Kusoo Biir Facebook Badweyn oo ah Facebook/Badweyncom Sida shegayaan wararka nooga imanaayo Sariirta aya shegaya in raga hurdoodaan ame seexdaan kadib ciyaarta sariirta taasoo dhalisey doodo farabadan ayadoo su aalo qosol badan isweydiyaan dumarka farabadan oo jecleysta in ogadaan sababta kadanbeyso arinkaas. . Waxa lagu soo waramayaa in jirka Haweenka soo daayo xiliga galmada Hormone noociisa yahe Auxtukin, iyadoo maadadaasi tahay dheecanka xabadka haweenka ka soo baxa xiliga ay nuujineyso cunuga , waana maadada ka mas`uulka ah hurdada caruurta xiliga naas nuujinta lagu jiro.
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
RBC Radio (Nairobi) Warqadaan furan oo ay nooga timid Talo iyo Tusaale Forum waxaa soo diyaarshay Talo iyo Tusaale Forum waxa ayna ku qorneyd luuqada Ingiriiska ah bahda Raxanreeb.com ayaa akhristayaasheeda dartood ugu soo tarjuntay afkeena hooyo ee Soomaaliga ah waxa ayna ku bilaabaneysaa sidatan hoos ku qoran. To: Ban ki-Moon, UN Secretary General CC: UN Security Council CC: The African Union CC: The Arab League Warqad furan oo ku saabsan “Mabaadii’da Garowe” Anagoo ah muwaadiniin Soomaaliyeed, hogaamiyaashii hore iyo shakhsiyaad ka tirsan bulshada rayidka waxaan aad uga walaacsanahay qodobada “Mabaadii’da Garowe” ee la saxiixay Disembar 24-keedii oo ay saxiixeen lix siyaasi iyadoo uu martigeliyey Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya [UNPOS]. Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba wax dhaawacaya. Haddii looga dan lahaa in lagu dhameeyo wajiga xaalada KMG ee hadda lagu jiro, wuxuu abuuray khilaaf kale oo weyn. In shirka lagu qabtay gudaha Soomaaliya waxay ahayd tallaabo lala dhaco, iyo sidoo kale in la soo jeediyey yareynta baarlamaanka KMG (oo laga dhigo 225 halkii uu ka ahaa 550 mudane), shirka Garowe wuxuu lahaa fursad suurtagal ah balse la lumiyey. Deganaasho siyaasadeed waxay ku xiran tahay in la helo xal sharci ah oo hoosta ka xariiqaya dhibaatada siyaasadeed. Shirka Garowe wuxuu awood gaar ah iska siiyey dhowr shakhsi inay maareeyan hay’ada qaranka. Heshiiska Garowe wuxuu ku guuldareystay inuu wajaho dhibaatoyinka ugu daran; metelaad la’aan siyaasadeed oo daacad ah oo aan jirin darteed. Anagoo taasi tixraaceyna, waxaanu tilmaameynaa 5 qodob oo soo socota:- 1- “Mabaadii’da Garowe” waxay xoriyad daro ku rideysaa shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna heshiiska Garowe duudsiiyey shacabka xaqooda soo jireenka ah ee ah inay soo xushaan hogaankooda. Waxaa xaqa aas aasiga ah la siiyey siyaasiyiin fara-ku tiris ah, tasoo ay dheer tahay in heshiiskaasi uu yahay khatar shaki badan ku jiro iyadoo dadka lagu tilmaamay “KUWA TALADU KA GO’DO” inay siday u arkaan u tarjumaan inay ku filan tahay. Lixda siyaasi waxaa la siiyey inay saameyn ku yeeshaan soo xulida iyo dhisida baarlamaanka cusub iyo sidoo kale masuuliyiinta siyaasadeed ee mustaqbalka. Shakhsiyaadka lagu tilmaamay “KUWA TALADU KA GO’DO” ma ahan kuwo metela mushtamaca Soomaaliyeed guud ahaantiis. Inay hadda dhexda kaga jiraan qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya waxay duleel weyn ku noqoneysaa dib u heshiisinta iyo nabadda la gaarey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Hogaamiyaasha DKMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna Waljeemaca, halka iyaga loogu yeeray inay gacan ka geystaan qaabeynta mustaqbalka dalka sida MUWAADINIMO ahaan, waa inaysan noqonin arin gaar loogu dhiibay iyo inay kaalin gaar ah ay u noqoto inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka siyaasadeed. Habkan qaloocan ee lagu xalinayo arinta Soomaaliya waa la tijaabiyey waana la isku dayay hore laakiin natiijadu waxay noqotay mushkiladii oo soo noqnoqotay. 2- Heshiiska Garowe wuxuu waxba kama jiraan ka dhigayaa Axdiga Qaranka KMG, wuxuuna ku bedelayaa baarlamaanka KMG gole loogu magacdaray “Golaha Wakiilada Qaranka”. Golhaasi oo tiradiisu aaad u badan tahay isla markaana waxaa uu soo xulanayaa xubnihiisa taasoo abuureysa hay’ad aan sharci ahayn. 3-Mabaadii’da Garowe iyadoo uu si marin habaabin ah wadada ugu xaarayo sida loo dhameyn karo mudada KMG, haddana xaqiiqo ahaan wuxuu sii kororanayaa waqti kale kaasoo la yiraahdo “PROVISIONAL”. Ereyadan ayaa ka horimaanaya Axdiga Qaranka KMG ah, qorshaha habraaca mudada kalaguurka “roadmap” iyo heshiiskii Kampala “Kampala Accord”. Dhamaantoodna waxay sheegayaan in mudada KMG lagu dhameeyo bisha August 2012. 