Sheeko gaaban oo Fadhi ku dirira

 

Waxaan doonayaa inaan fekerka dadwaynaha qaarkood halkan ku soo bandhigo qaabka

Ay u kala fog yihiin iyo sida ay afkaartoodu u kala duwantahay  qolo walibana waxay ku salayso hadafkeeda siyaasadeed iyo nololeed. Waxay sheekadadani u dhacaysaa qaab wada sheekaysiya

Oo shaqsiyadaad metelayaa  gobolada dalka ama deegaaamada waxaana ay u dhacday sidan:-

 Dareen ku joog :- Areey ma maqashay  in igaarkii ra, iisal wasaaraha  ahaa xilkii iska casilay oo  ninkii madaxweynaha  ahaana ka dhoofay beledka  oo cariga  maraykanka  ka raadshay ra,iisal wasaare cusub oo uu soo magacaabo.

 Dood u joog  :-War  heedheh ama  ha tago ama ha joogee  meeshan waxaa yaala wa 4.5  kursigana anagaa iska leh magacayaaga ku qoran , haddee haday is fahmi waayeen  ninkii hore madaxweynaha  way dhici jirtay balse sidii ragii hore yeelay waa inuu keena nin beesha ah

Hadii kale waxaan kala noqonaynaa kalsoonida meeshayadana wax taageero ah ka heli mahayo

Mid kale ayaan u keenaynaa mana u laha xaq inuu maraykanka ka doono ee halkan bay dhooban yihiin  nayroobi iyo emaraatka ayaa ka dhaw ee maxaa keenay in maraykan laga raadsho

Mide kale anagu maamul ayaan leenahay maamulka ayaa soo gudbinayaa qofka xilkaa noo qabanayaa  haddee  dadka wax isuguma darsana kursigana anagaa iska leh.

 Dagaal u joog:- War bal dhagaysta qoodhiin iyo xaradiin ninkaas waxuu leeyahay ma kursiga soomaali oodhan dhexyaal ayaad leedahay waxaa ku qorayn magacayga  teeda kale 4.5 ma keligiinbaad  noqoteen  mid ka mida saw magaca beeshiina laydinlama wadaago maxaad umada u duudsiyaysaan

Anigu waxaan qabaa in  madaxweynuhu maanta  qorshihii ilaa lixdankii ee  bari iyo muqdisho bedelo

Oo ka dhigo , gedo iyo muqdiho ,ama burco iyo muqdihso , ama boorame iyo muqdisho

ama laascaanood iyo muqdisho meelahaas kale  hadduu  wax fahmayo 

 Diidmo u joog  : Waxaasi waa waxaan soomaali oo dhan inaan ka goosano nagu kelifay  nin meel iska calaamadsanayaa ama u haysta inuu xaq u leeyahay aniga kolay ima qusaysa balse waxaan odhan lahaa bahasha  madaxnimada ah hala wareejiyo oo miilo halaga dhigo ileen umada soomaaliyeed waa isku mide anigaa mudan iyo anigaa madax iyo anigaa meel haystana halayska daayo waa talo walaalnimo.

 Dab u joog   : Anigu waxaan meel kala soo jeedaa ninkaa Dood u joog ee kursiga calaamadsaday  isku qayb baan nahay  kumana raacsani oo waxaan taaganahay ilaa lixdankii ayaad  na hor fadhideena saaka waa maalintayadii haddii uu madaxweynuhu soo magaacaabo nin idinka midana  dowladaba ma taageerayno waxaana ku biiraynaa kooxaha ka soo horjeedaa ileen meel aanan xaqayga ka helay waxaa dhaanta meesha aan xaqayga ka helayo.

 Dulmi u joog  :- Anigu waxaan taageersanahay fekerka saaxibkay Dab u joog   oo anagana waxaa xaqayagii qaatay ninkan madaxweynaha ah  beeshiisa weligayo indhaha maanaan saarin madaxnimo  haddii waqtigiisu dhamaado oo aan  qaybtayada heli wayno hadaba angaa ugu badan kooxaha ka soo horjeedee waan sii laba jibaaraynaa ileen  nin aan xaqayga ii ogolayn inaan taageero waxaa iiga fiican ninka xaqeyga ii ogol.

 Diidmo u joog :-  Waryaadhaheen soomaaliweyn anigu waxaan idin odhan lahaa  bahasha horta dagaalka ka daayaa oo qaab kale wax ku doonaa nin waliba intuu bulshada dhexgalo ama lacag ama cod ama qabiil ama qorshe kale haku kasbado sidaa aan hada ku dhaqano hadaan nahay reer somaliland ka dib cod wax ku raadiyaa  intaad reer hebel idinkaga dhegan tahay  u malayn maayo inaad horumar gaadhaysaan , dadkii wuu dhamaaday  dalkiina wuu burburay anaga  dabkiinu waa na soo gaadhaya oo wadnahaan farta ku haynaa .

 Dood u joog : Horta adigu Diidmo u joog ha hadlin waxaad tahay soomaali diid arintana shuqul kuma lihid waxaad kow ka tahay dalka iyo dadka waxaa dhibka ka wada  haddee nimankan kale  kuma yaqaanan ee anigaa ku garanayaa ee meeshaada joogto iska joog  intaad maqan tahay dantaydaa ku jirta oo booskan aan hada haystaad muran iga gelin lahayde .

