsi badan lasoo daristay raga Qaba haweenka Maseerka badan iyo kuwa kul kulul iyaga oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo taa lamid ah u geestaan. Cabdulaahi Cabdi Xaashi cabdulaahi_heeb@hotmail.com Muqdisho-Somalia
Madaxa hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, António Guterres oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah. António Guterres oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wakiillada uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo midayn lahaa howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka Soomaalida ay ee ay barakiciyeen gaajada iyo harraadka. Madaxa UNHCR ayaa beesha caalamka iyo waddamada deeqaha bixiya u soo jeediyay in ay sii labalaabaan dedaallada loogu gurmanayo shacabka Soomaalida ah ee dhibaateysan, isagoo xusay in ay UNHCR si joogto ah u caawiso ilaa sagaal kun oo qaxooti Soomaali ah. António Guterres ayaa dhinacyada Soomaalida ku guubaabiyay in ay ixtiraamaan xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Cabdulaahi Cabdi Xaashi cabdulaahi_heeb@hotmail.com Muqdisho-Somalia
Xarakada Al-Shabaab ayaa amaro Cajiiba ah oo dad badan la yaabeen waxa ay kusoo rogeen Deegaanada loo a barakacay ee Duleedka Muqdisho halkaas ay kunool yihiin dadweyne fara badan. Xarakada Al shabaab ayaa deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ka mamnuucay in boorarka ama magacyada goobaha ganacsiga lagu qoro Af Soomaali ama English taasi bedelkeedna amar ku bixiyey in lagu qoro afka Carabiga. Amarkaan kasoo baxay xarakada Al shabaab ayaa waxaa la dul dhigay dadka ku dhaqan deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho oo uu kamid yahay deegaanka Ceelasha biyaha. Xarakada Al shabaab ayaa sheegtay in luuqadda koowaad ee umadda islaamka ah ya tahay tan Carabiga sidaasi darteedna loo baahan yahay in wax lagu qoro hadda ka dib. Ganacsatada iyo dadka kale ee ku dhaqan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa siweyn uga walaacsan amarkaan kasoo baxay xarakada Al shabaab maadaama inta badan ay isticmaalaan luuqadda Soomaaliya oo ah tan koowaad ee dalka. Horay ayaa xarakada Al shabaab deegaanada ay ka taliyaan oo uu kamid yahay deegaanka Ceelasha biyaha waxay uga mamnuuceen Sambuuska sadax geeska oo kamid ah cuntooyinka inta badan la cuno inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Al shabaab waxay u sababeen joojinta Sambuuska in uu leeyahay saddex gees isla markaana uu shabaho ama u egyahay calaamadda kirishtaanka, waxaana xigay amarkan kale ee hadda ay kusoo rogeen deegaanada ay ka arrimiyaan. Xaralada Al-Shabaab ayaa Maalintii Shalay Degmada HJiliwaa waxa ay kusoo bandhigeen Ciidamo badan iyo hub ay wataan kuwaa oo lagu soo bandhigay Wadooyinka Degmada Hiliwaa. Ciidaman oo ahaa kuwo afka u duuban yahay waxa ay ku hubeesnaayeen hub waa weyn ay garbah ku wateen iyo qoryo ay dhulka surteen iadoona daawashadooda ay dad badan wadooyinka isugu soo abaxeen Al-Shabaab ayaa waxa ay wali ku xoogan yihiin Degmooyinka Hiliwaa iyo Dayniile aysan wali gaarin Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo hada inata badan wa wareehgay Degmooyinka Goboaalka Banaadir. Cabdulaahi Cabdi Xaashi cabdulaahi_heeb@hotmail.com Muqdisho-Somalia
Halkaan ka akhri Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday dad lagu soo qabtay hub sharci daro ah, kuwaas oo ay soo qabteen ciidamada dowladda kadib howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Dadka xukunka ay ku riday Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa Todobbo ruux,