4-Dadka saxiixay heshiiska Garowe waxaa ku jira afhayeenkii hore ee baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo la og yahay in tiro aqlbiyad xadhaaf ay oo ka mid ah baarlamaanka ay xilkii ka qaadeen horaantii bisha Disembar, UNPOS waxay ogolaatay in Shariif Xasan uu ku saxiixo heshiiska sidii “AFHAYEEN BAARLAMAAN”. Talaabadani waxay si caddaan ah u sharcidaro uga dhigeysaa hay’ada sharcidejinta ee dalka, waxayna maja xaabineysaa masuuliyada dastuuriga ah, waxayna ku xadgudbeysaa madax bannaanida hay’adaheena qaran. UNPOS waxay si iskeed ah u dooneysaa inay buriso go’aanka baarlmaanka. 5-Metelaad a’aanta siyaasadeed ayaa ah barta mushkilada Soomaaliya. Halkii mushkiladaasi diirada la saari lahaa si caddaalad ah, UNPOS waxay ku bariiqatay nuxurka siyaasadeed iyadoo awooda siisay kuwa lagu sheegay “DADKA TALADU KA GO’DO”. Heshiiskan wuxuu sii fogeynaa dhibaatada Soomaaliya. Iyadoo maskaxda lagu hayo dhibaatooyinka la soo sheegay:- 1- Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay inay si deg deg ah u soo farageliyaan una saxaan xaalada. Mabda’a koowaad waa inaan waxyeelo la abuurin. Beesha caalamka waa inay ku caawiso sidii xaalada loo fududeyn lahaa ee ma ahan inay uga sii darto. 2- Isbedel siyaasadeed oo cusub ayaa loo baahan yahay. Xubnaha cusub ee loo xulayo baarlamaanka Soomaaliya waa inay yihiin gole loo dhan yahay oo ay hogaaminayaan odayaasha dhaqanka, ee ma ahan inay hogaamiyaan siyaasiyiin daneystayaal ah. Wakiilada qabaa’ilka waa in lagu soo gudbiyo shirweyne qaran waana inay heystaan awooda ay ku soo xuli karaam sharci dejiyaasha iyadoo lala tashanayo wakiilada deegaan ee la qadariyo. Iyadoo ujeedka yahay in la qabto doorashooyin toos ah markasoo xaalada amaan ee lagu jiro ay saamaxdo, habkani waxaa lagu qiyaasi karaa habeyn ku meel gaar ah. 3- Illaa laga helayo baarlamaan cusub, beesha caalamka waa inay xoojisaa hay’adaha hadda jira waana inay tixgelisaa marxalada si kastoo ay u jilicsan tahay. Waxaanu rajeyneynaa in UNPOS iyo qeybaha kale ee bulshada caalamka inaysan markale hareer marin fursad kale oo lagu sameyn karo isbedel la taaban karo. Qwaa in la helaa hab cusub oo weyn oo wax lagu saxayo. Waxaa saxiixay: 1. Abdullahi Yusuf Ahmed, former Somali president 2. Abdulqasim Salad Hassan, former Somali president 3. Mohamed Abdullahi “Farmaajo”, former Somali prime minister 4. Dr. Abdulnur Sheikh Mohamed, former education minister 5. Mohamed Hussein Rage, MP 6. Hussein Arale Aden, MP 7. Ali Omar Ghedi MP 8. Abdulqadir Sheikh Ismail, MP 9. Abdulfatah Ibrahim Rashid, MP 10. Abdullahi Ghedi Shadoor, MP 11. Muhudin Osman Ali, MP 12. Prof. Mohamed Hussien Ilkadahab, MP 13. Dr. Nur Dirie Hersi “Fuursade,” – Italy 14. Eng. Osman D. Osman, Virginia 15. Abdirizak Omar Mohamed, Toronto 16. Basto Ahmed, Virginia 17. Eng.Mohamoud Dahir Adani, Virginia 18. Abdirahman Ahmed, Ohio 19. Abdiaziz Haji Hussein, Minnesota 20. Professor Liban Egal, Seattle 21. Abdulkani Rage Barrow, Ottawa 22. Abdulkadir A. Abdi Ohio 23. Dr Ali M. Tifow, London, UK Qoraalka oo asal ah ka eeg halkan www.raxanreeb.com/?p=125158 . ______________________________________________________ FG. Xuquuqda tarjumaada waxaa iska leh Raxanreeb.com
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Maqaal: Ari Geel haraatiyana waa la arki doonaa !!! Abdullahi Abdi Farah ( Sujuud ) Sujuud2004@hotmail.com Wadankeena Soomaaliya waxaa soomaray dhacdooyin xanuun badan, waylaad iyo uur kutaallo, Somalia wax kasta oo xumaana oo bini adam sameeyo waa lugu arkay, weliba waxaa badan in Somalia lugu arkay xumaan aan aduunka meel kale kadhicin,iyo xad gudubyo ugub ah, sidaas darteed dadka Somaliyeed lama yaabaan wax kasta oo ay arkaan oo xumaana. 