Xiriir Jinsiyadeedka Soomaalida iyo Dhaqamadooda
Sida ku xusan kutubta taariikheed ee ay qoreen culumada aqoonta dheer u leh isirada aadanaha, gaar ahaan Geeska Afrika, waxay caddeynayaan in Soomaalidu isugu jiraan cunsurrada kala ah, BAANTU, GAALLA/KUSHITIK, IYO CARAB.
a) Bantu oo ah dadka loogu yimid dhulka Geeska Afrika(The Aborigines) waa dadka manta ku nool agagaarka labada webi Jubba iyo Shabelle iyo daafahiisa.
b) Gaalla/Kushitig oo ah cunsurka ay inta badan ka soo jeedaan Soomaalida aan Baantuga aheyn ee ku nool dhulka daaqsinka ah
c) Carab iyo Bershiyaan oo ah cunsurka ay ka soo jeedaan dadka loo yaqaan Gibil-cadka iyo kuwa kale kuwaas oo dega dhulka xeebta ah.
Inkastoo kutubta qaar ay sheegayaan in ay jiraan cunsuro cibraaniyiin (Yuhuud) ah, ha yeeshee taasi taariikh sugan looma hayo.
Haddaba arrimaha kor ku xusan iyo kuwa kalaba waxay caddeynayaan in Soomaalidu kala jinsi tahay, hase yeeshee ku midoobeen dalka iyo diinta Islaamka, sidoo kale isla noolaasho (derisnimo) taariikh fog leh, taasi waxay keentay in Soomaalidu inta badan ka midoobaan luqadaha, iyo dhaqamada qaarkood, inkastoo ay jiraan lahjado kalagedisan iyo luqado kale oo ay ku hadlaan Soomaalida qaarkood, tusaale ; Lahjadaha waxaa ka mid ah; Maaymaayda, tunida, Jiidada, Luuqadaha waxaa ka mid ah Shambarada, Mashuungulida, Garaha, Reer-Barawaha, Baajuunta, iyo Carabiga.
Xagga dhaqanka waxaa horay loo faafiyey inay Soomaalida leedahay hal dhaqan oo kaliya, hase yeeshee dhab ahaantii markaad sii guda geshid waxaad ogaanaysaa in Soomaalida ay leedahay dhaqamo iyo hiddo kala duwan, waxaase ugu muhiimsan afar qeybood oo midba midka kale xiriiri xagga nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo deegaankuba la leh, dhaqamadaasi oo kale ah:
- Dhaqanka Beeraleyda iyo Farsamada
- Dhaqanka Xoolo dhaqatada
- Dhaqanka Ganacsatada iyo Kaluumeysiga
- Dhaqanka Isku jirka Beeraley iyo Xoolo dhaqato.
Waxaa nasiib darro ah iyadoo ay jiraan noocyadaasi faraha badan ee dhaqan dhaqaale oo ay Soomaalidu leedahay, ahna kuwa lagu faani karo, in layka daayo, oo kaliya laga soo qaato, ama lagu soo kobo hal dhaqan oo kaliya, kaas oo ah (Xoolo dhaqato).
Aragtidaan oo ah mid khaldan, ayaa waxay is hortaagtay, ama hakisay faafidda iyo barashada dhaqamada kale ee Soomaaliyeed, sidoo kale waxay marin habaabisay xaqiiqda taariikheed ay ummada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Qowmiyadda Baantuuga ee dega Labada webi iyo daafaheeda, taasi oo furo u ah asalka taariikhda Geeska Afrika.
Haddaba waxaa isweydiin leh, maxaa fududeeyey dhaqanka xoolodhaqatada kaliya, kana dhigay midka ugu muhiimsan ee ka muuqda masraxyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo mujtamacaba?!!!
Waxaa arintaasi loo aanayn karaa sababaha ay ka midka yihiin kuwa soo socda:
- Qorayaashii wax ka qoray dhaqamada iyo taariikhda geyiga Soomaaliyeed oo u badnaa rag ka tirsan ama xiriir sokeeye la lahaa Maxmiyadihii Carbeed ee xukumi jiray xeebaha Geeska Afrika, kuwaas oo xiriir gaar ahaaneed la lahaa bulshada Xoolo-dhaqatada, maadaama isir ahaan marka laga eego ay daaqsatadu sheegtaan inay Carab ka soo jeedaan.
- Markii la qaatay gobanimada, Dowladahii dhashay maamulkoodii ay hogganka u qabteen rag u dhashay bulashada Xoolo-dhaqatada, kuwaasi oo dhammaan qoraladii la xiriiray dhaqanka , hiddaha iyo manaahijta waxbarashada ku saleeyey ama ku soo koobay dhaqanka Xoolaleyda oo kaliya.
- Horumarinta qorista Afka-Soomaaliga oo saldhig looga dhigay lahjadaha waqooyi, taasi oo fududeeysay barashada iyo faafidda suugaanta, dhaqanka, iyo hiddaha bulshooyinka Xoolo-dhaqatada, halka dhaqamada iyo suugaanta beeralayda laga dhigay wax aan qiimo laheyn.
Sababahaasi aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo fara badan waxay caddeynayaan in dhaqamada Soomaalida lagu been abuurtay, taariikhda iyo kutubada lagu qorayna lagu sheegay in Soomaalidu leedahay hal nooc oo dhaqan ah kaliya, isla markaana wadaagaan hal sinji oo kaliya, taas oo weliba lagu qoray Tastuurka Soomaalida ee xiliyadii aan soo dhaafnay, iyadoo maamuladaan cusubna ay weli tixraacayaan, been abuurkaasi lagu qoray Tastuurka lagu dulmay Soomaalida inteeda kale.
Waa arrin meel kadhac ku ah xuquuqda iyo xurriyadda dhaqamada kale ee Soomaalida, maadaama shuruucda dalka uu saldhig u yahay Tastuurka, sidaas daraadeed waxaa loo baahanyahay in la xaqiijiyo wixii hadda ka danbeeya xaqiiqda taariikhda, jinsiyadaha, iyo dhaqammada Soomaaliyeed, taasi oo lid ku ah Diinta Islaamka iyo xeeraraka Caalamiga intaba.
Waxaa diyaariyey;
Ibrahim Mohamed Abdi(Ibrahim Akuja)
jiimo@hotmail.com
Cabdi-Bashiir Cilmi(Indha-Buur)
Maamulaha Gubta.com







