DHismaha maamul goboleedka waax iyo Waadi Waa la yeeriyay lamase sixin

  wax walbo oo asaas wanaagsan, daacadnimo iyo wadajir lagu bilaabo waa lahubaa in kamira dhalintooda waqtiba ha qaadatee ugu dambeyn lagu guuleysanayo, u istaagida in dib boorka looga jafo istaraatijiyada luntay ee siyaasada beesha mudulood waa arin muhiim ah oo u baahan jaangoyn ku dhisan maskax urursan, caqli fayow iyo aragti mideysan. In dad yar wax bilaabaan dhibaato malaha, waxaase nasiib daro inteeda la’ eg noqoneysa in ay iyaga oo qura isku soo koobaan wax dad kala dhaxeeya,halkii ay u gudbi lahaayeen in ay helaan saanqaad dhameys tiran oo ku haga ku xirmida bulshada inteeda wax galka ah ee ka dhabeyn kara hadafka la hiigsanayo. Ururkii S.Y.L waxaa dhidibada u taagay 13 dhalinyaro geesiyaal ah oo ku mideysnaa hamigooda oo idilna isugu geeyay in gumeystayaasha  laga saaro dalka soomaaliya, waxeyna dhalintaasi ogaayeen in aaney 13 qof dal xoreyn karin sidaa darteed waxey dadaal xoog leh u galeen in wax kasbadaan aragtidoodana ka gadaan shacabka Soomaaliyeed si loo helo isku duubni iyo afkaar mideysan oo asaas adag u noqda halgankii gobonimo doonka ugu dambeyntiina waa ay guuleysteen. In la dhiso maamul goboleedka waax iyo waadi ee beesha mudulood waa wax muhiim ah oo loo baahan yahay hadii si dhab ah loogu guuleystana noqonaya taariikh dhaxalgal ah,waxaase ka horeeya in wado wanaagsan loo maro si rajada ifeysa aaney u kala dhantaalmin, cid kastana waa in ay ku khasbanaataa buuxinta kaalinteeda. Koox kasta oo u istaagta wanaag waa in la taageeraa ,dhinaca kale wey mudan yihiin in loo hambalyeeyo shakhsiyaadka u istaagay abaabulka arintaan, waxaase iyaga la gudboon in uusan qorshahoodu noqon mid hiyi kac ku dhisan, waana in ay geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaan sidii la’ isugu keeni lahaa wax tarka nadiifka ee ay ka go’ an tahay in beesha mudulood laga samata bixiyo xaalada qalafsan ee jaha wareerka iyo kala daadsanaanta u horseeday. Maamuk goboleedka waax iyo waadi waa in uu noqdaa mid dhidibo adag ku taagan, dhismahiisana ilbaxnimo lagu saleeyay lana saan qaadi kara maamulada guuleystay ee qarnigan 21 – aad, taa gaarideedana waxaa saldhig u ah in qof kasta oo mudulood ah oo fikir iyo talo wanaagsan haya la dhageysto lana tixgeliyo. Waxaa jirta oraah duugowday oo Germany ah oo dhaheysa ma tixgelineyno dadka iyo danahooda ilaa ay inaga tixgeliyaan, taas oo aan lasaan qaadi karin waqtiga casriga ah ee xadaarada iyo is tixgelinta ku dhisan, waxaana la gudboon shakhsiyaadka isku magacaabay gudiga abaabulka maamul goboleedka waax iyo waadi in ay muhiimada ugu isugu geeyaan texgelinta iyo u dheg raaricinta talooyinka ku saleysan dhaliisha toosinta ku dhisan. TABAN TAABADEY LABO GACMOOD TABAR KU YEESHAANE
TISKA WAXAA LAQAADAA MARKEY TIIRISAA BIDIXE
HADEY MIDIGTU KALI TAAGAN TAHAY TAHAR MA GOYSEENE. ujeedada aan tixdan usoo qaatayna waa in aan  u cadeeyo in shakhsiyaadka tirada yar in dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi si dhab ah ugu baahan yahay in loo dad badsado si wadajir ahna loogu wada guntado.  Wax badan iyo wax badan ayey shakhsiyaad tiro yar oo daneystayaal ahi diban daabyo u geysteen beesha mudulood waxaana weli si xanuun leh u dareemeynaa raadkii xumaa ee ay reebeen magudbayaashii 20 – kii sano ee lasoo dhaafay horboodayay siyaasada beesha ee fashilka iyo guul darada baday. Ujeedada qoraalkeygu ma  aha cadaawad gaar ah iyo maxkamadeyn toona ee waa in aan helnaa  hab iyo nidaam ka duwan kii 20- kii sano ee aan soo dhaafnay, waana taageersanahay dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi oo ku yimaada qaab mideysan oo lagu wada qancin karo beesha mudulood helina kara kara taageeradooda ,waanse diidanahay in aragti gaaban wax lagu dhoodhoobo bulshadana lagu indha sarcaadiyo dano shakhsiyadeed oo ujeedo gaar ah xambaarsan waxaana gaba gabadii leeyahay DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDKA WAAX IYO WAADI WAA LA YEERIYAY LAMASE SIXIN.

Qalinkii Qoraa sare. Muse mohamed osman muusekiimiko@gmail.com muusekiimiko99@hotmail.com   gubtanews@yahoo.com

Cabdi-Bashiir Cilmi ( Indha-Buur) Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 16 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in