soo dhawaa dharaartaan dhurwaaga-iska dhicin lahayn
xikmad somaliyeed aya waxay ahayd:
nin saboola iyo awr-ba way sahal dhaqaaqaane
labaduba haddaan seeto celin socod ma daayaane
markaad u fiirsato sida somalidu shanta qaaradood ee dunida
ugu baahdey waxa markiiba is-weydiineysaa :
1.Dadka somaliyeed miyaaney dhul laheyn asalba?
2Dhulkoodii miyaa laga boobay sida -falastiiniyiinta ?
3.Ma dhulkaa ku yar oo iyagaa 100 milyan kor u dhaafay?
4.Ma dhul saxaraa oon dalag iyo duunyo lahayn baa dhulkoodu?
5.Ma iyagaa u dhashay reer-guuraanimo oo safar loogu duceyey
6.Ma waxay soo gubeen dhulkoodii oo meel celisa ayey raadinayan?7.ma 7,is-baaro iyo anigu aan kuu taliyo ayey kasoo carareen?
8.Ma iyagaan isku-diin ahayn oo hadba urur-diimeed cusub ayaa
cimaamad usoo duubta?
inta badan qofkii carabta soo maray gaar ahan sacuudiga amase
hadaba ku sugan ayaa dhagihiisu waxay qabatimeen HAATI-IQAAMA
kii kenya tageyna wuxuu barto amase maqlo waxaa ugu horeya
LEETA -KABANDHA
qofkii safarku la durko oo south africa gaarana wuxuu ka welwelaa
goormaa adiga iyo dukaankaagaba dab leydin qabadsiin..
kii xagaas iyo griiga aadey waa iska caadi inuu maqlo :I.D
parakalo, mise caay qaab daran sida:mallaaka i.wm
kii tahriibka saxaaraha soomareyna waxaan xasuustiisa ka go,
ayn Harraadkii iyo hawadii kululeyd iyo meydka saaxiibadiisii
qaliga ahaa ee uu meydkooda halkaas kaga dhaqaaqay.
kan ugu ayaanka daran ee badda cas amase tan mediterranean
kusoo maray doonyaha shiraaca ka sameysan ee dadku buux-
dhaafsheyna waxuusan marnaba iloobin faataxadii iyo yasiiman
kii uu dusheeda kusoo akhriyey
kuwa dhankaas iyo Ameerika u baqoola ee illaa mexico lugta
ku taga iyagana xaalkooda allah baa garanaya
“haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga
hooyo waana lama-hur
aankee hagar li,i wax ugu qabo ”
dhulkaagu waa noloshaada
dhulkaagu waa hibo alle ku siiyey
dhulkaagu waa hanti ma guuraana
isagaa lagu dhashaa , lagu dhintaa , lagu dhaqdaa, lagu dhaataa
lagu dhergaa ,isaga la dhistaa , la dhowrtaa, loo dhintaa, dhibta
laga dhowraa, codowga laga dhacshaa.
soo dhawaa dharaartii dhibtu naga dhamaan lahayd..
soo dhawaa dharaartaan dhurwaaga dhiigeena ku naaxay
dhirbaaxo ku dhufan lahayn..
soo dhawaa dharaartaan dhalinteena la qalday mustaqbal
u dhisi lahayn..
soo dhawaa dharaartaan hooyooyinka xaqooda usoo
dhicin lahayn..
soo dhawaa dharaartaan qurbaha kadhoofi lahayn oo
dhulkeena u noqon lahayn..
soo dhawaa dharaartii madaxda kitaabka ku dhaaratay
eey dhulkooda wax u qaban lahayd..
soo dhawaa dharaartii xil-dhibaanku uu mooshinka
iska dhaafi lahaa ..
soo dhawaa dharaartii dhalinta afka duubtay eey shacabka
dhibta ka dhaafi lahayd..
soo dhawaa dharaartii wadaadku qoriga iska dhigi lahaa
oo quraanka dadka u dhigi lahaa..
Qalinkii :ahmed a. takar
takar77@hotmail.com