31.12.2006 maalintaasi inta badan Soomalida waxay u eheed maalin murugo, waa markii ciidamada Itoobiya ay Muqdisho soogaleen,waxaa hubaal ah in habeenkaas dad badan lahoydeen murugo, waxaana anigu ogaa dad badan oo naxdintii ay ka nexeen u xanuunsaday oo isbitaal ladhigay. Wixii kadanbeeyey wax badan kama sheegayo oo dadku way ogaayeen isir sifayntii ay sameeyeen ciidamadaas wadanka soo galay,waxaana lasheegaa inay Muqdisho kaliya kudileen shacab kabadan 80kun, ayna ku burburiyeen 70% magaalada Muqdisho. Ciidamadaasi waxay Somalia kujireen 2 sano iyo 17 maalmood, wakaaladaha wararka ee reer galbeedku waxay qoreen in ciidamada Itoobiya celcelis ahaan maalin kasta ay kadhiman jireen 60 askari, taasoo micnehedu tahay inay Somalia uga dhinteen mudadaas ay joogeen ciidan kabadan 43kun sida muuqata lama kala macaashin. Maalintaas Itoobiya dadka diidanaa waxay ahaayeen Somali kabadan 87% taas ayaana keentay in xoog wadanka looga saaro. 13-15.1.2009 ayey ciidamadii Itoobiya wadanka kabexeen, waxayna eheed maalin farxadeed oo qofkasta oo Somali ahaa uu aad ugu faraxsanaa, waxaajiray dad badan oo saadaalinayey in ay dhicidoonto waxa hada dhacay oo ay is dili doonaan somalida hada safka kuwada jirtaa ” anigu waxaan kujiray dadka rumaysnaa in xoogagii ladhihi jiray muqaawamadu ay isdilidoonaan, waxaana internetka laga helayaa maqaallo aan arintaas uga hadlayey waagaas” waxaajiray dad kale oo aaminsanaa in hada ay tahay markii ugu danbaysay dhiig somaliyeed oo daata. 31.12.2011 markale ayaa ciidamada Itoobiya Somalia soo galeen ”B/weyne” waxaana kasii horeeyey Kenya oo mar hore soo gashay oo already xasuuqday shacab badan oo somaliyeed wadankiina qayb dhan qabsatay,waxaana hor boodaya ragii laba sano kahor xabadda kuridayey waxayna aaminsanyihiin in Itoobiya wadanka uxoraynee ! ”ninba dhan ubadi”. Markaan maanta arkay dad shalay xabadda Itoobiyaanka beerka udhigayey maantana ku faraxsan waxaan soo xasuustay erayo kamid ahaa murti Abwaan somaliyeed ” HADII UU ABOORKII MASKII KA ILKA WAYNAADO, OO AARLIBAAX UU DAWOCO KA ESTEKOONAAYO, ARI GEEL HARAATIYANA WAA LA ARKIDOONAA,” Arintaani inay dhacdo hal arin ayaa sabab u ah, waana in Somalida qaarkeed diideen in lawada hadlo markii ciidamadii Itoobiya wadanka kabexeen, waayo macquul maahan in arinta Somalia lugu xalliyo xoog millatari, qofkii aaminsan in uu xoog kuqabsankaro Somalia waxaa haga garasho la,aan iyo in uusan waxaba kala socon taariikhda Somalia. 10.9.2009 ayaan lakulmay hogaamiye kamida kuwa Somalia ku diriraya oo markaas diidanaa in uu lahadlo dadka kasoo horjeeda, su,aal ayaan waydiiyey ” ma awoodaa in aad ragga kaasoo horjeeda xoog kumuqiiniso ? maya ayuu kujawaabay, waxaan iri hadaba waad ku qasbantahay inaad wada hadal gashee, marka aad wada hadalka gelee yeysan noqon markii dagaalka aad kujirto ay kudhintaan 20kun oo Somali ah, wadankuna sii burburo ee hada aqbal in lawada hadlo. Dad badan oo Somaliyeed ayaa aaminsan in arinta maanta wadamada deriskaa usoo galeen Somalia ay tahay oo kaliya in ay qabsadaan/qaybsadaan Somalia, waxaana muuqata in dadka somalidaa oo markaan diyaar u ah inay ciidamadaan shisheeye xabad kuridaan ay kayaryihiin 15%, taas micneheedu waa dadkii 2 sano kahor ladagaalsanaa itoobiya waxay hoos udheceen 72% waxaana keenay dagaaladii dhacay bixidii itoobiya kadib. Waxaan Somalida usoo jeedinayaa 4 talo. A) sida caadigaa labadii qofood oo shaay isku qabsada waxaa hubaala shaygaas ugu danbayntii uu qaadandoono qof 3aad oo labadoodiiba ay waynayaan, sidaas darteed waxaa qasaba in aad waxa idinka dhexeeya ku xallisaan wada hadal, waxaan kutalinayaa in qofkastaa garowsado in uusan wadanka kaligiis lahayn uuna kuqasbanyahay inuu lahadlo qofka wax kala dhexeeyaan oo layska ilaabo in qori wax lugu xalliyo, waxkale iska dhaafe gacantaada midig hadii qof kugu qabsado waa inaad kagarbaxdaa oodan hadiiba dagaal lasoo boodin. B) Dadka hada diidan ciidamadaan wadanka xooga kuqabsaday, waxaan leeyahay, macquul maahan inaad kaligiin ciidamadaas wadanka kasaartaan oo waxaad u baahantihiin Somalidii wadankaan idinla leheed,waxaana jira waxyaabo badan oo dad somaliyeed oo maanta diyaar u ah inuu xabad qaato uu adinka idinku diidanyahay, waxaana idinla gudboon in aad laheshiisaan dadka somaliyeed oo idinka soo horjeeda, hadii aad diidaan waxaa hubaala in wadanku uu saas kulligeen gacanteena uga bixi doono, oo ay rumoobi doonto aragtida dadka hada kudooda in ciidamadaani ay wadanka kuyimaadeen casuumaad ”invitation” aad ufidiseen. C) Dadka hada taageersan ciidamadaan shisheeye, waxaan leeyahay Somalidu waxay ku maahmaahdaa ”midigtaadu