Adoon dabaal aqoon 60 sanadood badwayn ma u risiqdoonan la hayd?

Akhristoow, waxaa nin wadaad ah laga weriyey in uu yidhi, ” Haddaad maqashaan Ina Cali Qablaxbaa biyo liqeen waa waysadayda oo igu burqatay”.

Waxaan ugu jeedda in kolayba anigu aanan laba subax badwayn wada galeen anigoo u risiq doonanaua,  dabaalna anaan aqoon, in badan oo ila mid ahina in ay jirto ayaan filayaa oo aan jeclayn nolosha ay ku jirto biinaynta naftu.

Anigoo la yabaan badhac Baddeedka Soomalida lee 90% aandabaasha aqoon haddana ku doonta Maraakiib maraaysa Badwaynta India oo afar Boqol oo Mayl u jira Xeebta Soomalida.

Had iyo goor waxaa adoonka inagu soo mara dhacdooyin inaga yaabiya, laakiin dadka qaar u arkaan wax iska caadiya. Dhawaan waxaa u dabaal degay Sannad guuradiisii si 70 aad ee dhalashadiisa in u Dhashay wadanka Ingriiska. Ninkaasi qaab nolaleedkiisi wuxuu kayaabiyey dadka ku dhashay wadaanka Ingriiska, markii sheekadiisa iyo ta afadiisa lagu soo qoray warside ka mid ah wargaysyadda ka soo baxa cariga ingiriiska.

Waxyaabaha ninkaas lagula yaabay waxaa ka mid ahaa in ninkaas  oo  xirfadiisu tahay kaluumayste aanu weligii u oonsan oon badeed oo aanu cunin wax bad ku jira, is la markaasna haba yaraatee wax dabaala aqoon, subax kastana ku kalahaayey badwayn in uu ka jilaabto si uu u dabaro nolosha qoyskiisa. Dadka u dhashay cariga ingiriiska dabaasha iyo oonta badu siiba kaluunku waa lafdhabarta qaab noleleedkooda.

Ninkaas oo muddo Ka badan 50 sanno xaas lahaa, waxaa waa barayba oo uu badda u xamaan qaataba naxdini la soo dersaysay ooridiisa, ileen dabaal uu bad ugu risiqdionto mayaqaane, inuu badda wax ka soo helana waxaa uga muhiimsana afaddaas soo nabad noqoshadda ninkeedda maalinwalba,inkastuu u weli nibkaasi sii wato xirfaddiisi.

Maqaalkii oo aan idiin soo turjumayna wuxuu u dhignaa sidaan:
 

Kaluumaystihii  Ugu da’da weynaa Dalka Ingriiska  ku nool oo  aan weli ka  fadhiisan shaqadiisa,wallow aanu jeclnay badda iyo cuntada badda toona,ka darane aanu aqoon dabaasha.
Hadaba Kaluumaystani ma jecla cunnada-badda,mana yaqaano
gebi ahaanba Dabaasha.Hadana waa Kaluumaystaha ugu da’da weyn dalkan Ingriiska
waxaanu u dabaaldegayaa,iyadoo ay manta ku buuxda 70 Sanadood intuu badda ku jiray   ee uu Kaluumaystaha ahaa, waana 80 sano jir.

Ninkan odeyga ah wuxuu si xirfad korsdhsi ah (apprentice) u bilaabay hawshan 20 kii bishii May 1940kii ,hadda uma qorshaysna  inuu kabaha badda bixiyo ama hadaynu si kale u nidhaa uu joojiyo shaqadiisa.
Isagoo taa ku macnaynayana wuxu yidhi “waan wadi doona hawshan weligayba,inta aan wadi karo,oo haddaa maxaan sameeyaa?jooji shaqadaada? Gurigaaga tag oo dabeedna dhimo miyaa?? .”

Isaga oo hadalka sii wata ninkaasi wuxu yidhi “Noloshaydu badda ayey ku xidhnayd weligeedna  sidaas  bay ahayd” ,waxay tahay inkasta oo anigu aanan cunin kaluunka oonan jeclayn nooca (( shell fish,oonan dhab ahaan jeclayn iyo cuntadda badda oo idil ba, xaqiiqo ahaan,waxaan doorbidaa Steak hilib ah)).

Ninkaa Awoow  aha wuxuu ka kalahaa tuulada uu deganyahay 5:00 subaxnimo waliba isagoo u jilibdhigaya xaalaad kasta oo cimiladu tahay.

Isagoo doontiisa wata,si uu u soo qabsado noocyada loo yaqaan carsaanyadda amba Crab iyo lobsterka ama argosatadda sidda dadka qaar u yaqaan, doontiisa oo loo yaqaan “Neptune pride” ,wuxuu yidhi hadda nin yar ma ahi sidii aan waayo ahaan jiray,mararka qaarna waan la daalaa dhacaawaxooga:,hase yeeshee waa hab nololeed, markii ugu horaysay aan bilaabay,aad iyo aad bay uga duwanayd marka hadda loo eego.

Wakhtigaas inaad kaluumayste noqoto waxay u baahnayd kaliya inaad is diiwaangaliso,ama warqadda ogalaashada aad sexeexdo,hal mar oo keliya
sanadkiiba. Halka imika aad buuxinayso Foomam Subaxdii,duhurkii iyo Habeenkii.

Ninkaas odeyga ah. Xaaskiisa iyana waa ruux 80 Sano jir ah,57 sano oo ay is qabeena,waxay ku dhamaystay intoodii badnayd iyadoo murugoonaysa oo is leh wuxuu ka duuli doonta kuna dhici bada,ileen waa kii ku yiri weligay joojin mayo shaqadane ,dabaalna ma yaqaanee, waxay intaa raacisay oo tidhi “Weligiis buu wadi doonaa,ilaa uu dhaqaajin kari waayo,ama uu badda ku dhaco,shaqadani waa mid uu weligiis jeclaa,anna kolkaa weligay isku deyi mayo inaan ka joojo”

Maxamed Yusuf Diirqadhaadh.
London
diirqadhaadh@live.co.uk

Posted by gubta on Nov 10 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in