Boorame ( RBC Radio) Waxaa maanta lagu soo dhaweyay magalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal wasiirka warfaafinta ee Somaliland Maxmed Cabdi Xaabsade. Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa uu ku saabsana sida uu sheegay in uu soo arko xaalada ka jira magalada boorame ee dhinacyada kala duwan ee nolosha Caadiga ah ee magalada ku jirto. Xaabsade oo shir jara’id qabtay ayaa ka hadlay Xaalada kala duwan ee somaliland ku sugan tahay,waxaana uu ugu horeyn baaq u diray shacabka ku dhaqan Boorame uu sheegay in ay iska ilaaliyaan kala Go’a iyo in ay magacyo kala duwan ka abuuraan gudaha Somaliland. “ dad baa jira waayadan wada wax aan inoo wanaagsaneen Anaga iyo qarankayaga,waxay leeyihiin Maamul baanu dhiseynaa,Show kanu maamul maaha,waxaasi waxay inoo keenayaan haddi aanu iska qaban Fitano walalayaal”ayuu hadalkiisa ku yiri mudane Xaabsade. Waxaana uu sidoo kale iftiimiyay warbaahinta qaarkeed oo websetyada ku daabaacay warar la xiriira maamul laga dhisaayo boorame oo ka madaxbanaan Somaliland. isagoona ugu baaqay saxafiyiinta in ay ilaaliyaan dastuurka somaliland,kuna ekaadan meesha uu ku xiraayo saxafiga ee aanu dhaafi karin. Maxmed Cabdi xaabsade ayaa sidoo kale sheegay in dawlada somaliland la socoto waxa uu ugu yeeray dhuuni raacyada ku sugan dalka dibadiisa ee lacagaha ku bixiya sidii ay nolol qariban ugu horseedi lahaayen dadka ku dhaqan somaliland. “ inta qof caado qaate ah uu magaalada inala joogo waxaanu nahay dad ka soo bixiwayay waajibkoodi oo ahaa in ay iska saaran oo iska Fogeeyaan,anaga dawladii ah hanaloosheego,waxbaan ka qaban doonaa “ayuu u sheegay shacabka reer boorame. Waxagaradka reer Boorame ayuu ku amaanay wasiirka warfaafinta somaliland sida ay mar walba ugu dheertay jecleysiga Nidaamka Caddalada iyo Horumarka ku saleysan ee ay ku dhaqanto Xukumada Haatan ka jirta somaliland. isagoona meesha ka saaray in wax ka badalan nidaamka Somaliland ay ka dhaqan gali karaan guud ahaan gobolka Awdal ee xuduuda ku yaala. Ugu danbeytiina dadka ka hadla arimaha siyaasada somaliland ayaa sheegaya in safarka haatan uu ku tagay boorame Wasiirka warfaafinta uu muhiimda siinayo Guux farabadan oo maalmahan ka jiray magalada iyo guud ahaan gobolka oo la xiriira in ay ka Go’ayaan Maamulka Somaliland. mudane xaabsadena waxaa uu isku dayayaa sidii uu meel ugu ogaan lahaa xaaladaha isbedelka huwan ee laga sheegayo dhulkaasi,isagoona xaqiiqsanaya Dareenka shacabka ku dhaqan Awdal. RBC Radio
Halkaan ka akhri BOY, what a whirlwind summer this has been for me! From Lake Tahoe, California, travelling via San Diego, I returned briefly to Toronto for a few days with the family before proceeding to Mogadishu, Somalia. From the war zone in the Horn of Africa, it was on to Uganda, spending a few
Waxaa kula kulmay Magaalo Xeebeedka Cape Town ee dalka S,Africa, wiil Soomaaliyeed oo la ildaran jaceyl aay ku abuurtay gabar Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Uk taasi oo uu sheegay in aay qiyaameysay. wiilkaan oo magaciisa ku soo gaabiyay Abukar halka gabadha aay iska barteen aalada Facebook ama weji book oo inta badan Soomaalida u adeegsato siyaabo kala duwan oo aay ugu horeyso calaf doon, ayaa wuxuu ku sheegay in lagu magacaabo Ayaan Maxamed Xasan. ugu horeyn waxaa aan Ayaan lehayn xariir socanayay mudo 8 bilood ah kaasi oo aan jacel wadaag ahayn halka ayada ila damacsaneyd qiyaano, wax jaceyl ah aynan ii qabin taasi oo u sabaab aheyd in aay iga galaafato hanti lacageed oo gaaraysa sideed kun dolar oo aan ka lahaa hanti aduun ayuu yiri Abukar. Waxaa aay i waydiisatay lacag gaaraysa sideed kun doolar oo aay ii sheegtay in aay ka dhiganayso tikid iyo baashaal baashaal caadi