wixii ay calooshaada gayso kama soo bixiso”waxaan idinkula talinayaa in aad kashaqaysaan sidii aan taariikhdu idiin lacnadilahayn, . D) Dadka nacaybkii ay shalay uqabeen ciidamadaan u ilaabay nacayb ay shabaab uqabaan dartiis, waxaan kula talinayaa haday kaago,antahay inaadan ciidamadaan ladagaalin inta shabaab joogo waxaa hubaala in shabaab uusan weligiis joogi doonin oo qofkasta ama koox kasta waxay joogayaan intii Allah ugu tala galay kadibna waa lawaynayaa, ee marna ha isu dhiibin cadawga, maskaxdiinana hakasaarin inaad wadanka kaxorayso markale. Abdullahi Abdi Farah ( Sujuud ) Sujuud2004@hotmail.com ============================================= QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Number of View: 1 Magaalada Dubai waxaa lagu soo afjaray kulan 2 maalin qaatay oo ay ku yeesheen Guddiga Olympic-da Soomaaliyeed ee GOS, kaasoo ay kaga hadlayeen qorshe howleedkooda 2011 – 2014. Kulanka waxaa looga hadlay 4 qodob oo sida ay sheegeen muhiimad u lahaa, kuwaasoo la dajiyay dhamaadkii 2010-kii (4 strategic priorities), kuwaasoo ay ku sheegeen in ay kala yihiin: 1-Sidii sare loogu qaadi lahaa heerka aqooneed ee xag maamul iyo farsamo ee xubnaha GOS, xiriirada iyo ururada xubnaha ka ah 2-Sidii loogu diyaar garoobi lahaa in looga qeyb gala tartanka Olympicada adduunka si nidaamsan looguna diyaarin lahaa cayaartoy tayo leh oo cayaaraha kala duwan. 3-Sidii horumarinta sportiga looga soo bilaabi lahaa hoosta (grass roots sports development) iyadoo xoogga la saarayo sidii loogu diyaarin lahaa iskuulada dalka iney yeeshaan barnaamij isboorti oo nidaamsan lagana saacido wixii gaarsiin kara muhiimadaas 4-Sidii sare loogu qaadi lahaa sumcadda GOS iyo guud ahaan sportiga Soomaaliyeed, si are loogu qaado hamiga ummadda Soomaaliyeed loona helo taageerada bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ganacsatada iney kaalin mug leh ka qaataan horumarinta sportiga. GOS waxey sheegtay in qorshayaashii la dajiyay dhamaadkii 2010kii in 50% ay hirgaleen oo la fuliyey, 25% ay weli socoto sidoo kalana 25% dib loogu riixay sanadka 2012-ka caqabado ka hor yimid daraadood. waxey kaloo isku raaceen in qodob kale lagu daro oo laga dhigo ( 5 strategic priorities) laguna daro qodob 5 oo ah In sportiga loo adeegsado nabadeynta iyo isdhexgalka bulshada. kulanka waxaa ka soo qeybgalay xubno oo ay ka mid yihiin 1- Dahir H. Geelle Wasiir xigeenka WSHDH & Sportiga 2- Duran A. Farah Gudd xig 1aad GOS 3- Abdullahi A Tarabi Xog Guud GOS 4- Faduma Ali Nur Xubin GOS 5- Prof. Mohamed Ali Gudd XSCF 6- Said Farah Duale Xoghayaha XSKK 7- Mohamed Haji Ali Gud Xig XSKK 8- Abdirashiid H. Nur Xubin Guddiga qorsheynta & hormarinta GOS 9- Dr. Abdullahi Hassan Mahdi “” “” 10- Prof. Mussa M. Nassir “” “”” 11- Ahmed Sabriye Gabow “”” “”” 12- Omar A/Qadir Baarajab Madaxa macalimmiinta XSKK C/xafiid C/samad zaciimka Zaciimka02@hotmail.com
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Amaanka dalka kenya ayaa siwayn loo adkeyay ,iyadoo laga cabsi qabo in ay dhacaan Qaraxyo inta lagu guda jiro maalinta barita ah dabaal daga sanadka Cusub ee 2012ka. Ciidamada Dhulka, Kuwa badda iyo Ciidamada Cirka ayaa ku jira heegan kii ugu dambeeyay si looga Hortago falal amaanka wax u dhimi kara . Afhayeenka police-ka dowladda Kenya Eric Karavi ayaa sheegay in amaanka siwayn loo adgeeyay ka hor dabaal daga sanadka cusub si looga hortago weeraro ay qaadaan Kooxda Alshabaab ama taageerayaashooda ku sugan dalka Kenya Magaalada caasimada ah ee Nairobi iyo magaalooyinka xeebaha Ku yaala sida Mumbaasa ayaa si gaar ah loo xoojiyay Amaankooda halkaasi oo la filayo in ay ka dhacaan dabaaldagyada waaweyn ee lagu soo dhaweynayo Sanadka cusub. Waxa ay kusoo adeysaa xili lasheegay in saraakiil katirsan shabaab gudaha usoo galeyn maalmihi ugu danbeesay dalka kenya ayagoo qorsheynaayo in qaraxyo ka geestaan. Sido kale shacabka kenya aya caawa kayara duwan habeenadii soo maray sanadada cusub ayadoo kawalaacsanyihin in kadhacaan qaraxyo waa weyn sida ay ku hanjabtay xarakada shabaab madaama dalka kenya kujiro dagaalo kasoo lagalay xogaga shabaab. Dadka shacabka ah ayaa loogu baaqay in wixii ay ka shakiyaan ay ku wargeliyaan Ciidamada amaanka dowladda Kenya si ay uga hortagaan falalka amni daro.
