Warqad Furan oo ku socota Madaxda Dowlada Ku meel gaadhka ah
waxaan qoraalkan warqadan ku socotaa madaxda dowlada ku meelgaadhka ah , Madaxweyne Sheikh shariif Sheikh Axmed Ra,iisalwasaare Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo)
waxaan doonayaa inaan qoraalkaygan raaciyo qoraalo aan hore uga qoray xulashada ruuxa noqon kara Ra,iisal wasaare iyada oo aan markaas la wada ogayn
ayaa hadana waxaa aniga iyo dad badan oo soomaaliyeed ka hadleen sida ugu haboon ee lagu xulan karo maadaama hada la soo xulay aqoonyahan dhalinyaro ah
waxaa bulshada soomaaliyeed ku waajiba , inay talo iyo shaqada labadaba ku taageeraan.
Madaxweynaha dowlada KMG ayaa waxuu horseeday isbedel siyaasadeed oo saamaynayaa laba dhinac waa mide iyada oo qaabka xulashadu noqday mid wax ka bedela muuqaalkii mudada badan lagu arkayay masraxa siyaasada ee ahaa labada daarood ee isu bidhaamayay waa beri iyo koonfur iyada oo maanta uu keenay nin gurigiisa dab ka baxayo oo dareemi kara dhibaatada baaxada lehee ka jirta deegaamada koonfureed waayo nin gurigiisa dhibaato ka jirin ma dareemo karo xanuunka dhibaatada haysta shacab kale.
waxaa halkaas ku hadhaysa eedaymo badan oo mar walba dusha laga saaro sida Ra,iisalwasaaruhu waxuu ka soo jeedaa dhul nabdoon oo ma dareemayo dhibaatada koonfur ka jirta ama dan kama laha maadaama maanta deegaanka Ra,iisalwasaaraha cusub uu ka soo jeedo gobolada koonfureed waxaa isagana saamayn ku leh deegaankiisa dhibaatada ka jirta gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya waana qasab inuu raadiyo xalka iyo nabadaynta deegaamadaas.
Waxaa soomaalidu mar walba eeda saaraan maamulka ama dowlad markaas jirta dowladuna ama xukuumaduna waxay eeda saartaa caalamka.
Hadaba waxaa la gudboon shacabka soomaaliyeed si ay nabad u helaan inay taageeraan dowlada waayo dowlad waxaa loo yaqaana waa shacabka
xukuumaduna waa dadka markaas shacabkaas metele oo maamulka gacanta ku haya.
Xukuumad waliba waxay samaysaa balanqaad iyada oo aan fulinin ee aad moodo inay yihiin maxaabiis la siiyay saacado inay ku dhameeyaan
casuumad badan oo dad badan loogu talogalay, waxan uga jeedaa maxbuusku wax walba wuu ka xidhanyahay haddii saacad fasaxa banaanka iyo cuntada iyo nolosha xorta ah uu helo waxaad ku arkaysaa boobsiis iyo degdeg. waxaan ula jeedaa madaxda dowlada oo mid waliba diyaar u yahay boobka iyo lunsashada hantida qaran
waxaa ka mudan inuu sameeyo dowlad miisaan oo dalka hanata ka dibna hantida oo doonayay iyo ka badan iyo magac iyo maamuusba si sahala ayuu ku heli karayaa
taas waxaa markhaati ka ah wadamadii shalay afrika ee dagaaladu ka socdeen madaxdoodu maanta inaga ayay ciidan iyo waxtar inoo yaboohaan
dowladaahaas oo aan qaarkood xoriyadooda u doodi jirnay markaan ahayn dowlad jirta ee calanka iyo awooda leh.
Sidee amaan iyo kala danbayn lagu heli karaa ?
Amaanku waxuu ku yimaadaa awood , ama quwad ilaahaybaa quwad lehe lagu hantiyo dhamaan inta aad doonayso inuu maamulkaagu gaadho.
In aad dejiso xeer ama xukun keenayaa kala danbayn oo aad awoodaada xadido ay jiraan waxyaabo kaa mamnuuca iyo waxyaabo aadan u dulqaadan Karin.
Inaan maamulkaaga iyo nidaamkaagu noqdo hirgelintisu mid aadan cidna u daba fadhiisanayn ee qofkii u hogaansami waayaa aad ka qaado talaabada ugu haboon ee waafaqsan, ciqaabta muwaadinkuna aysan ka badnaan xadhig haduu doono ka dheeraado iyo ganaax. Dilka iyo dhaca iyo boobku maaha xukun aduunka ka shaqeeya.
Hadaba waa kuma ninka intaas keeni karaa?
Ma shaqsi ka yimid dibadaa, ma jaamici luuqado badan ku hadlaa, ma dhaqaaleyahan caan ah baa ma ganacsade la yaqaanbaa, ma dhakhtar cudurada daweeyaa, ma kornayl dagaalyahanaa ma shaqsi aan intaas midna ahaynbaa , ma mid caalamku wataa , ma mid madaxweynuhu wataa?