ah. ka dhiganayso anigana waxa ku siiyay si fudud ma soo galin niyadayda in aay i qiyaamey doonto ayuu yiri Abukar kalsoonida aan ka heestay darteed. Waxaa aan u hibeeyay nafteyda balse waxaa aay igu samaysey qiyaano aan ka soo kabsan dooniin mudo. ayuu yiri Abukar oo ku hadaaqay in aay qiyaamo dumur tahay mid lama ilaawana ragoow iska ilaaliya qiyaanada dumurka ayuu ku soo gaba gabeeyay Abukar hadalkiisa. Waxaa Akhristaasha Sharafta leh ka codsanaynaa in aay wiilkaan Soomaaliyeed ee lagu sameeyay qiynada jaceyl iyo tan lacageedba la soo taliyeen waxaa uu ka yeeli arinkaasi la soo gudboonaday oo ah ah arin naxdin leh oo laga wada xumaado. waxaa aan ogsoonahay in qiyaanada dumurka Soomaalida ee ku dhaqan dalalka reer galbeedka aay tahay mid aad ugu badan haweenka kale ku dhaqan qaarada sida africa aasiyo iy dalal kale oo aay ugu horeyn. W/ D Nuur Ismaaciil Sheikh TEL ; +27786293859 E-mil; nuur.usa@hotmail.com Xafiiska Badweyn South-Africa
Wiilki ku Guuleystay Kaalinta Koowaad Boosaso ( RBC Radio) Xaflad balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka Ardeyda Puntland ee P.S.A ayaa Caawa waxaa lagu Qabtay Xarunta ururka ee magalada boosaso. Xaflada ayaa ujeedada ahayd sidii Shahadoyin loo gudonsiin lahaa Tartamayaal ka qeyb galay barnaamij aqooneed ka baxayay bishii ramadaan Idaacada 1Nation ee Boosaso. Barnaamijkaasi oo ay maalgalineeysay shirkada Golden Stander Company Boosaso,Ururka ardeyda Puntland uu diyaarinaayay,waxaana caawa halkaasi joogay masuuliyin kala duwan oo lagu casuumay barnaamijkaan. Xubnaha ka soo qeybgalay xafladan ayaa waxaa u horeyay Maamulka Sare ee Ururka ardeyda Puntland P.S.A,shirkada Golden oo maalgalineysay,hay’ado maxali ah sida Tadamun iyo siyaasiyiin Hore. ugu Horeyn halkaasi waxa ka hadalo qiimo badan ka soo jeediya C/qaadir Maxmed Sugule oo maamulka Shirkada Golden ee maalgalineysay barnaamijkan. Waxaana uu ku dheeraday doorkii ay ka soo qaateen waxa ay uga dan’lahaayen waxaana uu sheegay in ay gaareen hadafkii ay ka lahaayen oo ahaa in Aqoon lakala faa’iideysto iyo in Isdhegal bulsho uu yimaado. isagoona sheegay in Alllah uga mahad Celinaayo sida quruxda badan ee ku soo dhamaaday tartankaasi oo loo qabtay 20 Ruux oo si toos ah habeenada Isniinta iyo Khamiista ugu tartamayay Idaacda 1-Nation Boosaso. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay C/xakiin Filfil oo ka mid ah ururka ardeyda Puntland oo ku dheeraday waxyaabaha ay horey u soo qabteen iyo Faa’iidoyinka ay bulshada ku dhex Abuureen. Waxana uu filfil qeexay barnaamijyada ay fuliyeen in ay badi noqdeen kuwo mira dhala oo laga arki karo dhamaan Puntland gaar ahaan isku xirka ardeyda,adkeyta Amniga iyo wacyigalinta Dhalinyarada laga wacyigalinaayo Burcadbadeednimada iyo Aqoondarida. Dhinaca kale waxaa uu tibaaxay in ay leeyihiin xafiisyo iyo qaybo kala duwan oo la xiriira horumarinta dhalinyada sida Goobo buugaagta lagu akhristo,meelha lagu cayaaro kubada Cagta iyo dhinacyo kale. dhinaca kale waxaa halkaasi shahaadoyin iyo Hadiyado lagu siiyay dadkii ku guuleystay barnaamijkan,balse inta aan shahaddada iyo Haddyiyada waxaa halkaasi qudbad ka jeediyay C/risaaq Xuseen gaceyte oo ka mid ah siyaasinta Puntland ee haatan ku sugan magalada Boosaso. Waxaana uu ka sheekeyay Faa’iidada ku jirta in la tartamo iyo qof walba aqoontiisa uu tijaabiyo,taasi oo sheegay in ay dhiseyso garaadka qofka,korna u qaadeyso in qof walba hammi u yeesho sidii uu tartankaasi u gali lahaa doorka danbe. C/fatax Sugule oo ah Maareyaha golden Stander ayaa isaga kalmad mahad celin ah u diray dhamaan dadkii isku taagay gacan siinta tartanka iyo kobcinta garaadka ardeyda Puntland. sidoo kale waxaa gabagabdii halkaasi shahaadoyin iyo