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Xaalad cakiran ayaa waxay soo wajahday Degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan, waxaase caawa dhici kareysa in Xoogaga Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay ku dagaalamaan Buula Burde. Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo ay hareer socdaan Ciidamadda Dowladda kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay caawa ka amba baxeyn Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo ku hubeysan hubka cul culus, ayaa waxay aadeen dhinaca wadada aadda Degmada Buula Burde, waxaase mar walba dhici kareysa in Shabaab iyo kuwa Itoobiya ay markale ku dagaalamaan Buula Burde. Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo balaaran ay ka bilowday Degmada Buula Burde, waxayna Ciidamadda Al Shabaab ay daafacyo adag ay ka galleen buuraha dhaadheer ee ku yaalla Degmada Buula Burde. Shacabka ku dhaqan Degmada Buula Burde ayaa waxay qabaan cabsi xoogan, oo ku aada in Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay ku dagaalamaan Degmada Buula Burde. Dhinacyada iska soo horjeeda ayaa waxay Saxaafadda iskaga jeediyeen hanjabaado xoogan, wuxuuna dhinac walba uu ku goodiyay, in kan kale uu u geysan doono khasaaro xoogan.
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Sports-hobyonet) Waxaa magaalada Dubai lagu soo gabagabeeyey kulan socday 28 – 30 Dec 2011 oo lagu eegaayey qorshe hawleedka guddiga Olympicada Somaliyed 2011 – 2014, kaasoo la dejiyey dhammadkii 2010 Waxaa kulanka soo qabanqaabiyey GOS waxaana kasoo qayb galay Wasaaradda Dhalinyarada & Sportiga, GOS iyo Khuburo Somaliyed oo ka kala yimid dunida dacaladeeda. Furitaankii shirka waxaa u mahad celiyey kuna soo dhaweeyey ka qeybgalayaasha Gudd 1aad ee GOS Duran A. Farah, asagoo ka hadlay muhimaddaa uu u leeyahay kulankaan horumarka sportiga Somalia iyo in laga sugaayo iney kasoo baxaan talaabooyin gaarsiinaya sportiga Somaliyeed halka uu hiigsanaayo. dabadeedna waxaa si rasmiya kulanka u furay wasiir ku xigeenka wasaarada DH & Sportiga Mudane Dahir Xaaji Geele oo ku amaanay GOS talaabooyinka horumarineed ee ay ku talaabsaneyso, wuxuu kaloo xusay sida wanaagsan oo ay Somaliya uga qeyb qaadatay tartankii Carabta oo uu asagu hoggaaminaayey wafdigii Somaliyeed ee ka qeyb galay cayaarahii carabta ee Dooxa lagu qabtay. Markaas ka dib waxaa la guda galay kulankii kaasoo uu daadihinaayey Cabdirashiid Xaaji Nuur, qorshaha oo lahaa afar muhimadood (4 strategic priorities), kuwaasoo kala ahaa: 1- Sidii sare loogu qaadi lahaa heerka aqooneed ee xag maamul iyo farsamo ee xubnaha GOS, xiriirada iyo ururada xubnaha ka ah 2-Sidii loogu diyaar garoobi lahaa in looga qeyb gala tartanka Olympicada adduunka si nidaamsan looguna diyaarin lahaa cayaartoy tayo leh oo cayaaraha kala duwan 3-Sidii horumarinta sportiga looga soo bilaabi lahaa hoosta (grass roots sports development) iyadoo xoogga la saarayo sidii loogu diyaarin lahaa iskuulada dalka iney yeeshaan barnaamij isboorti oo nidaamsan lagana saacido wixii gaarsiin kara muhimadaas 4-Sidii sare loogu qaadi lahaa sumcadda GOS iyo guud ahaan sportiga Somaliyed, si are loogu qaado hamiga ummadda Somaliyed loona helo taageerada bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ganacsatada iney kaalin mug leh ka qaataan horumarinta sportiga. Waxaa si qotto dheer loo falanqeeyey in lagu socdo qorshihii la dajiyey, waxyaabihii ka dhaqan galay, caqabaadkii lagala kulamay. Xoghayaha GOS Mud: Cabdullahi Axmed Tarabi ayaa ka warbixiyey qorshihii loo dajiyey inuu hirgalo 2011 (2011 action plan) in ay 50% hirgaleen oo la fuliyey, 25% ay weli socoto sidaaso kalene 25% dib loogu riixay sannadka danbe caqabado ka hor yimid daraadood. Dood iyo falaqeyn dheer dabadeed waxaa la isku raacay inuu qorshahaan yahay mid si khibradi ku dheehan tahay loo diyaaryey ayna ku faani karaan Somalidu loona baahan yahay in la fuliyo intii ay awoodu saamaxday, waxaa kaloo la soo jeediyey in lagu siyaadiyo muhimad kale oo loo baahan yahay lagana dhigi 5 muhimadood ( 5 strategic priorities) taasoo ah 5-In sportiga loo adeegsado nabadeynta iyo isdhexgalka bulshada, Taasoo ay aad usoo wada dhaweeyeen ka qaybgalayaashii kulanka, wuxuu kusoo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, ugu danbeyntiina waxaa kulanka kalimadii xiritaanka soo jeediyey Gudd Xigeenka GOS, Duran asagoo aad ugu mahad celiyey khubaradii kazoo qeyb gashay kulankaan oo usoo huray waqti iyo awood fara badan si ay qeyb uga qaataan sidii loogu guuleysan lahaa ka mira dhalinta kulanka, asagoo ballan qaaday iney ku dadaalayaan sidii loo dabaqi lahaa