Qurba Joogta Beelaha Gabooye Oo Cambaareynaya Dhibtii Loo Geystey Haweenka Gabooye Magaalada Caynaba Iyo Hay,adaha U Doodaha Xaquuqal Iisaanka Reer Somaliland
| Kitchener-24-September-2010(Gabooyenews.com)Haddaanu nahey qurba joogta beelaha gabooye ee reer somaliland waxaanu si kulul u cambaareynaynaa falka foosha xuun ee waxashnimada iyo arxan dariida ah ee loogu geystey labada haween ee beelaha gabooye ee reer somaliland dhawaan magaalada caynaba ee jsomaliland ,haweenkan oo waxey geysteen jiriin ama dambiya oo ay cid ka galeen jiriin ayaa leyska xirtey mudana lagu hayey xabsiga magaaladas ku yaala iyodaoo lagu eedeyey dambi aaney wax luga ku laheyn kaasoo ah iney xadeen laba gabdhood oo la waaayey ka diibna waxaa todobaadkii hore la soo saarey maxkamad ku taala magaalada caynaba ,markii maxkamadii la soo sarey ayaa lagu waayey dambigii lagu soo eedeyey waxaana uu qaadigii maxkamaduu uu halkaas kaga dhawaaqey ineyna labadan haween dambigaa lagu soo eedeyey ee loo heystey aaney wax lug ah ama dambiya ku laheyn ,sidaas darteed in maaliintas laga bilaabo ay haweenkasi ay xor yihiin lagana sii daayey xabsigii lagu haystey .ka diib markii la sii daayey ayaa niman hubeysani ay maxkamada ka dhex afduubteen labadii haweenka ahaa una geysteen dhaawacyo iyo jirdilba ,kadiib sida uu cadeeyey gudoomiyaha gobalku waxaa ka daba tagey askar booliska ah soona furtey labadaas haween iyagoo loogeystey dhaawacyo haliisa ka diibna waxaa lagu daweeynaya husbitaal ku yaala magaaladas.. Dhacdadaan waxashnimada ee foosha xuun ee had iyo jeer loogeysto dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee reer somaliland maahan markii ugu horeysey ee waa mid joogto u ah oo saanyadey beelahan gabooye taasoo loo nasbeynayo iney yihiin kuwo aaan awood laheyn ama aan hubeysneyn oo aan waxba la iskaga tiriin waxaana looguba yeedhaa :LOOMA OOYAANKA” waa kuwo markasta ba bartilmaameed u ah wixii xuunba iyo gabood faliida loo geysto qof bini aadamaba ,dhacdadan naxariis darida ah waxaa ay ka mid tahey dhacdooyiinkii taariikhda galey ee loo geystey beelaha gabooye ,waxaa kale oo jira dhacdooyiin arxan dari ah oo loogu geysto had iyo jeer jeelasha magaalooyinka somaliland kuwaasoo si arxan dari iyo naxxariis la aan ah loogu gumeysto xabsiyada somaliland iyadoo ay taasna u sii dheertahey jir dil iyo qaraacis qasab lagu qasbaayo dambi aaney galiin si ay qasab ugu sheegtaan dambi aaney laheyn.waxaana jirtey in dadkaas jeelasha somaliland lagu xirto iney qaarkood uguba dhinteen xabsiga gudihiisa dhaawacyada loogeystey darteen. Waxaa kale oo aanu si kulul u cambaareyneyna dhamaan ,hay,addaha u dooda xaquuqal iisaanka ee reer somaliland oo had iyo jeer aan mar qura ka hadal dhibka loo geysto muwaadiniinta beelaha gabooye ,waana mid ayaan dari ah waxaa soo dhibaato oo lo geyto dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee reer somaliland iney markastba ay indhaha ka qarsadaan ,kuwa isku sheegaya ama sheeganaya iney yihiin ,Hay,addaha Udooda Xaquuqal Iinsaanka Ee Somaliland” Ku waasoo ka jira dhamaan gobalada reer somaliland had iyo jeerna ka hadla dhibaatooyinka loo geysto beelahooda kale ,balse ayaan dariida aaney wax xil ahba iska saariin amaba aaney ulaba sineyn dadka kale maadaama ay kuwani yihiin beelaha gabooye ee looma ooyaanka ,waxaanu u aragnaa hadaanu nahey qurba joogta beelaha gabooye iney xaqiiqada dhabta ah indhaha iyo afkaba ka qarsadaan hay,addaas sheeganaya iney yihiin kuwo u dooda xaquuqda qofka bini aadamka ,qeybna ayba ka