Reer Udub waxaan kula talin lahaa udub wey ku deysee Ucid ku fayla

Waxaan salamaaya dadka reer Somaliland inta jecel nabada dimuquraadiyada, iyo  walaalnimada.
Dadka reer Somaliland ee jecel nabada iyo kala danbeynta, dadka reer Somaliland ee hidaha iyo dhaqanka u leh wada tashiga iyo isu tanaasulida,dadka reer Somaliland ee neceb dulmiga waxaan kula talinaya maanta in aad uga feejignaatan in qun yar la daadiyo wixii aad labaatanka sano dhadhabeyseen.  

Hareeraha aduunka dabaa ka holcaya, maanta lama joogo maalinti Qabyalaad iyo Qabiil la isku xiniinyo taaban lahaa, lama joogo maalintii la dooran lahaa nin beri hore la doortey, oo aan wax dhaxal gala ka tagin, lama joogo maalintii nin 10 sano shukaanta hayey, dib loogu celin lahaa. Waxaa la jooga maalintii weji cusub la keeni lahaa, maalinti change la sameyn lahaa ee la odhan lahaa colka wadhaf ma lagu dayey. YES WE CAN. Maanta ku dhac baa la rabaa iyo in laga beydho inadeerka hadii uu adiga dahab kuu yahey dadka kela maar la ah.
Cadli baa wax doojee
Wax kale rag deeqo
Dadka laga eed baxo
Nin u dooney heli waa.

Waxaa la yidhi beribaa wiil iyo gabadhi guur ku heshiiyeen. Gabadhii waxey wiilkii ku tidhi ”Waar caawa fiidka ayaan kuu soo baxaya geedkii halkaa ku yaaley hoostiisa igu sug”. Gabadhii arintii wey ka qasantey oo buulkii yaraa ee ay seexan jirtey ayaa dhalintii reerka oo dhami u soo sheeko tageen, ninkiina Geedkii ayuu ku hoos casaadey. Waa nin jaceyl gubayee xagii Buulkii yartu joogtey ayuu isku soo qaadey. Ogaa oo maqal in gabdhii lagu ururey oo buulkeedii rag iyo dumar la ciirayo. Wuxuu go`aansadey inuu gabadha u sheego iney ku raagtey. Dhegad ama ul ayuu ka dusiyey halkii iyada ku beeganeyd waanu ku gujiyey.
Gabadhii waxey ogaatey in ninkii ay la balantey uu buulka debadiisa taagan yahey, arinti jiq bey noqtey ma dhici karto iney qun yar baxdo oo ay raacdo, oo dee walaaladeed iyo ilaamdaradeed oo la jooga ayaan la dhaafeynin. Dhanka kale wey ogtey in xitaa aanu ninku waxba cunin oo gaajo hayso. Waxey ka fikirtey sidii ay ninka wax ugu sheegi laheyd.

Waxaaney dhalanyardii la joogtey ka dhex bilowdey sheeko halaasi ah waxaaney tidhi.
”Beribaa wiil iyo gabadhi guur ku heshiyeen, gabadhii ayaa ninkii geed hoostii kula balantey, nasiib darose dhalinyaradii reerka ayaa buulkii gabadha u soo caweys tagtey, dabeed gabdhii wey bixi kari weyday. Ninkii oo raagsadey ayaa soo cararey oo ul ka soo dusiyey buulkii gabadhina kelidana kaga gujiyey. Gabadhii oo garatey in ninkii soo badheedhay, ayaa ninkii la hadashey waxaaney ku tidhi” ”Wiilka dibada taaganow Ma hunguri ku hay, mise hamadi ku wadey, mise Hedi ku weyday. Hadii uu hunguri ku hayo dhiilka caanaha ah ee geedka sidaasa ee halkaa ku yaala ku hoos jira orod oo la bax oo dhan. Hadii ay hamadi ku wadana markey dadku kala dareeran ayaan kuu soo baxaya halkii aynu ku balaney igu sug. Hadii ay Hedi ku wado oo saacadu ka dhantaheyna dee buulka daba taagnow inamadayadu ha ku dilaane. Garo oo barbarkii halkii ayuu ka huleelay caanihii dhan geedkii jaceylkana gabadhii ku sug.

Imika waxaan leeyay reer Somalilandow. Ma hunguri idin wed, mise hedi idin wadey mise hami iyo dawladnimo rabte. Hadii uu hunguri idin hayo UDUB taa lacagtii dalka urursatey u codeeya. Hadii hediinii gashey oo aad aad rabtaan, gacal iyo sokeeya isnacana dee iska doorta KULMIYAHA ay isugu tageen ragii caanka ku ahaa muranka iyo is qabsiga. Weliba is qabsiga maanta la isku marmaa noqon maayo beel hebel baa Somaliland diida iyo reer Qudhac baa Fedraala arintu waxey noqoneysaa Al-shabaab iyo is qarxinteedaay. Hadii aad rabtaan wadan dhisan oo aqoon iyo islaaminimo lagu hagana doorta nimankaa reer UCID  ee aaney meelaba faro denbi ka oolin.

Bal u fiirso Ficilka UDIB iyo KULMIYE. Waxey lacag ku campain gareynayaan hal xaarani nirig xalaala ma dhasho xageey ka keenaan waxan oo lacaga mey ogaamaha u qeybiyaan iyo danyarta dibadaha jiifsata.

Khaastan dadka UDUB taaagera ee KULMIYE ka shakisan waxaan kula talin lahaa in aad dabeysha siyaasada la socotaan oo UDUB wey tageysaa waa hubaale aad codkiina UCID siisaan si aad uga nabad gashaan Suunaamida KULMIYE.
Alla mahad leh

Osman Omar Dool
Oslo Norway

gubtanews@yahoo.com         

Cabdi-Bashiir Cilmi (IndhaBuur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 14 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in