Sheekh Shariif,shacabkaagii waa lu goysay!

Waxaa shacabka Soomaaliyeed u caddaatay in sheekh Shariif uusan waxba u taraynin shacabka masaakiinta ah oo maalin walba ku silcaaya magaalada Muqdishow iyo nawaaxigeeda, una qalmin magaca weyn ee uu xambaarsan yahay kaas oo ah madaxwaynaha waddanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne kastana taliskii Maxamed Siyaad Barre kaddib waxaa lagu soo dooranaayay habka qabiilka ku dhisan,habkaasoo la ogsoon yahay in aayatiinkiisu uu fashal ku dhammaanayo, sheekh Shariifna wuxuu cagta dhigay ama maray waddadii ay mareen madaxdii ka horreeyeen oo qabiilka lagu soo dhisay.

Laakiinse dawladda sheekh Shariif waxaa u sii dheer haddii laga yimaado lacag urursi iyo qabiil xoojin in dawladdiisa ay ka bixi weyday is qabqabsi iyo is eedayn dhexdooda ah, madaxdii qabiilka lagu soo doortayna ee dawladda ka tirsan iyo kuwa baarlamaaknuba ku jira ee iyagana qabiilka lagu soo xushay waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay hanti u yeelan lahaayeen dabadeedna ay ganacsi ugu samaysan lahayeen guryona ay ugu dhisi lahaayeen dibedda sidii ay kuwii ka horreeyeenba ay u sameeyeen.

Madaxweynaha Muqdishow barkiisa xukuma ee sheekh Shariif wuxuu awoodi waayay in Muqdisho keliya uu ku baahiyo awooddiisa ama xukunkiisa,kuwii ka soo horjeedayna ee xisbul islaam iyo al-shabaab waxay bartanka Muqdisho ku qabtaan shirar iyo muxaadarooyin waxayna dhooltus ku sameeyaan bartanka Muqdishow cid juuq u dhihi kartana ma jiro,waxayba arrinta u eg tahay in qaabkan fowdada ah ay raalli ka yihiin dawladda Muqdishow iyo mucaaradka Muqdisho,ajnebiga soo faraggeliyona Muqdisho uu raalli ka yahay,balse uu shacabku markasta noqonayo dhibbanaha.

Haddii markaasi uu sheekh Shariif doonayo maslaxadda shacabka waxaa sharaf u ah in uu isaga tago sidii uu Cumar Cabdurashiidba u sameeyay kaasoo isaga tagay iyo kuwii ka horreeyeenba ,laakiinse haddii ay arrintu noqoto horta aan dhaqaale tabcado illayn kuwii iga horreeyeenba waxay ka tageen iyagoo dhaqaale badan haystaane,waxaan rajeynayna in ururrada waddaniga ah ee gudaha iyo dibeddaba ka jiraan ay dalka ka xorrayn doonaan kuwa dalka ku soo duulay iyo kuwii dalka u dhashay oo soo hoggaamiyay dadkaasi shisheeyaha ah.  

W.Q.

Zahra Cabdi Xersi xubin ururka waddaniga Soomaaliyeed
umubakar@hotmail.com

Posted by gubta on Nov 10 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in