Wax qabadkii Xukuumada ee 100-kii maalmood
Qaybtii 1aad
(27 July ilaa 04.Nov.2010)
Wixii ka dambeeyey 27 July 2010,waa cadaan in Somaliland ay raacday wado ka duwan ,wadadii ay raacaysay 20kii sanadood ee ugu dambeeyey.Barmaamushka Xisbiga iyo Xukuumada talada dalka hayana waxaan ku soo koobi karaa dhowr qodob oo kala ah:-
Barmaamushka runta ah ee Xukuumada Somaliland:-
· Duminta Dimuqraatiyadii Somaliland
· Xiiso Somaaliweyn
· ISBEDEL been ah oo aan jirin
· Siyaasad Qabyaalad ku dhisan.
· Cadaalad xumo Qabyaalad ku dhisan .
· Dhaqaale urursi/boobka hantida ummadda oo Qabyaalad ku dhisan.
· Awood qaybsiga maamulka dalka oo Qabyaalad ku dhisan.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxtooyada loo bedelo Hotel MANSUUR oo uu leeyahay Wasiirka Maaaliyada Walaalkii,Wasiirka Maaliyaduna wuxuu sheegay in uu bixinayo oo keliya BIILkA laga keeno Hotelka walaalkii ee MANSUUR.
Waxqabadkii Siyaasada Arimaha Dibada:-
· dadka Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland ayaa wuxuu isla sawiray nin Safiir ah,sida la xaqiijiyeyna Wasiirku hantidii ummadda wuxuu ka iibsaday “Digital Camera “uu iskula sawiro cidii uu isla taagaba,waxaadna moodaa in uu yahay nin u ooman sawiro.
· Waa markii ugu horeysay ee wadanka U.S.A ay meel fagaare ka sheegaan in aanay aqoonsan doonin Somaliland,waxaa sidaa cadeeyey Johnie Carson oo ah u qaybsanaha arimaha AFrika , Somaliland waxaa lala simay gobolo ka mid ah Somaaliya
· Waxaa xumaaday xidhiidhkii Somaliland iyo wadamada deriska iyo kuwa inaga fogba ,mana jirto cid sheegi karta halka uu ku dambeyn doono xidhiidhkaasi.
· Waxaa markii ugu horeysay taariikhda ee Mudaharaad laga soo horjeedo Somaliland uu ka dhacay caasimada wadanka Ingiriiska ee London.
· Waa markii ugu horesay taariikhda Somaliland ee heshiis qarsoodi ah Xukuumadu ay la saxeexay wadanka Denmark.Nuxurka heshiiskuna wuxuu ahaa ,sida la xaqiijiye in Somaliland laga soo dejiyo dadka Somaalida ah ee laga soo mastaafurinayo wadankaas iyo wadamo kaleba/ qadar lacag ah oo fara guudkood ahna waa lagu laaluushay Xukuumada Somaliland.
Siyaasada Gudaha :-
· Waa markii ugu horaysay taariikhda ee Beelaha GABOOYE ay ku Mudaharaadaan Xukuumad Somaliland ka jirta iyagoo tirsanaya cadaalad daro lagula kacay.
· Waxaan wax lala yaabo ah cadaalad daradii ka dhacday magaalada CAYNABA/waxaa lala yaabo ah sababta keentay in ay sidaa uga aamusaan ururadii u doodi jiray xuquuqul insaanka.
· Waxaa MUDAHARAADO joogta ahi ka dhaceen Gobolada awdal/Ceeri-gaabo/Burco/ Ardayda iskuulada ee G.Saaxiil.
· Laga soo bilaabo 27 July 2010 oo ku beegnayd maalintii ay xilka la wareeg tay Xukuumada xilka haysaa, waxaa shacabka reer Somaliland la soo deristay cabsi iyo khalkhal dhina amaanka dalka iyo dadkaba saameeyey.
· Waxaa la dumiyey qaab dhismeedkii dhamaanba Hayadaha amaanka ,iyadoo si dano gaar ah uun loo bedelay.
· Waxaa samaysantahay markii ugu horeysay taariikhda Somaliland urur ka soo horjeeda Somaliland, waa ururka la magic baxay SSC.,dhowaan-na waxaa loo raray SSC lacag gaadhaysa (hal) 1 Bilyan Somaliland Sh. Ah.
· Waxaa Xeebaha galbeed Somaliland ka soo degay Ciidamo hubaysan oo ilaa hadda aan la sheegin halkii ay ka yimaadeen iyo halkii ay u socdeen midna.
· Waxaa la dilay,afduubay, saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Qaranka ee gobolada bari ee Somaliland,sida Degmada OOG,Laascaanood ,Widhwidh .
· Waxaa la QARXIYEY qaar ka mid Wasiirada Xukuumada talada haysa.
· Waxaa laysku deyey in la XIDHO/balse lagu fashilmay Gudoomiyii hore ee Banka Somaliland Md.Cabdiraxman Ducalle.
· Waxaa fashilmay laba qorshe oo lagu doonayey in lagu KHAARAJIYO,qaar ka mid Wasiiradii ugu muhiimsanaa Xukuumadii hore sida Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Md Cabdillahi Ciro,Wasiirkii hore ee Maaliyada Md. Cawil Ducale.
· Waxaa mar 2aad Xukuumada ka fashilmay isku day dil lala beegsanayey Wasiirkii hore ee Maaliyada Md. Cawil,belse waxaa goobtaa ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee mid ka mid ah ilaaladii Wasiirka Md.Cawil.
· Waxaa la soo saaray Xeer hoosaad lagu baadhayo/ lagu daba gelayo/xidh xidhayo/hantidooda lagu qaadanayo shaqsiyaad xilal sare ka soo qobtay Xukuumadii hore oo isku BEEL ka soo wada jeeda.
· Waxay Xukuumada Somaliland ogolaatay in SUN lagu daadiyo Xeebaha bari ee Somaliland ,waxaana la sheegayaa in Xukuumada Somaliland ay ka qaadatay qadar LAALUUSH lacag ah.
· Waxaa laysku deyey in la xidho,gaadhigiisiina laga qaado/balse lagu fashilmay Gudoomiye Ku.Xigeenkii hore ee Gobolka Todheer Md.Guuleed.
· WaxayMadaxtooyada Somaliland si cad u diiday in la XUSO Qaraxyadii ka dhacay Somaliland 29 Oct.
Hadal iyo dhamaan ilaa maanta waxay xukuumadu qabatay arimahaa aan kor ku soo sheegay ,iyo qaar aan runtii ka iska dhaafay,Xisbiga Kulmiye na wuxuu qaadayaa heestii caanka ahayd ee“KOL HADAAN HANTIYEY HOWSHII DALKEE NACAB HAYSAN JIRAY”
Mahadsanid
La soco qaybta 2aad ee dhaqaalaha /saxaafad iwm—
Abdi M.Saleiman(Mingiste)






