Xildhibaanada fowdada ee dhaqanka caruurta dib jirka ah ( ciyaal Suuqa ) leh waxey bur buriyeen haybadii iyo sharaftii golaha baarlamaanka
Golaha baarlamaanka jamhuuriyada soomaaliya ugu horeyntiiba kuma dhismin rabitaanka shacabka sababtoo ah kuma iman qaab doorasho ah ee waxaa dhoo dhoobay 23 hogaamiye kooxeed oo sutiga u hayay shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Kenya sanadkii 2004,iyadoo 275 xubnood oo kalana heshiiskii D’ jibouti masraxa ku soo fuuleen sanadkii 2008.
Marka aad si dhab ugu fiirsato hab dhaqanka xubnaha baarlamaanka xiliyada ay shirarku socdaan waxaad arkeysaa in goobta uu shirku ka socda aaney waxba ka duwaneyn goobaha Qamaarka lagu ciyaaro ee Gangistarada iyo alkolistayaashu isugu yimaadaan, BUUQA, IS TUURYEYNTA, CAAYDA, FOORIDA,IS ULEYNTA, iyo waliba Maqal la’ aanta gudoonka shirka waxaa si cad kuugu soo ifbaxeysa in badi xubnaha baarlamaanka ee fowdada ay leeyihiin dhaqanka caruurta dib jirka ( CIYAAL SUUQA ).
Qaar badan oo xubnaha baarlamaanka ka mid ah waxey si deg deg ah ugu baahan yihiinin dhaqan celin lasoo mariyo si anshaxooda dib loogu soo dhiso,halka tiro kalana ay u mudan yihiin in la geeyo oo lagu hayo xarumaha dadka waalan ( MANACOMIO ) si dhimirkooda kala dhimin dib u bogsasho loogu soo sameeyo.
Bal kawaran shacabka dulman ee Soomaaliyeed ee masiibadu dhinac walbo kaga habsatay 21 – sanana dhexdabaalanaya in uu wax rajo ah kasugo gole sharci dejineed oo akhlibiyadiisu u badan yihiin magudbayaal heerkooda aqooneedka hooseeyo darajada eber , waxaa kaloo murugadeeda leh in125 xubnood oo huwan sharafta golaha baarlamaanka ay si toos ah ula shaqeeyaan cadowga dowlada kasoo horjeeda ALSHABAAB IYO XISBUL ISLAAM taas oo ku timid dowlada madaxweyne SHeekh SHariif oo garaafkeeda sirdoonku aad iyo aad u hooseeyo, wax muhiimadgaarahna aanba siin arimaha sirdoonka.
Marka daraasad aqooneed lagu sameeyo waxa kadhex socd wax badan khaldameen Qodobada dhaqan wanaaga ( ETHICS ) Dastuurka maba lagu soo darin kuwa dishibiliinkuna waa howl gab oo maba shaqeeyaan sidaa darteed nidaam wax kala hagideed maba uu jiro.
Wax badan iyo wax badan ayaa baarlamaanka ka khaldan bal u fiirso xubno aan xitaa hal maalin usoo xaadirin shirarka baarlamaanka oo aan wax talaabo ah laga qaadeyn, kuwo carqaladeyn iyo fowda oo kaliya kuraasta u soo fariista, qaar dacaayad qaran dumin ah iyo aflagaado shakhsiyeed oo aan loo aabe yeelin warbaahinta si joogta ah uga sii daaya iyadoo ujeedadoodu tahay ismuujin shakhsiyadeed iyo kuwa caadeystay in marka uu jeebkoodu martaba ay mooshin hunguri doon ah shirarka ku qasaan, dhacdooyinkaan ayaana muujinaya in golaha baarlamaanku kowka yahay waxyaabaha hortaagan in dowladan fadhiidka ahi dhaqaaqdo,
Madaxweyne SHeekh SHaiif hadii uu doonayo in uu wax ka qabto xaalada dalka waa in uu ugu horeyn soo fara geliyaa golaha baarlamaan si dhibaatada haatan taagan ugu yaraan waxlooga badelo,waana lama huraan in lakala shaandheeyo xubnaha isku dhex milan si taa loogu guuleystana waa in dib loo dhaqan geliyaa qodobadawaxkala saaraya.
marka xaalada baarlamaanka si mug leh loo derso waxaa muuqaneysa in ay lama huraan tahay in xubnaha baarlamaanku u baahan seminaaro deg deg ah oo wacyi gelineed korna loogu qaadayo aqoontooda si ay u fahmaan in ay ku dhex jiraan dhowr KM oo lagu hareereysan yahay difaac adagna ay kaga jiraan ciidamo ajnabi ah,waxaanse gaba gabadii leeyahay XUBNAHA FOWDADA EE DHAQANKA CARUURTA DIB JIRKA AH LEH WAA AY BUR BURIYEEN HAYBADII IYI SHARAFTII BAARLAMAANKA.
Qalinkii qoraa sare.
Muse mohamed Osman
muusekiimiko@gmail.com
muusekiimiko99@hotmail.com
Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-Buur)
Maamulaha Gubta.com






