Tacsi: Ismaaciil Maxamed Cali (Cabdi Olol) oo ku Geeriyooday Magaalada, London,UK
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun.
Maamulaha Webka Gubta.Com, Mudane Cabdi-Bashiir Cilmi ( Indha-Buur), Isagoo ku hadlaya Magaca
Reer Cilmi iyo Reer Xasan Abuukar, wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka
geeriyooday marxuum Ismaaciil Maxamed Cali oo ku geeriyoodey Magaalada London ee Cariga
Ingiriiska.
Mudane Cabdi-Bashiir Cilmi,Wuxuu Tacsi gaara gaarsiinayaa Xaaskiisa, Sucaad Cabdulaahi Siyaad iyo Walaashiis,Luul Maxamed Cali, oo jooga London Geerida ku Timid Marxmuum Ismaaciil Maxamed Cali.
Waxaa kaloo halkan tacsi taa la mida u diraya qoyska uu ka geeriyooday marxuumka, Cabdi-Casiis Xuubeey Ibraahim,Bashiir Nuur Dhabato iyo cabdulaahi Maxamuud Maxamed.
Waxaan Illaahey uga baryeynaa Marxuumka inuu janadi Fardowsa ka waraabiyo, Qaraabada iyo
Ehelkana Samir iyo Iimaan ka siiyo
Aamiin






