Sharaftii Soomaaliya oo Dib u Soo Noqonaysa iyo Sharkii Qarandiidka oo Shuushkiisii Baxay
Waxaa jira dadka qaar had iyo jeer ciwaan ka dhigan jiray dhibaatadii baahsanayd ee wadanka ka dhacday iyada oo meel walba saamaysay aya sharwadayaasha nooc walba leh ee faraha badan waxay sheegi jireen in aan dib loo heli doonin rajo caasimada soomaaliya iftiinkeedii soo celisa .
Waxaa maanta wadooyinka muqdisho aad ku arkaysaa calamo kala duwan oo caalamka ah iyo madax fara badan oo aduunka ka socota iyo wafdiyo is hor iyo daba marayaa gurmad badan iyo indhaha dadka jecel danaha soomaaliya oo si toosa u eegayaa duruufaha xaaladeed ee ka jira.
Maxaad qabtaana qalbigay qaboojisaa waxaa la yidhi warkii wacaniba ninbuu waran ku yahee waxaa jira qoom badan oo aan jeclayn nabada , magaca umada soomaaliyeed inuu sidiisii ku soo noqdo iyo in la helo qaranimadii soomaaliyeed qiimahay aduunka ka lahayd.
Hadaba aniga oo aan farta ku taagayn waxaan leeyahay dadkii odhan jiray dowladi ma jirto hadaba ha daawadeen , nidaamka iyo kala danbaynta dib usoo celinta qaranimada soomaaliyeed hanaankay ku socoto.
Kuwii meelaha ku shaxaadi jiray muqdisho nabad maaha oo waa bahalo galeen ee mashaariicda ku doonayayna rajadoodii waxay gashay dhulka waxaanay ku hungoobeen siyaasadii qalafsanayd ee qabyaalada iyo xiqdiga iyo xaasidnimada ku salaysnayd ee qaranimada soomaliyeed lagu waayay.
Wadamada Maanta is garabtaaga dib usoo celinta sharafta soomaaliyeed shacabka soomaaliyeed way xasuusnaan doonaan waxayna u hayn doonaan abaal iyo wanaag aan la ilaawi doonin waxanan lagu qori doonaa diiwaanka kaydka taariikhda soomalida.
Hadaba Haddii laga adkaado cadowga hubka haysta waxaa iyaguna dagaal u baahan kuwa aan hubka sidan ee wada qalaanqalka iyo qaska ee waliba masuuliyadaha haya ee had iyo jeer niyadjabka iyo warxumatashiilka la wareega.
Waxay dowladii dhexe dhacday maalintii muqdisho burburtay waxaana meeshaas ku dhamaaday magacii dowladnimo waxaana maanta muqdisho dib uga aloosnay magacii dowladnimo taas ayaa waxay markhaati ka tahay ama ha xumaato ama ha samaato ama ha tabaryaraato ama ha xoog badnaato , in dawadii wadadeedii la hayo.
Waxaa maahmaah soomaaliyeed tidhaahdaa (Aji Fal dhiman lama tuso) Qolyaha farsamayaqaaniinta soomaaliyeed ayaa markay wax samaynayaa qofka aan aqoon xirfada wuu soo boodaa ka dayaa sidaa maahee war bal sug hawsha waan wadaa ayuu farsamayaqaanku ku yidhaahdaa isaga oo og aqoondarida ka haysata dhinaca farsamada waxayna kula tiraabaan maahmaahdaa aan kor ku soo sheegay isla hadana soomali dowladnimada intay dhamaystirmayso ee hay, adaha dowliga ahi shaqo bilaabayan amaanka iyo kala danbaynta iyo nidaamka la helo way sugi la,yihiin waxaadna moodaa dhaliisha iyo canbaaraynta mooyee saadaasha wanaagsan iyo raja gelinta inay ku yar tahay .
Waxaad arkaysa nin wayn oo maamul dowladeed ka soo shaqeeyay soo bartay nidaamka maamulka iyo maaraynta xirfad u leh oo ku odhanayaa waxba meesha ma yaalaan dowladi ma jirto, dowladnimada miyaa la soo iibiyaa, ma meelbaa laga keenaa ma raashin dubai yaala saw maaha inay shacabka soomaaliyeed dareemaan inay dowladnimadu ka maqan tahay oo gacmaha is qabsadaan oo taageeraan xukuumada jirta waxay doontaba ha ahaatee si loo gaadho meeshii la rabay dowladnimadu waxaa markii horena loo soo maray wado dheer markan waxaa loo marayaa isla wadadii dheerayd waxayna wax u taraysaa qofkii dareemayaa ee waxba ka tari mayso qof aan aqoon waxaan leeyahay dadka had iyo jeer xumaatada iyo dhibaatada jeceloow wuu dhamaaday waqtigiinii waxaa la gaadhay waqtigii dowladnimada, daacadnimada, deganaanta iyo daryeelka shacabka soomaaliyeed ee dastuurka lagu kala bixi lahaa , nin walibana waxuu kasbado qaadan lahaa waxaan ku soo afjarayaa hadalkayga.
Waxaan waaga beryaba
Walaaciyo foorariyo
Walaahoow laygu rido
Wareerkuna sii batoo
Warkeeda markaan maqloba
Wajaac igu soo dhacoo
Waxaan wadankaan jeclaa
Ka waasho inaan tagoo
Wiiftiyo xabadiyo dagaal
Waaqliyo hoobiyo onkoda
Rasaas walaclaynaysiyo
Wed iyo dhagar joogta ahi
Walaaqo dadkayga oo
Waxyeeluun laga waramo
Hadaan warsan iyo wanaag
Weedhii aan rabay maqloo
War aan la dhacaan helloo
Wadaadadii xumaha waday
Waqtigaa ka dhamaadayoo
Waagoodii baa dumoo
Awood wiiqdaa la helay
Waxaa wadankii ka jira
wadaado xumaatado wada
wareershay islaamkiyoo
wadiiqo xun noo furoo
waxaan jirin sheegayoo
waxaan dhicin raadiyoo
dadkii weger wada dhaheen
waxaa wadankeena jira
Wadani sama doonayiyo
Wanaaja dal iyo dadkoo
Wareer na ka dhawrayoo
Wahsigu uu ceeb ku yahay
Waagii berya taaganoo
Ka weera xumaatadiyo
Weerkiyo bahala wax cuna
Waxay shacabkii fahmeen
Waxay shalay soo maroo
Wadadii lagu soo dhagriyo
Waawaraydii lagu qaldiyo
Warkii lagu buufin jiray
Hadana wacad bay galeen
Is weheshiga daacadnimo
Walaalnimadooda mudan
Inaanan la wiiqin abid
Waraabaha laga jiroo
Wakiilka xumaanta wada
Kuwaa wadankooda neceb
Warmaha loo qaata oo
Wadajir laysaga dhacshoo
Wareerkana laga baxoo
Wiil iyo sida waalidkii
Wadanka loo wadajiroo
Wanaag la horseeda oo
La weheshado dowladnimo…
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com






