Shariif Wax Ma ka Bedelayaa Shaxdii Hore Mise Wuxuu Noo Shidaya Ruwaayada Qaybteeda Labaad

Waxaa uu qoraalkaygani daba socdaa qoraal aan todobaadkii hore  qoray oo ku  soo baxay shabakadaha  af soomaaliga  lagu qoro oo ka hadlay ismaandhaafka iyo khilaafka madaxda soomaalida , iyo axsaabteeda oo mar walba laba u qaybsama .iyo in umada soomaaliyeed oo dhami daawadayaal yihiin  kuwo maamulaana ay yihiin madadaaliyayaan iyo metelaan

Meel uun ka wada yimid ,

Waxaa furan  su,aal  waxaa soomaalidii loo qaybiyay afar iyo badh  waxaa la yidhi laba  ka mida afartaas waxay xaq u leeyihiin madaxnimada laba xubnood ee ugu sareeyaa  tan sadexaadna xubinta sadexaad , tan afraadna waxba kuma laha  badhkuna  yaan la soo qaadin  xuquuq ma lahee.

Hadaba shariif ma waxuu soo magacaabi doonaa beesha  kursiga ka tagtay  nin ka mida mise waxuu magacaabi doonaa mid u dhaw oo ay isku dayr yihiin mise wuu bedeli doonaa kaartadii hore oo waxuu u magacaabi doonaa beesha afaraad ee ilaa iyo 1960 marka keliya heshay  xubinta labaad.

Haddii shariif wadadii shalay maro waxuu isaguna mari doonaa halkii uu maray cabdilaahii markuu nuur keenay, waxayna sheekadi ahaan doontaa tiro is le,eg iyo  ii qaybi oo qadi dadka kale noo qari oo qofna haw sheegin, qayli oo dad is qabsaday naga dhig        qorshuhu haw dhaxeeyo laba qolo.

Haddii uu wax ka bedelo waxaa suurta gal ah in xaalada wadankana isbedel ka yimaado

Oo  halkaas laga soo bilaabo cadaalada ka dib marka shariif waqtigu ka dhamaado la galo doorasho baarlaamaan  siduu ku yimid  shariif oo kale  madaxwaynuhuna  noqdo beesha  shanaad

Waxaa iman doona isbedel siyaasadeed iyo qabyaalada oo meeshaas ku dhamaata dalka oo nabadooba iyo bulshada oo ka baxda colaadaha doorasho cadaalada iyo asxaab sida ku timaada  anigaa reer hebel ah iyo waan xoraystayna iyo waan u soo halgamayna halkaa ku dhamaato bulshadu sinaan iyo cadaalad  ku noolaato.

Intasae labadaa qolo ee beesha afaraad iyo shanaad  xaqoodu maqan yahay ee sheekadu taagan tahay  mara taani iyo biis mar kale  dib uu magacoow waxay ku jiraysaa meesha ay maanta ku jirto wax isbedelana ma iman doono .

Waase loo wada joogaa , shariif iyo isbedelkiisa, iyo qaabka uu dhigo xaalada murugsan ee soomaaliya , ama waxay  ku dhamaanaysaa sheekaduu halkay kuwii hore ku dhamaadeen

Ama waxay noqon doontaa mid ka dhadhan duwanaata,  waxaan  dhawrnaaba waa dhawaqa shariif iyo ka dhursuga  doorashadiisa, iyo dhawrista dookhiisa, iyo dhismaha xukumaada cusub.

ilaamaa lixdankii iyo

ayaantaanu xorowney

iyagaa u qornaydoo

albaabkuun u tubnaaye

aragnoo amakaagnee

bal ayaantana dhawra

halkuu aado shariif

ama dookhu u raaco

asal waa lama doorshe

inuu eegtoo halkii iyo

inuu aag bedeshoo

aminkaa look ala jog

aynu eegno bulshooy

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com
 

gubtanews@yahoo.com

Cabdi-Bashiir Cilmi(Indha-Buur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 22 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in