Gudiga abaabulka shirweynaha guud mise gudiga abaabulka maamul goboleedka waax iyo waadi
Rabitaanka waxaa ka horeeya kana qara weyn xaqiiqda sidaa darteed cid kasta oo dooneysa in ay wax ku talaabsato waa in ay ku saleysaa xaqiiqda hadii kale dadaalkooda waqti badan oo lumay kadib wuxuu kusoo biyo shubanayaa hal bacaad lagu lisay, doonitaan sakhsiyadeed oo ujeedadiisu maldahan tahay kuma dhismayo maamul goboleedka waax iyo waadi.
Hamiga oo lagu kaabo dadaal, karti, aqoon, daacadnimo, wadajir iyo waliba wada tashi waxaa si fudud loogu gaari karaa hadafkii kama dambeysta ahaa ee la hiigsanayay, laakiin qorshaha dhalan doorsoon ee shakasiyaadka tirada yari BOONKA u yeerinayaan waa la hubaa in rajo la’ aan iyo waliba guul daro kusoo gaba gaboobi doono.
Bal aan isweydiino yaa horeeya shirwenaha guud ee looga arinsanayo dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi ee beesha Mudulood iyo dhismaha gudiyada kala duwan ee la doonayo shirweynaha kadib in ay ka shaqeeyaan howlaha isku duba ridka dhismaha maamulka, wax walbo waxey ku wanaagsan yihiin in asaaska hoose laga soo bilaabaa sidaa darteed waxaa la gudboon kooxdan tirada yar ee is huwinaya magacan khaldan in ay runta u daadegaan una istaagaan abaabulka shirweyne guud oo ay yeeshaan siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, waxgaradka, odoyaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada kaas oo gundhig u noqonaya dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi .
Marka uu qabsoomo shirweynaha guud ee beesha mudulood ayey kasoo dhex farcamayaan gudiyada oo idil sida gudiga farsamada, gudiga abaabulka, gudiga diyaarinta dastuurka, gudiga dhaqaalaha, gudiga siyaasada, gudiga war faafinta iyo waliba qaar kale, marka ay gudiyadaas soo dhameystiraan howlahooda ayeyna suura gal noqoneysaa in iyada oo la wada jiro loo istaago qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo maamul goboleedka waax iyo waadi oo si dhab ah loo turvaan bixiyay la iskuna raacsan yahay kaas oo noqonaya mid miro dhal ah oo wax la qeybsan kara maamulada haatan jira ee asaaska adag loo sameeyay.
shakhsiyaadka tirada yar waxaa la gudboon in aaney waqti dambe isaga lumin sheeko xariirka ay wadaan, waana in ay runta u daadegaan iskana iloobaan sheegashada magaca ay haatan is huwinayaan inta ka horeysa shirweynaha guud ee beesha mudulood ee lagu dhisi doono gudiyada kala duwan ee uu kamidka yahay gudiga abaabulka oo ay haatanka ku awr kacsadaan.
sHeegashada ama is huwinta magac ama xil ka dhaxeeya beel dhan oo aan weli waqtigiisa la gaarin waxey cadeyneysaa in rabitaan shakhsiyadeed oo ismuujin iyo qaab dawarsi NGO ah ku dhisan uu yahay waxa ay wadaan kooxda tirada iyo tayada yar filimka dhamaaday tikitka u goostay, soomaalida waxey tiraahdaa nar idage alaha dago mar labaad i dagase waa aniga iyo dadbinadeey, mudulood oo weli ay maskiisa ka guuxeyso raad reebka dharbaaxadii xanuunka laheyd ee ay u geysteen ma gudbayaashii siyaasada beesha hormuudka u noqday 20 – kii sano ee soo taagay cirkaa dheer dhul kaa dheer marnaba u cuntami mayso wax aan danahiisa iyo dib usoo celinta sharaftiisa ku saleysneyn.
Hadaba waxaan aqoonyahanada , wax garadka iyo waliba dhalinyarada beesha mudulood( Rag iyo Dunarba ee u dhuun daloola aribtaan u soo bandhigayaa DOOD FURAN oo ku aadan midka horeeya shirweyne guud oo beesha mudulood ka yeelato dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi iyo dhismaha gudiyada la doonayo in ay kasoo dhex farcayaan shirweynahaas dabadeedma u howl galaan qaban qaabada dhismaha maamul goboleedka , in naqdin ka fiirsasho la aan ah qalinka loo qaato si indha la aan ahna loo taageero wax aan dulucdooda la garaneyn waxey keeneysaa uun iska daba wareeg ,waxeyna DOODA FURANI horseedeysaa in ugu yaraan dib la isagu noqdo si wadajir ahna wax loo wada saxo waana nasiib daro weyn in aad bulshada ku khasabto wax aan ka gadmeyn, oo aad shakhsi ahaan ula dhacsan tahay.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman
muusekiimiko@gmail.com
muusekiimiko99@hotmail.com
Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-Buur)
Maamulaha Gubta.com