Xukuumada cusub ee maanta la doortay wasiirkeeda koowaad waa ra,iisal wasaaraha cusub mudane Maxameed Cabdulaahi (Farmaajo) waxaa u taalo hawl badan oo xalinteeda doonaysa waxaan arkay nuqulo qoraal taariikhdiisa ka mida inuu ilaa waqtigii uu dhamaystay waxbarashada inuu maamul dowladeed ku jiray ama dalka ama dibada laakiin kuma aanan arag inuu maalin keliya ka qayb qaatay xumaato iyo samaan midkoodna burburka dalka ka dhacay ama nabadraadintiisa ka noqoto ama colaad hurintiisa ha noqoto . taasi waxay na siinaysaa inaan sugno fursadna u siino iyada oo aan la mucaaradina loo saadaaliyo wanaag iyo waxtarba in lagala kulmi doono lana dhawro sida uu u guto waajibaadka saran iyo hawsha xafiiskiisa
Waxaa madaxweyne shariif horseeday hanaan iyo hillin siyaasadeed wanaagsan waxaan odhan karaa waa natiijo hor leh iyo isbedel siyaasadeed oo bilowday sida cad waxaa ka hadhay waqtiga dowlada mudo gaaban oo sanad ama 10 bilooda waxaa kale oo aan sugaynaa qaabka hanaanka doorashada haddii madaxweynaha iyo Ra,iisalwasaaraha ay dhmaysitir waayaan hawsha hortaal inay u diyaargaroobaan doorashada sanadka danbe inay noqdaan kuwo aan ku dhamaysan ceeb ee ay noqdaan kuwo tanaasul iyo sharaf kaga taga haddii looga awood roonaado. Ayna diyaar garoobaan isbedel siyaasadeed
Waxaa kula talin lahaa dhamaan madaxda soomaalida inay ka waantoobaan ujeedada qalafsan ee mudada haystay shacabka soomaaliyeed ee ah cadkanoow ku cunay ama ku ciideeyay ee waa inuu madaxnimada uu hayo waajibkeeda guto haduu gudan waayona mudada u hadhay ku wareejiyo qof aqoonteeda leh oo umada soomaaliyeed doorato.
Markaa waxaan odhanlahaa waxaa la gaadhay waqtigii isbedelka maadama xukunka soomaaliyeed maanta u batay dhinaca dhalinyarada iyo raga aan danbiyada wadanka ka gelin. Maadaama xukunka iyo taladu noqotay mid lagu xulanayo aqoon iyo xilkasnimo iyo sumacad oo aan lagu xulanayn waxuu ahaa hogaamiye kooxeed ama waa danbiile dagaal. Maadaama aan lagu xulunayn waa qabiil hebel oo qabiilkayga ayay gacansaar leeyihiin waxaa la odhan karaa waxaa muuqdo ifafaalo wanaagsan laguna gaadhi karo heer doorasho xor ah la sameeyo oo shaqsi waliba uu codkiisaa siiyo qofka uu isagu naftiisa u arko inuu yahay hogaanka wanaagsan.
Ra,iisal wasaaraha cusubna waxaa hortaalo shaqo badan oo ay dhamaan ragii ka horeeyay isaga kursigan ay buuxin kari waayeen ragii mudada todoba sano ahayd ee ay jirtay dowlada KMG hadii qodobadan hoos ku qoran qaarkood uu fuliyo Ra,iisal wasaareha cusub oo awood u yeesho waxaa hadana iman doonta isbedel wayn oo hirgeliya nidaam iyo kala danbayn taas waxaa markhaati ka ah dowlada ku meelgaadhka ah waa tii ugu cimriga dheerayd mudadii ka danbaysay burburkii dowladii dhexe iyada oo magac ahaan u jirta balse aan lahayn muuqaal iyo awood lagu tilmaamo dowlad.
Shaqada laga doonayo Ra,iis wasaaraha cusub qayb ka mida
1:- Waa inuu Ra,iisaal wasarahuhu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ay ka muuqdaan aqoonyahan khibrad u leh dalka iyo dadka oo aan laga soo kiraysan dibada ee iyaga oyo qoyskooduba dalka ku noolyihiin.
2:- Waa inuu hanto gebi ahaan magaalada muqdisho amaankeeda oo dhana uu sugo amaanka shacabka ku dhaqan caasimada soomaaliya awooda ciidan ka dhigo mid dhinac walba ka dhisan dhanka dhaqaalaha , asluubta, xukunka, iyo kala danbaynta dhexdooda maadaama hadda aysan jirin wax farqiya oo u dhaxeeyaa taliyaha iyo dablaha ama xukun kala maareeya.
3:- Waa inuu noqdo shaqsi u adeegaa shacabka dhibaataysan ee aanu noqon shaqsi u adeegaa madaxda iyo wasiirada iyo xildhibaanada u dhaxeeyaa hoteelada iyo Nairobi iyo adisabab
4:-Waa inuu isku xidhi dhamaan hogaamiye dhaqameedka beelaha soomaaliyeedd ilaa oo ay yeeshaan dallad , kana mid noqdaan golayaasha dalka ka taliya maadaama ay tahay maanta lama huraan , mushahar iyo dhaqaalena loo qoro si loo helo talo midaysan dhinac walba oo ay wadagaan qaybaha bulshada sida majraca culumada, golaha guurtida golaha shacabka waa baarlamaankee iyo golaha wasiirada ..
Haddii intan mid ka mida ay u qabsoomi waydo waxuu maray wadadii kuwii hore waxaana imanaysa inaan aragno sidii aan hore u arki jirnay khilaag ba,an oo u dhaxeeyaa madaxda sare lana ogan sababtiisa .
Dowladu waxay u baahantahay shacab ay maamusho iyo dal ay ka taliso, haddii la helo dhamaan shacabka iyo dowlada iyo gebi ahaan umada soomaaliyeed nabad iyo nidaam iyo kala danbayn waxaa u suuragalaysa qof walba riyadiisa hantida dibada laga keeno iyo dhaqaalaha carabta iyo reer galbeedku bixiyana mid ka badan ayaan wadankeena ka samayn karnaa waase hadaan nabadgelyo buuxda helno.
Dowlad daacad ah, shacab doorta, dal nabdoon, dirirta iyo dagaalka iyo duqaynta oo dhamaata ayaan ilaahay ka rajaynaynaa inshalaah.
Wabilaahi tawfiiq
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr






