Baaq iyo talo ku wajahan dhamaan ummadda Soomaaliyeed

asc, waa idin salaamay dhamaantiin meel kastoo aad joogtaan,

 walaalyaal waxaan ka xumahay masiibada dalkeena iyo dadkeena ku habsatay, waana ogahay in qof kasta oo damiir soomalinimo ku jirto inuusan u dulqaadan karin waxa dalkeena ka taagan.
 
Wax kalena ma ahee waxaa masiibo loosoo diray ah oo inay umada dabar gooyaan shaqo ka dhigtay waa kuwa al-qaacidada ah ee shabaab iyo xisbiga, waxaa la yiraahda xariir ayaay la leeyihiin al-qaacida ma ahaan in sidaas la yiraahdo waa in la yiraahdaa waa ka tirsan yihiin warku isma saarna ee waa in siday tahay loo dhahaa, kuwaas waa cadowgii dalkooda, dadkooda diintooda, iyo dagaankooda, qof intaas isku darsadayna waxaa kuu roon inuu kaa dhinto, wax rajo ahna ma leh dadkaas ayaga ah waa aan kala garan waayaay in sixir maskaxda ka haysto oo loowada maleegay iyo in daraag la siiyaay, sabaabtoo ah dadka intaas tira le,eg maxaa isku hadal, isku caqli, isku alla ka cabsi la,aan ka dhigay, laaxoowla walaa quwatu waan yaaaaabnay, dad sooman aa inta gaalo lagu sheego oo la xasuuqo la leeyahay janaan ku galaynaa,

Maxaa sababay inay maslaxa kasta diidan? maxaa sabaabay in wax kasta oo diinteenu madnuucday inay ku dhaqmaan? maxaa  sababay inay dadkooda arxan dari u laayaan?? maxaa sababay inay intaan ayaga raacin gaalo ku sheegan oo dil ku xukumaan? maxaa sababay inay dhaqankoodi ka tagaan oo dhaqomo guran uu qaateen? maxaa sabaabay inay codow arxan daran oo gabaad doon ah inay dalka iyo dadka gacanta u galiyaan oo ayaguna ka amar qaataan?  inataas iyo inka badan oo lala argagaxay ama aan aduunka ka dhicin oo lagu arkay qoonkaas ma is waydiiseen somaliyeey?

Waxyaahaba ilaahay madnuucay waxaa ka mid ah inaadan qof muslim ah  diinta ka saarin, waa in aadan naftaada goynin, waa inaadan naf kale oo wax kuu dhimin goyn, jawaabtu waa iska cadahay inaan dadkas maskaxda laga dhaqay oo dad shisheeye ah dalka kusoo duulay dantooda ma ahee dan kale aqoon tooda iyo mid somaliyeed ba, mana fiirinayaan mustaqbilkoda mid aduun iyo mid aaqiro.

Walaalyaal dadka sidaas yeelayah oo rajo beelka ah anigu ma qabo in waxwada hadal ah lala galo waa dad shisheeye u adeega oo adiga kaa jecel kuwa ay dabada ku wataan oo shiico iyo yuhuud wax ay yihiin ma aqaane.

Maxaan umada somaliyeed meel kastoo ay joogta ugu baaqayaa in loo istaago midnimo iyo bad-baadada dadka, dalka, iyo diinta. walaalyaal waa in dadka  la fahan siiyaa in dagaalka dalka ka jiraa  u dhaxeeyo soomaali oo meel ah iyo cadow shesheeye iyo calooshood u shaqaysta yaal maqaarka soomaali ka ah laakin maskada iyo caqliga kala mid ah cadogaas arxanka daran oo qaraxa iyo gowraca umada ku halaagay, ilaahay indankiis halaagu ayagu ku danbayn doona, waayo inta ay qaxdro galeen ilaahay waa u xisaabsan-tahay. walaalyaal yaan dhag jalaq loo siin quraafaadkooda, hadafkoodu waa inay dadka dhan ka dhigaan argagixiso danbilayaal ah.
 
Kuwaas hadafka waalan ogaada inaysan dagaalka galin, xoolo ay leeyihiina kuma baxo, wiil ay dhaleena dagaalka uma dhinto,, xoolaha lagu dagaal galo somali ayaa looga qaada xoog iyo xeelad, willka gashanka u ah ama u dagalamaaya waa soomali qasab ama quraafad lagusoo watay, waxa uu weraarka ku yahayna waa dadkisi.
 
Sidee somaliyaay waaba dhiig badnaan jirteena u aqbasheen taas? runtii mid damiirku aqbali karo ma ahaan.  iska ilaawa wax dhaxdiina ah, soomaali waana dagaasha waana hishiisaa waana soo dhawaatay walaalimo buuxda ee somalinimo mar hadii laga gudbay qabiil qabiilki oo inuu qalad yahay la fahmay, taas waa ale mahadiis.

Gabagabdii waxaan ku talinaa in loo istaago midnimo oo loo midoobo cadowga gacanta loo galay dalka iyo dibada, banaanbaxyo ha la abaabulo oo dowladaha caalamka aan u cabano inay wax ka badbadshaan dadkeena iyo dalkeena, aan dowlada iyo ahlusuna ku caawino dhaqaale ay halganka kusii bilaaban yaana loo kala harin ayagan  cadaalad u adeegan oo iska qabtaan dadka maskaxda laga badalay oo ku dhaxjira dowlada, culumduna kaalintooda ha ka qaataan meel ay aduunka ka jooganba oo ha ku dhawaaqan xaqa  in dadkas aan kor kusoo sheegay tacadiyada diinta ka baxsan ee ay gaysteen waa inay fadwo kasoo saaran in dilkoodu xaq yahay iyo in kale, culumada ahlusuna horay ayaay u sheegen in jahaadki lala galaa qax yahay, waxaan kaloo walaalyaal idin farayaa in masaajidada iyo labadii meel ku wada tukata ay u duceeyaan umada somaliyeed ee masuubadu ku habsatay in ilahay naga dulqaado colaada iyo dhagarta oo nasri nabadeed ilahay soo dajiyo, sujuuda markasta ha loogu duceeyo dadka iyo dalka, midnimo iyo qaran lagu diirsado ayaan soomaaliweyn u rajeeyaay, waa bilaahi toowfiiq

sahro samajecel
wadani22@hotmail.co.u

Posted by gubta on Sep 15 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in