yihiin dhibaatooyinka iyo jirdilka iyo dhaawacyada gabood falida ah ee bartilmaameedka u noqdey dadka beelaha gabooye ee reer somaliland .,sababtoo ah iskaba daa dhibaatooyinkii hore ee loogeystey beelahan dadka ka soo jeedee ilaa iyo maanta mudadan bisha iyo badhka ah maxey mar qura uga hadli waayeen dhibaatadan ugu dambeysey ee loogeystey labadan haweeen ee jir dilka iyo dhaawacyada gabood falka ka baxsan bini aadanimada loogu geystey magaalada caynaba . sow maahan midey qeyb ka yihiin hay,addaha sheeganaya iney u doodaan xaquuqda bini aadamka ee reer somaliland .. Waxaa kaloon wax laga xumaado u aragnaa oo aanu ku cambaarewyneyna kuna dhaliilayna madaxda iyo masuuliyiinta sheeganaya iney masuul ka yihiin oo ay dowlad u yihiin muwaadiniinta beelaha gabooye ee ka mida shacabka reer somaliland sida ay uga seexdaan wax xil ahna aaney marnaba iska saariin ilaalinta xaquuqdooda iyo nabad gelyadooda tasoo ay cadeyn u tahey sida badheedhka maaliin cad haween aan waxba galabsan oo aan dambi ba laheyn maxkamad gudahood oo madax iyo masuuliyiin iyo ciidan boolisba joogaan iney niman hubeysani si sharci dari ah ay hortooda ugu afduubteen labadan haween ee beelaha gabooye ee loogeystey dhaawac iyo jirdilo ka baxsan bini aadanimada ilaa hadana ay haweenkasi la jiifaan dhakhtar dhaawacyadii loo geystey iyo jirliidkiiba ,ilaa iyo hadana wax ay ka qabteen aaney jiriin nimankii hubeysnaa ee falka waxashnimada u geytey haweenka beelaha gaboye wax sharciyana aan laga qaadiin nimankas xaataa ma jiraan hal qof oo laga soo xirey ,taasii waxey ku tuseysaa iney beelahan gabooye yihiin kuwo aan sharciga iyo nabadgalyada ay ku noolyihiin beelaha kale ee reer somaliland aaney iyagu waxba kaga laheyn ,oo ay yihiin beelaha gabooye kuwo aan sharciga iyo nabadaba aan xaquuq u laheyn sideynaba xaquuq ugu laheyn xaga siyaasada iyo maamulka dowladnimo ee ay uga madhaan yihiin waaxyaha dowlada .waana masiibo ayaan darii ku ah masuuliiyiinta iyo madaxda jsomaliland iyo hay,addaha amaanka ee jsomalilandba .. Waxaanu ugu dambeyn ugu baaqeynaa iney si deg deg ah madaxda iyo masuulyiinta somaliland ay si cadaalada iyo sinaana ay ariintas wax uga qabtaan una soo qab qabtaan nimankan eedeysinayaasha jir dilka iyo gabood falka arxan dariida ah u geystey labadan haween ee beelaha gabooye ,xabsigana ay u soo dhigaan una horkeenan sharciga ,, Ugu dambeeyntii waxaanu baaq deg-dega u direyna dhamaan beelaha gabooye ee reer somaliland ee ku sugaan gudaha somaliland iney si degdega uga jawaabaan ugana hadlaan dhacdadan una soo abaabulaan mudaaharaadyo ka dhaan ah dhacdooyinkan foosha xuun ee arxan darnida ah ee maaliin kasta loo geysto dadkooda, beelahooda gabooye qaar ka mida ,,waxaan kaloon baaq taas la mida u direyna dhaman qurba joogta beelaha gabooye iney si deg deg ah taageerid iyo gargaarba ugu soo deeqaan labadaas haween ee beelaha gabooye ee dhiban loona geystey dhaawacyada iyo waxyeeladaba ,sidoo kale waxanu baaq kale u direynaa dhaman qofkasta oo leeh damiir islaanimo ,mid bini aadanimo iyo mid dadnimaba iney ka hadlaan falalka foosha xuun ee loo geysanayo maaliin walba dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee reer somaliland.ugu dambeyntii somalilaneey waxanu kuu sheegeynaa inuu samirkii iyo dulqaadkiiba naga soo dhamaadey “Rag La Tumeybey Talo U Taalaaaa” wabilaahi towfiiq.. Wakiilka Qurba Joogta Beelaha Gabooye .. (Barkhad Xaaji Cabdi –MR Gaboye) |
Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-Buur)
Maamulaha Gubta.com






