Sidee looga bixi karaa dhibaatada taagan oo lagu gaari karaa midnimo qaran
Sida kaliya oo looga bixi karaa dhibaatada waa iyadoo inta dib loogu noqdo Illaahay la warsado dambi dhaaf iyo iyadoo lala yimaado qashuuc iyo niyad saafiya waa midda qura oo aan ku heli karno raxmadda Eebbe iyo dambidhaaf ileyn Illahay isagaa dambi dhaaf ah xumaan oo idilna Illaahay nooga xijaabo waa midda qura oo aan oga bixi karno dhibaatada taagan ee mar walba soo noq noqota.
Midnimo qaran :qof walba oo Soomaali ah waajib ayey ku tahay in uu midnimada Qaran dhowro walibana Dalka iyo Dadka uu daacad u’ahaado,wixii Qaran nimda wax yeelaya amase wax udhimaya in uu ka dhiidhiyo oo haddii qofka illaashan waayo midnimadiisa qaran qof u’illaalineya majiraan haddii qofku isku tashan waayana hadde yuu ku tashanayaa soo noqon mayo qof aan meel aan gaari karin in uu shillimaad
la siiyo iyo midnimo Qaran uu ka sugo Beesha caalamka amase uhanqal taago wax uusan isaga qabsan in uu si fudud uhelo”waa mid aan
uwanaagsaneyn qof walba oo lixdiisa lixaad leh amase damiir leh in uu wax uusan udhididin uu ka sugo gacan shisheeye.
Soomaalieey waxaa la idinka doonayaa in aad isku duubnaataan oo aad ka wada shaqeesaan sidii looga bixilahaa dhibaatada taagan ee mar walba soo nonoqoneysa loona gaaro midnimo qaran oo waliba aad si wallaaltinimo ah aad ku taageertaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed si uu uguto waa jibaadka qaran ee laga sugayo in uu qabto haddii lagu guul dareesto rajada Dowladda la sugayo ee Ra’iisal Wasaaraha soo dhisayo waxay aakhirka tagaysaa in Soomaaliya loo gacan galiyo Qaranamada Midoobay oo iyaga uhayaan hogaanka Dowladnimo inta ay ka baranayaan amase Dowlad waxa ay tahay inta sano ay noqon kartaana waa labaatan sano illaa soddon sano kadib in ay gacanta Dowlad nimo lagu soo celiyo waa haddii ay la yimaadaan Soomaalida nidaam wanaagsan iyo Dimuquraadiyad haddaba si siyaabahaan looga gudmo amey roonaan laheyd in Dowladimada la dhooro oo la dhoodhoobo walibana laga shaqeeyo Midnimo qaran.
waxaa qorey
Cabdishakuur Cali Sarxaan Al-naqiib