qorsha iyo talooyinkii wax ku oolka ahaa oo lasoo jeediyey ooyna ugu horeyso muhimadda 5aad oo lagu soo daray qorshaha iyo sidii GOS ay ula sameyn laheyd xiriir iyo wadashaqeyn wanaagsan dhammaan hay’adaha iyo xubnaha ay wada shaqeynta ka dhaxeyn karto iyo dadka daneynaaya horumarinta Sportiga dalka. Waxaa kazoo qeyb galay dad ay ka mid yihiin 1- Dahir H. Geelle Wasiir xigeenka WSHDH & Sportiga 2- Duran A. Farah Gudd xig 1aad GOS 3- Abdullahi A Tarabi Xog Guud GOS 4- Faduma Ali Nur Xubin GOS 5- Prof. Mohamed Ali Gudd XSCF 6- Said Farah Duale Xoghayaha XSKK 7- Mohamed Haji Ali Gud Xig XSKK 8- Abdirashiid H. Nur Xubin Guddiga qorsheynta& hormarinta GOS 9- Dr. Abdullahi Hassan Mahdi “” “” 10- Prof. Mussa M. Nassir “” “”” 11- Ahmed Sabriye Gabow “”” “”” 12- Omar A/Qadir Baarajab Madaxa macalimmiinta XSKK C/xafiid C/samad zaciimka Zaciimka02@hotmail.com
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Wararka caawa naga soo garaayo Gobolka bakool aya shegaya in halkaas kasocda dagaal aan caadi ahayn kasoo udhaxeeyo Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo Xarakada shabaab mujaahidiin. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Weerar culus kusoo qaadeyn ciidamada shabaab ayadoo isku adeygsanayaan hubka cul culus inkastoo laga maqlaayo rasaasta gooba ka fog fog halka dagaalka kasocda. Lama oga qasaaraha rasmiga kadhashay dagaalkaas ayadoo warbaahinta daqiiqado kahor lahadlay Gudooomiyaha Gobolkaas Cabdifitaax Geeseey asagoo sheegay in weerar lagu soo qaaday blse iska difaceyn. Ugu danbeyntii dagaalkan aya bar barsocdaan madaafiic aan caadi ahayn ayadoo gooba kabaxsan halka dagaalka gareyn madaafiic inkastoo ana la xaqiijijn qasaaraha kadhashay.
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
To: Ban ki-Moon, UN Secretary General CC: UN Security Council CC: The African Union CC: The Arab League An open letter concerning “The Garowe Principles” We, Somali citizens, former leaders and civil society personalities, are gravely concerned about the implications of the “Garowe Principles.” Signed on December 24th by six Somali politicians under the auspices of the UN Political Office in Somalia (UNPOS), the pact was legally and politically flawed. If its declared intention was to end the transitional phase, and, as a result, the wider conflict, it achieved neither. That the conference was held inside Somalia was an admirable step, and together with recommending significantly leaner parliament (225, down from 550 MPs), the Garowe gathering had a potential. But it nonetheless was a missed opportunity. Political settlement is contingent upon just and legal solutions to the underlying political problems. By default, the “Garowe Principles” empowered few individuals at the expense of state institutions. As a result, the pact fails to address the most serious problem: lack of fair political representation. In this regard, we note the following five points: 1. The “Garowe Principles” practically disenfranchises the Somali people. It steals the people’s inherent right to select their future leaders. The pact grants that basic right to handful of politicians. Moreover, the pact is dangerously ambiguous, presumably to allow the empowered “stakeholders” to interpret it as they see fit. Six politicians were given an outsized influence over the selection and formation of a new parliament and, subsequently, future political leaders. These so-called “stakeholders” are not representative of the wider Somali public. That they’re now at the center of shaping the future of Somalia deals a fatal blow to the reconciliation and peace gains made over the past few years. The leaders of the TFG, Puntland, Galmudug and Ahlu-Sunna Wal-Jama’a, while they are entitled to help shape the future of their country as citizens , must not be exclusively entrusted with the pivotal role of deciding on the future political dispensations. This vertical approach to solving Somalia’s crisis has been tested and tried, and the result was consistently disastrous. 2. The pact essentially nullifies the Transitional National Charter (TNC), and it replaces the Transitional Federal Parliament (TFP) with a “National Constituency Assembly” (NCA). The proposed NCA is much bigger in size and few individuals are to select its members, thus creating another illegitimate entity. 3. The “Garowe Principles,” while it misleadingly appears to pave the road for ending the transition, in fact extends it under another term: “provisional.” This play of words contravenes with the Transitional National Charter (TNC), the “Roadmap” and the Kampala Accord (KA), all of which stipulate the necessity to end the transition by August 2012. 