Madexweyne Mushaharka Askartu Mudnaanta Koowaad Sii, Adiguna Mushahar Dalku Qaadi Karo Qoondayso. Gudoomiyaha Qurba Joogta Toljecle Ahmed Ali Khaire
Madexweyne waxaa dad weynaha reer Somaliland si weyn kaga filayaan in aad u doodo xaquuqda dadka reer Somaliland kuwooda aadka u jilicsan xilka ugu culusna dalkan ka haya ee dhaxanta habeenimo cidlada u jiifa diifaca dalkana qaybta ugu mudan haya ee heegaanka ku jira hadh iyo habeen, Waa in ay yeeshaan mudnaanta kowaad oo ay noqdaan kuwa hela xaqa ay dalkan ka mudan yihiin.
Madexweyne waxaa laga sugaayaa in aad daryeelka ciidanka Qaranku noqdo mid kugu qoran meel adag, waxaad hore u balan qaday in aad siin doonto darajo taasoo ay ka omaanayeen mudo badan, waxaanan kugu dhiiri galinayaa in aad sida ugu dhakhsaha baan aad ugu dhawaaqdo daroojooyinka ciidanka Qaranka, Darajo la’aani waa ciidan la’aan oo cidaanku waxay noqonayaan uun kuwa beeleedyo ah oo aan lahayn sumcad iyo qurux badan oo dad weynuhuu ugu soo istaagaan.
Madexweyne qorshaha la sugaye ee ah in la meel mariyo mushaharka shaqaalaha dawlada waxaan leeyahay waa in aanad dhayal san dad badan waxay kugu qiimayn doonaan kolba sida aad ka yeesho ciidanka Qaranka oo aad qaarkood u ahayd Hogaan tan iyo intii aad SNM Gudoomiyaha u ahayd oo aanay wax badani iska badalin oo halkii ay wakhtigii Qaaxo joogeen ay maantana joogaan adiga ayaa wax ka badali kara adiga ayaa tayeyn kara adiga ayaa ka dhigi kara Ciidan Qaran oo dalkan u aayo mustaqbalka.
Madexweyne waxaa laga yaaba in ay durba wax badani iska badali karaan balaamo badan oo aad dadkan u qaaday oo ay qaarkooda wakhtigan xaadirka ay sida aa ku fulisaa ay kugu adkaato balse ta laysku wada raacsan yahay ee dadka oo dhami ay u dhag taagaaan waa daryeelka ciidanka qaranka oo ah hal beega lagu cabiri doono in aad tahay hogamiye leh hami fog oo dalkiisa iyo dadkiisa jecel.
Ciidanka oo aan loo samayn mushahar ku filan, darajo lagu kala garto, kororsi aqooneed aad dibada loogu dirin, furi taan School layli sarkaal oo cidaamadii hore inta ka hadhay looga dhigo macaalimin, taasi waxay keeni doontaa in aad Ciidanka ka dhigto mid awood iyo tayo ba leh oo dalkan ka ilaaliya wax kasta oo cadowa oo ku dhiirada in ay soo wareeraan, hadii ta la waayo oo Ciidanka ka waayo waxa ay cadceeda u taagan yihin oo ah ilaainta calanka dalka waxaay noqonaysaa in taariikh madow ay ka raacdo meesha aad hada joogta oo afartii Madexweyne ee ka horeyey ay ilduufeen in ay ciidanka darajeeyaan daryeelana.
Waxaanan Ilahay kaga rajaynaya in uu ku dhib yareeyo hawsha weyn ee Qaranku dushaad saaran oo aad noqoto mid wax badan ka badadal nolosh ciidanka Qaranka iyo Qoysaskooda oo ay nolol xumo baahsi hayso tan iyo intii la dhishay, waxaana laga fadhiyaa in aad dar dar galiso fulinta balamihii badnaa ee aad u qaaday Ciidanka Qaranka.
Ahmed Ali Khaire
Sweden
axmedkhayraad@hotmail.com