qalab kala duwan lagu gudoonsiiyay shanta Ruux ee ugu sareysa tartanka ama iskugu soo haray Qaybaha danbe ee Tartanka. iyadoona kaalimaha ugu horeya ay kala galeen Maxamed Siciid yusuf,khaliif ibraahim Cali iyo Xaawo Maxmed Xasan,saddexdaasi ayaa galay kaalimaha ugu horeya waxaana ay qaateen Hadiyado ay ku farxeen soona dhaweyen. Ugu danbeytiina Tartamada noocan ah ayeey sheegen masuuliyinta Ururka Ardeyda Puntland in ay sii kordhin doonaan waxaana ay ka dalbadeen shirkada kale ee dalka in ay ka qaybqaatan arimahani lagu horumarinyo garaadka Dhalinyarada soomaliyeed. Daawo Sawiro Kale: Mohamed Abdirashiid RBC Radio Boosaso
Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgaladaan ayaa si gaar ah ciidamada dowlada KMG Soomaaliya waxa ay kaga sameeyeen agagaarka Isgoyska KM4 iyo agagaarka Isgoyska Sobe ee magaalada Muqdisho. Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa Howlgaladaan waxa ay ku soo qab qabteen dad badan kuwaasi la sheegay in ay ka ganacsanaayeen Hubka dowlada. Sidoo kale Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya Howlgalada ay sameeyeen waxa ay ku soo qab qabteen Hub aad u badan oo waliba leh nuucyo kala duwan. Waxaana Howlgalada ay maanta samaynayeen ciidamada dowlada goob jog ka ahaa qaar ka mid ah saraakiisha dowlada KMG Soomaaliya kuwaas oo uu ka mid ahaa Taliyaha boliska dowlada KMG Shariif Shiiqunaa Maya. Howlgalkaan ayaa waxa uu ku soo adayaa xili ciidamada dowlada KMG Soomaaliya in haatan inta badan ay la wareegeen magaalada Muqdisho isla markaana ay ka baxeen Al-Shabaab. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
Axmed godane ayaa ka hadlay gargaarka la siiyo Soomaalida dhibaataysan iyo sidoo kale dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM. Waxa uu Abuu Zubeyr ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is gargaaraan oo aysan waxba ka sugin shisheeye, wuxuuna xusay in gaalada kaalmada ay siinayaan dadka muslimiinta ay qorshe ka wataan, iyagoo doonaya buu yiri inay ku gumeystaan waxa ay bixinayaan. Abuu Zubeyr waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la ogaado inay jiraan dowlado, ururro iyo hay’ado ka ganacsada dhibka ummadaha ku dhaca, qaylo dhaantoodana aysan ahayn mid ay uga damqanayaan dhibka dadka ku dhacay, laakiise ay tahay inay dhaqaale ku urursadaan, ayna u adeegsadaan dilka ummaddaas iyo inay ku taakuleeyaan ciidamada shisheeye. Si looga gaashaanto abaaraha ayuu amiirka Al-shabaab sheegay in dhulalka oomanaha ah laga qodo ceelal, lana dhiirigeliyo dadka si ay ugu soo jeestaan wax soo saarka beeraha, isagoo ugu baaqay maamullada ka jira gobollada ay Al-shabaab ka taliso, ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha dibadda inay arintaas fuliyaan, isla markaana ay maalgashi ku sameystaan. Dhanka kale Sheekh Abu-Zubeyr wuxuu ka hadlay dagaallada ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, wuxuuna sheegay in dagaaladaas ay yihiin kuwo ay rajeynayaan inay iyagu ku guuleystaan, wuxuuna u digay dadka wax ka sheegsheega Al-shabaab. Waxa uu sheegay in dagaalada ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay weji cusub u bedeleen, wuxuuna sheegay in dagaalka wejiga cusub ah ee ay bilaabeen mujaahidiintu ay rajeynayaan inuu ku dhammaado guul. Shacabka ayuu uga digay inay ka fariistaan jihaadka, isagoo sheegay in haddii ay ka fariistaan ay dunida ku noolaan doonaan dulli, aakhirana ay la kulmi doonaan cadaab Alle oo daran. Wuxuu Sheekh Zubeyr u digay dadka been abuurka ka sameynaya Al-shabaab ee wararka ka sheegsheega, wuxuuna sheegay inay afkooda ka reebtaan haddii aysan taageereynin, isagoo ugu hanjabay inay dadkaasi tallaabo ka qaadayaan. www.Nuxur.com Email-cabdixakiin@nuxur.com