4. Among the signatories of the “Garowe Principles” is the former speaker of the parliament, Sharif Hassan Sheikh Aden. Notwithstanding that an overwhelming majority of the parliament removed him from his post earlier in December, the UNPOS allowed him to sign the agreement as the “speaker.” This move practically delegitimizes the legislative branch of the nation, undercuts its constitutional mandate and, more menacingly, infringes upon the sovereignty of our national institutions. In effect, the UNPOS is trying to singlehandedly reverse a parliamentary decision. 5. Lack of fair political representation is at the heart of the Somali crisis. Instead of addressing this problem judiciously, the UNPOS has succumbed to political expediency by empowering its anointed “stakeholders.” As a result, the pact deepens Somalia’s crisis. Keeping the aforementioned problems in mind: 1. We are calling upon the international community, particularly the UN Security Council, to immediately intervene to rectify the situation. The first principle should be ‘do no harm’. The international community should help diffuse the situation not escalate it. 2. New political dispensation is certainly needed. But, the process of selecting new members of the future Somali parliament should wholly be driven by communal-constituency assembly, led by traditional elders, not opportunistic politicians. Representative clan elders must be convened in a national conference and given the authority to select legislators, in consultations with their respective constituencies. With the aim of direct elections whenever the prevailing security situation permits, this process should be envisaged as a temporary arrangement. 3. Until a new parliament is formed, the international community should empower the current institutions and respect the processes, despite its inherent weakness. We hope that the UNPOS, along with the rest of the international community, do not once again miss another opportunity to affect a positive change. A new, more horizontal dispensation should be undertaken. Signed by, 1. Abdullahi Yusuf Ahmed, former Somali president 2. Abdulqasim Salad Hassan, former Somali president 3. Mohamed Abdullahi “Farmaajo”, former Somali prime minister 4. Dr. Abdulnur Sheikh Mohamed, former education minister 5. Mohamed Hussein Rage, MP 6. Hussein Arale Aden, MP 7. Ali Omar Ghedi MP 8. Abdulqadir Sheikh Ismail, MP 9. Abdulfatah Ibrahim Rashid, MP 10. Abdullahi Ghedi Shadoor, MP 11. Muhudin Osman Ali, MP 12. Prof. Mohamed Hussien Ilkadahab, MP 13. Dr. Nur Dirie Hersi “Fuursade,” – Italy 14. Eng. Osman D. Osman, Virginia 15. Abdirizak Omar Mohamed, Toronto 16. Basto Ahmed, Virginia 17. Eng.Mohamoud Dahir Adani, Virginia 18. Abdirahman Ahmed, Ohio 19. Abdiaziz Haji Hussein, Minnesota 20. Professor Liban Egal, Seattle 21. Abdulkani Rage Barrow, Ottawa 22. Abdulkadir A. Abdi Ohio 23. Dr. Ali M. Tifow, London, UK
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »
Dad badan oo muslimiin ah diinta islaamkuna ku abtirsada ayaa isku diyaarinaya u dabbaaldegga dhalashada sannadka cusub ee 2012, iyagoo arrinkaasi kaga dayanaaya gaallada kuwaasoo,waa gaalladee u dabbaaldega waxa ay ku andacoodaan dhalashada nebi Ciise caleyhissalaam,nebiguna uu bari ka yahay arrinkaasi iyo bilashada sannadka cusub ee 2012, waxayna gaalladaasi iyo kuwa ku dayaanayaba ay sannadka cusub ku soo dhoweynayaan farxad iyo heeso iyo music,meelaha ay ku wada kulmaana waxay intooda badan ku bannaystaan wax Allah xarrimay sida khamriga iyo qaadka,waxay kaloo kuwaasi isku diraan kaarar ay ku qoran yihiin Merry Christmas iyo Happy New Year iyo wax la mid ah,kuwii aan sannadka cusub waxyaabahaas fuxshiga iyo munkarka ah ku soo dhoweynina waxaaba loo arkaya in ay yihiin dad badow oo aan ilbax ahayn oo aan casriga la socon karin. Sharci ahaan iyo caqli ahaanba uma bannaana qofka muslimka ah in uu ku dhaqaaqo wax kasta oo diintiisa iyo caqligiisa iyo jirkiisa iyo nafsaddiisa iyo maalkiisa iyo waqtigiisuba wax u dhimaaya,umana bannaana in uu isku ekaysiiyo oo uu sameeyo waxyaabaha ay gaallada iyo mushrikiinta iyo ahlu bidciga u gaarka ah oo ay sameeyaan maalmaha ciiddooda,loomana baahna in carruurta muslimiinta ah ay ka qaybgalaan ciidaha gaalada ama kuwa bidcoda ahba, mana ahan in ciidahaasi gaallada u gaarka ahi aan carruurteena u iibino dhar ama aan siino haddiyad,waxaana loo baahan yahay in carruurta loo sheego in ciiddani ay u gaar tahay gaallada,ibnul Qayim Allaha u naxariiste wuxuu