Aragti ku aaddan Dhismaha Dawladda Cusub iyo talo la xiriirta
Bismillaahi, Raxmaani Raxiim, salaan kaddib, walaalayaal saan filayo waxaa innagu soo fool leh ku dhawaaqidda Golaha Wasiiradda cusub ee Dawladda Federaaliga ee ku meel gaar aha, waxaana dhici karto in farriintayda ayba noqoto mid soo habsaantay.
Laakin kolleyba waxay noqon doontaa mid cabbirta dareenka iyo talada aan qabo kuwaasoo dad badan ay ila wadaagaan saan filayo.
Waa wada ogsoon nahay oo cid daah kama saarna sida ay tahay sanooyinkan dambe siyaasadda lagu hago Soomaaliya ama ay ku dhaqanto Dawladda , ha ahaato Madaxtooyo , ha ahaato Xukuumadda, ha ahaado Baarlamaanka; waxay ahad mid aan dhaliil ka maqnayn. Waxaa dalkii haysta kooxo hubaysan oo ku dagaalaya magac diimeed oo ma naxayaal ah wax celiyan ama iimaan ay leeyihiinna jirin si ay hadafkooda ku gaaranna wax walbo u isticmaalaya. Waxaan filaynay in Dawladda ay xoogga saarto sidii ay u daryeeli lahayd ciidammada Xoogga Dalka iyo Boliiska oo ah naftood hurayaal xababba cadawga diyaar u ah. Taasi ma dhicin waxaana quus gaaray markii wasiir Dawladdii Mudane Sharmarke ka mi ahaa la waydiiyay ” maxaad u askareysaan Caruurta yar? ” wuxuu ku jawaabay: ” Waxaad caruur moodeen ciidaankii Xoogga Dalka ee inta baahi iyo macaluul dilootay oo yar yaraaday markaad aragteen ayaad maleyseen in ay caruur yihiin! “ Waxay ila noqotay mucjiso in nin wayn oo ah mas’uul uu sidaa ku hadlo uuna ka xishoon waayay in asaga ladan yahay oo aad yaabayso intuu la eh yahay qirayana in Ciidankii difaacayay asaga laf ahaantiisa iyo qarankaba ay u dhimanayaan baahi.
Waxaa goor dhowayd la soo magacaabay Ra’isul Wasaare cusub , waa Mudane Maxamed Cabdulla
ahi Maxamed oo ah nin aqoonyahan Soomaaliyeed ah ee ku noolaa qurbaha, waxaana leeyahay magaabistiisa, Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu tilmaamay meeshii habboonayd, waxaana xusid mudan in arrinkaasi aan hore uga qoray maqaal aan hore u faafiyay. Waan soo dhowaynayaa Mudanaha Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaana halkani ugu tabinayaa Hambalyo, Ilaahna uga baryayaa in xilkiisa culus la garab galo soomaalida waa u han wayn tahaye kii ka soo baxo ballamadiisa in Ilaahay ka dhigo ayaay ugu ducaynayaa.
Haddaan u soo noqdo mowdiicii aan u soo qalab qaatay; Waxaan doonayno in Xukuumadda ay noqoto mid tayo leh saas daadeed waxaa lagama maarmaan ah in Xukuumadda lagu soo xulo aqoon, hawlkarnimo iyo waddaniyad oo dadka qabanaya ama loo magacaabaya ay noqdaan kuwa danta Ummadda gubaysa o ka hor mariya middooda gaar ahaaneed, waxaan qabaa aragti ah in aqoontu aay dadka hagto oo aqoontu xishood leedahay iyo toosin oo aqoontu la aamini karo oo dadka aqoonta lihi aan dhihi karo in ay yihiin 90% dad aan xoolo tacbasho iyo dhiig dad in uu jaqaan ka yaxyaxayaan.
Waxaa marag ma doonto ah sida aamba ku aragno Dawladaha Dunida Xukuumadda noqoto mid la jaan qaadi karto syaasadda Madaxda Dalka ugu sarreeyo. Sida Dawladaha dunida qaarkood Dawladda Federaaliga ee ku meel gaarka ah ee talada Dalka haysa wakhtigan xaadirka ah waa nooca loo yaqaan
” Governo Presidenziale ” waxaana muhiim ah in xulidda Golaha Wasiirrada uu talo ka qaato Madaxwaynaha, laakin ma garan karo meel Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka soo gali karo ;
Waxaan hore u wada aragnay sida uu ugu dhex mashquulay sidii loo turaanturrayn lahaa Dawladda ama ciddii uusan raalli ka ahayn ama ka tarjamayn danihiisa fulintooda; waxaan u arkaa dhib intiisa la eg oo Ummadda haysata, qalan qalka iyo qalaalasaha mar walba ha aloosan Baarlamaanka Soomaaliyeed dhexdiisa iyo weliba mujcisada la magac baxday MOOSHIN oo ay daba qabsadeen horaha loogu kici waayay mar walbana ay ku dabraan hawlaha baaxadda leh oo hor yaalla Dawladda oo heli waysay fursad ay ku hirgeliso.
