Qurba Joogta Toljecle Waxay ku Boorinayaan

Madexweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Madexweyne waxaanu ugu baaqaynaa in uu si xishmad iyo karaamo ku jirto u dhagaysto tabashada beesha Ahmed Sheikh Isaq Toljecle, una fuliyo balamihii u la galay wakhtigii ololaha doorashada,Madexweyne Siilaanyo waxaa aad ololaha doorashada si toosa ugu gashay balan qaadyo aad u qaaday beesha oo si toosa oo aan gabasho lahayn kugu taageertay guusha aad maanta hantiday, taaso geeska kale ku kala fogaadeen dhinacyadii ay wakhtigaaa doorashada laysku hayey.

Madexweyne waxaan mar walba hiil iyo hooba la garab taaganahay xukumada cusub ee aad soo dhistay taaso aad ku tilmaantay in ay tahay mid kooban oo tayo leh waana wax Somaliland u ayi doonto, hadana waxaa aad ogsoonataa in beesha Toljecle haldoorkeedii meesha aad uga tagtay oo aanad waxba ka soo qaadin, taasi waxay meel ka dhac ku tahay siyaasadii aad horeba ugu qaybisay golihii dhexe ee Kulmiye, waxay baal marsan tahay habka beelaysan ee aad iskugu dheeli tirtay beelaha Somaliland oo aanad saamigii aanu lahayn aanad naga siin, waxay xaqdaro ku tahay Dastuurka Somaliland ee aad u dhaaratay sidoo kale waxay lidi ku tahay hadalkii sida weyn loogu dhag taagay ee ahaa in aad Somaliland ku maamuuli doonto cadli, Waxayna Madexweynaha ku noqon doonta in uu ku balan furay wacad adag oo uu la galay mid ka mida beelihii ugu mudnaa wakhtigii Ololaha.

Hadii aanu nahay qurba jooga  Beesha Toljecle waxaanu taageersanahay Baaqii Suldaanka guud ee beesha Toljecle Suldaan Ahmed Daahir Muse, Cuuqasha, Wax garadka, Culumaa Uu Diinka Iyo Dhalinyaraduba ay ka soo saareen saluuga ay ka muujiyeen xukumada cusub iyo sida aan sadkoodu waxba looga siin. Waxaanu leenahay Madexweynaha cusub ha kala daayo in uu dhisay Xukumad Tayo Leh iyo in uu Ka Tago Dad Tayo leh. Hana qadariyo doonista beel ka mida beelaha oo doonaysa wax ay xaq u leedahay oo loogu balan qaaday.

Gudoomiyaha Qurba Joogta Beesha Ahmed Sheikh Isaq

Ahmed Ali Khayre
Sweden
axmedkhayraad@hotmail.com

gubtanews@yahoo.com         

Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-Buur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 14 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in