kitaabkiisa axkaamu ahli dimma uu ku sheegay:in gaallada loogu hanbalyeeyo ciidda Christmas iyo ciidaha kaleba oo gaallada u gaarka ah ay xaaraam tahay sida la isku waafaqsan yahay. Kitaabka iyo sunnaha iyo ijmaaca waxaa ku cad in ay mamnuuc tahay in gaallada la shabbaho ama lagu daydo wax kasta waxa ay samaynayaan,khilaafkooduna waxaa lagu sheegay in uu sharci yahay,dadka christianka ah waxay aaminsan yihiin maalmaha ay u dabbaaldegayaan waxa ay ugu yeeraan dhalashadii nebi Ciise caleyhissalaam iyo sannadka cusub in gurigii aan hortiisa ama gudihiisa la dhigin geedka ay ugu magacdareen geedkii ciidda dhalashada nebi Ciise caleyhissalaam,uu gurigaasi yahay guri aan farxad lagu arkin, waxayna gurigaasi ku qurxinayaan nalal kala jaad jaad ah,waxaana leenahay nebi Ciise caleyissalaam waa addoon Allah iyo rasuulkiisa, ma’ahan Allah mana ahan ina Allah,waxaana leenahay sida uu Allah yiri:waxay yiraahdeen gaalladu:Allah wuxuu yeeshay ilmo,waana ka nasahan yahay,balse Allah waxaa u sugnaaday waxa ku jira samaawaatka iyo dhulka, dhammaana Allah ayay u hoggaansamaan (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 116). Allah ma laha xaas wax u dhigmana ma leh,ilmo ma leh wax la simanna ma leh wax u egna ma leh,hadalka Allah ayaana sidaas ku cad, wuxuuna Allah uu nebigiisa sallallaahu caleyhi wasallama ku yiri:waxaad dhahdaa Allah waa keli wehelna ma leh,waana sayid deeqtoon, Allah wax ma dhalin lamana dhalin,wax la mid ahna ma jiro (suuradda Al-Ikhlaas),waxaana cajiib ah in dadka qaarkii ay ku andacoodaan in haddii ay gaallada nagu hanbalyeeyaan ciiddeena annaguna waan ku hanbalyaynaynaa,subxaanallaah,sidee baan ugu hanbalyeynaynaa, Allah wuxuu yiri:waxaa gaalloobay kuwii yiri:Allah waa Masiix ina Maryam (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 72),sidee baan ugu hanbalyaynaynaa,Allah wuxuu yiri:waxaa gaalloobay kuwii yiri:Allah waa saddex midkood (suuradda Al-Maa’ida, aayad lambar 73),sidee baan ugu hanbalyaynaynaa dad cadowtinimo u qaaday diinta islaamka iyo dadka ehelka u ahba. Dabbaaldegga sannadka cusub ama habeenka ay soo dhoweynayaan sannadka cusub,waxaa la shidayaa nalal,waxaa la cabbaya khamri, waxaa la samaynayaa sino,dumarkii waa la qaawinaya,dil iyo dhac baa la geesanaya,sannadkii tegayna waxaa lagu sagootinayaa fuxshi iyo munkar midka cusubna waxaa lagu soo dhoweynaya fuxshi iyo munkar,waxaa la khasaarinaya adduun,waxaa la jajabinaya ama la baabi’inaya qalab gaar ah iyo mid guud ahba,waxaa la dhibaya carruurta iyo waayeelka jiifa,islaamkuna ma oggola in bani’aadankana dhib loo geesto dhulkana la fasahaadiyo,maalkana lagu cayaaro. Islaamuku wuxuu jideeyay oo uu sharciyeeyay in la ciido oo loo dabbaaldego labo ciidood, midna waa ciidda soonfur waxaana la ciida marka la soo gaboggabeeyo soonka,midda kalena waa ciidda arrafo,waxaana la ciida marka la soo gaboggabeeyo xajka,Allah wuxuu yiri: ummad kasta waxaan u yeelnay cibaado (suuradda Al-Xaj,aayad lambar 34),ciid kastana wax bay ka tarjumaysa,labada sheekh saxiixoodu waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya:in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallamaa uu yiri: qoon kasta waxay leedahay ciid,innaguna ciiddeenu waa ciiddan,macnaha ciidda soonfur iyo ciidda arrafo weeyaan,labadan ciidna waa in carruurta loo iibiyo haddiyad lagana farxiyo dhar qurxoona loo iibiyo lana daransiiyo in ay tahay ciidda muslimiinta. Islaamku waa diin laga helayo nabadgelyo iyo naxariis,waa diin aan dadka ku xadgudbaynin ama muslim ha ahaado ama yuusan ahaanine,mana ahan in qofka muslimka ahi uu dhac u geesto qof aan muslim ahayn,waxaase nasiib xumo ah in maanta la helayo dad badan oo sheeganaya in ay yihiin dad muslimiin ah oo diinta islaamka aaminsan haddana meel iska dhigayo waxa ay diintiisa farayso,immisa muslimiin baan u kala soocnayn xalaasha iyo xaaraanta,immisa muslimiin oo ku nool waddamo aan islaam ahayn haddana ka geesta dhac iyo khiyaano iyo been,waxaana cad in kuwaasi ay sumcad xun u soo jiidayaan muslimiinta daacadda u ah diintooda islaamka,waxaana loo baahan yahay oo muslimiinta daacadda ah looga baahan yahay in ay iska qabtaan kuwa ku adeeganayo magaca islaamka islaamkuna uu bari ka yahay. Nolosheena,macnaha nolosha qofka muslimka ahi waa in uu uusan cayaar ku dhaafin,mana ahan in uu xuso ama uu u dabbaaldego waxa loogu yeero dhalashada sannadka cusub,waana in uu markasta ku taagnaado cabsida Allah,Allah wuxuu yiri:Rabbigaa caabud inta ay geeridu kaaga imaanayso (suuradda Al-Xijr,aayad lambar 99). Maxamedeyn…iyo waa inoo mowduuc kale iyo markale inshaa Allah
Dec 31 2011 | Posted in
Main News |
Read More »