Waxaan aad uga xumahay in Xukuumaddii ina Cabdirashiid aay meesha ka baxday ayadoo helin wax maanta haddii Ilaah laga baqayo lagu sifeeyo xumaan iyo samaan maadaama ay mar walba hor taagnaayeen mas’uuliyiin horor ah oo danaynaaya in ay jeebka buuxsadaan una kala hiilinayaa kii wax bixinaya iyo waliba qawlasatada ku haysa dagaal joogto ah ee Ummaddii ku hoobay iyo ciidammo aam mushahar qaadan oo bogga dhulka ku haya waxna aan gelin.
Ma doonayno wasiirro aan daneynayn aanna xanuujinayn dhibka haysta Ummadda Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in ay noqdaan kuwa la soo magacaabayo kuwa u heellan in ay qabtaan tubtii Dalka, Diinta iyo Dadka dhibka uga saari lahaayeen.
Waxaan goor dhoweyd akhrinaayay web ka mid ah kuwa ugu afka dheer oo lahaa Golihii Wasiirrada waxaa kala qaybsaday Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Baarlamaanka, Mudane Ra’iisul Wasaarihiina waa niyad jabay mana garanayo wuxuu sameeyo. Ra’iisul Wasaaaha ha la tashado madaxda kala ah Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Baarlaanka ma xumee waa maxay waxa la leeyahay waa la kala qaybsaday, rag qayb ku yimidna maxaa laga sugaa waaye su’aasha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka aan ogeen wuxuu dhigay maalmihii la baadi goobayay kalsoonida Baarla
maanka ee ansixinta Ra’iisul Wasaaraha. Haddana maadaama mar kale la doonayo in Xukumadda cusub laga ansixiyo Shariif Xasan ma waxaa u taal isbarradii hore oo kale ? haddaan rag uu wato lagu
soo darin xukuumadda cusub. Xildhibaannana sidii caadada ahayd faraqaa miyaa u gosan? . Walaalayaaloow nimanka maxaa damiir tiray oo ma garan waayeen in magacaa ba’ laga dhinto oo odaynimada ay tahay in aan xaaraan la quudan oo 00wax walibo laga jiro sharafta iyo sumcadda wanaagsan
Waxaa Axdiga KMG ah sheegayaa in wax lagu qaybsado 4.5, taas ayaana saldhig u noqonaysa sidii
Ummadda Soomaaliyeed ay wax ku qaybsan lahayd ee maa loo madax banneeyo ra’iisul wasaaraha in ciddii uu soo magacaabayo ayadoo ay muhiim tahay in gubdhig looga dhigaa inuu wax ku soo magacaabo wax loo calaamadeeyay sida aqoonta, xilkasnimada, daacadnimada iyo wadniyadda, iyo in uu ka fogeeyo xukuumadda rag ku sifoobay mucaaradnimo iyo xagjirnimo ee majaxaabinayo Dawladda.
Sida aan saadaalinayo Ra’iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi waa nin u darban in wax qabto oo waliba
wax ku ool ah, waxaase muhiim ah in uu noqdo nin fursad loo siiyo in uu gool ka dhaliyo uu hiigsanayo.
Midda koowaad waxaan xusuustaa kow in uu ku dhawaaqay in uu ahmiyadda siinayo sidii uu kor ugu qaa
di lahaa niyadda Ciidammada oo xuquuqdooda u heli lahaayeen,; waa arrin aan aad ugu bogay maxaayee
lay nin baahan ee dhibban uu wax difaacaa, midda kale in uusan marnaba oggolaan doonin in jeeb wayne uu jeebka ku shubto wixii loogu talo galay in lagu fuliyo maamullada kala duwan ee dawliga ah
Mudanaayaasha Baarlamaanka oo aan haba yaraatee kasban kalsoonida shacabka ay metelaan oo kor iyo hooseeyba loogu sheegay niyad jabka iyo sharaf darrada u taal Ummadooda dhexdeeda ay is daba qabta
an oo ka waantoobaan dhalilaha badan ee loo hayo iskana daayaan Mooshinka aan dhammaan ay daba
hayaan.
Wa Billaahi Towfiiq
Waxaa qortay
Faduma Axmed Maxamuud Cadde
( Qoorwayne )