 Dareen u joog :  Areey anigu waxaan qabaa Diidmo u joog in doorkan maanta ah Ra, iisal wasaaraha laga dhigo maxaa yeelay bari iyo koonfur  Xal soomaali nabad ku noqoto waa keeni waayeen  waayoo 20 sano ayaan raadinayay nabad waa la waayay , waxan raadinay heshiis waa la waayay waxaan raadinay xal waa la waayay waxaan raadinay  is fahan waa la waayay  markii baaritaan la sameeyay qaybtaasoo dhan waxaa la maqan Ninkaa Diidmo u jooga  markaa hal sano oo jaanis ah na siiyaa oo bal talada adiga kaa maqan walaalkaa bay ku jirtaa baala yiri  Dood u joog waan aragnoo  xaalkiisu waa kaygana anigaayska leh kaagana kula lihi  arinkaasina waxba wuu soo kordhin waayay, ee adiga ayaa lagu tijaabinayaa markaaga  hadaad keento wanaagna waqtigaa ku xusaayaa hadaad  seegto wadadana waqtigaa ku xusayaa.

 Dagaal u joog  : waligaa Dareen u joogoow  talo aan kugu raaco oo aan taa aad maanta sheegtay ahayn ma jirto alaylehe waa inaan Diidmo u joog talada wax ka wadaajinaaa  Dood u joog  waan aragnay aniguna  hore ayaan isu naqaanay adigaan kaa furfuri waayay maahee  20 sano waxaan isku haysanay Dareen u joogoow ninkaa  Dood u joog inaga daa  dadka kale oo dhan baa  dhaama waxba  inooma hayee hadaadse maanta ila aragtay waligaaba  goordanbe ayaad i fahmi jirtee waa ilaahay mahadii

 Dayac u joog  : asal waxaa nii waydiiyay aniga wadanka wax kuma lihi miyaa  idinka lee bes miyaa wax laga waydiihaa  aniga waxaa qaatay xaqaygii , Daldal u joog  darajada sadexaad ilaa lixdankii nimankaas ayaa iska haysta  cid kalena ma u ogola  haddii isbedel la rabo  darajada koowaadna  hala wareejiyo tan labaadna Diidmo u Joog  waa ku taageersanahay ,  tan sadexaadna  waxaa la joogaa markaygii , aniga wax ma dilin, wax ma dhicin, dhib ma gaysan  , hanti ma boobin yaa iga muwaadinsan, wax lay gaysto maahee waxba cid uma gaysan , saasay tahayna

cid walba waxaan leeyahay cafi iyo musaamax  waxaan rabaa meel nabada aan beertayda ku fasho , gaari gacankayga ku wato muufaydayda ku cunoo oo nabada ee ma laydinka helayaa soomaliweyneey.

 Diidmo u joog  : Nimanyahoow Go,aankaaan qaatayna kama noqon karo oo meeshaan tegay way  fogtahay  maaha meel  ciyaar ciyaar looga soo noqon karo , nimankiinan aan arkona  mar labaad  wax kuma darsan karo  dhibkiinana ma eegi karo oo way i dhibaysaa , waan ka soo tashanayaa waxaanse ka baqayaa inaad wali suuldaaradii lixdankii wadaan ee bal waa inoo kulankeena danbe iyo soomaaliyeey.

 Dulmi  u joog  : anigu waxaan qabaa in saaxiibkay Diidmo u joog ka dhawaajiyay hada layska dhaafo oo aan la dhibaatayn waa nabdoonyahay, balse jagada nimanka kale loo dhiibo hadhoowna  haddii isbedel yimaado Diidmo u joog jagadiisaa sidaas ku qaato , Dood u joogna  isagana waa walaalkeen ee uu samro intii loo soo samray oo 50 sano sugo ileen  nus qarni ayuu safka hore ahaaye   Dareen u joogna  hadduu maanta ka dego isaguna nusqarni kale sugo ileen waa ka dhergee

Dagaal u joogna 10 sano sugo ileen wuu arkay  ninka booskaas u banaanyahay waa aniga iyo nin kale oo maqan hada  haddii aan madaxweynaha helnona waxaad ogaataan cid danbe is khilaafi mayso

Daldal u joog :- aniga kursigaygaa  shan sano ayaa u hartay  mana ku jiro gorgortan ee Dayac u joog waxaanh ku dhihi lahaa meel kale raadso  maxaa tayda ku tusay oo kuu diiday  jagooyinka kale ee laysku haysto.

 Dadkii madaxuu isla galay

Doodiina cirkay jirtaa

Damacuna waa xad dhaaf

Dalkiina wali dowlad ma leh

Dadkii dibaduu u qaxay

Duunyaa lagu muransan yahay

Darajiyo magac aanan jirin

Dab iyo qalabay sitaan

Dagaal bay wali wadaan

Nin daacada lagama helo

Mid diin wada lagama helo

Mid daahira hadalkii daa

Dawakhuu wuu sii kordhoo

Dooduna wali waa sidii

Dawgii wali looma helin

Dadkeenu u degi lahaa

Dalkeenu ku degi lahaa

Dadnimo lagu hanan lahaa

Dowlad ugu iman lahayd.

Fiiro Gaara :- ma jirto cid gaara oo aan qoraalkan ugu danleeyahay balse waa afkaar aan uruuriyay iyo qolo walba iyo koox walba iyo deegaan walba fekerka uu qabo oo aan qoraal ahaan ku muujiiyay

Waxii  khalada ee ku jira waxaan u ahay diyaar sixitaankeeda waxii feker ah  ee laygu soo biiraninayona waxaan u ahay diyaar  .

 La Soco Qaybaha Danbe

 Waa Qalinkii

C/raxiim Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 gubtanews@yahoo.com

Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-Buur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 25 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in