Beelweynta Mudulood iyo Khayaanada dastuurka Jabuuti

Baaq: Beelweynta Mudulood iyo Khayaanada dastuurka Jabuuti; Maxaa kala Heysta.
Maba dhalane dhowrteysan ogaa?

Tuur Tuurankiina Waa Dayaaye Mar Tuugo Weydiin Talee:

 Shir ay isugu yimaadeen gudiga abaabulka Maamul goboleedka Waax iyo Waadi, oo jawaab ka bixiyey Dastuur ku sheega huwan khayaanada  ee lagu boobaayo deegaanka hodanka ah ee ay degaan Beelweynta Mudulood ee Waax Iyo Waadi.

Ka dib markii uu arkay Gudiga Abaabulka Maamul Goboleedka Waax iyo Waadi Dastuur ku sheega ay dhoodhoobayaan kuwa isku magacaabay iney dalka soomaaliya dastuur u qorayaan, si gaar ahina gudiga isha ula raacay waxyaabaha ay ku hadaaqeen kuwaasi oo ay ka sheegeen deegaanka beesha in uu yahay mid dadka oo dhan u dhexeeya.
Kadiba markii uu si taxadir leh u fiiriyey gudiga abaabulka Waax iyo Waadi in Gobolka banaadir maamulkiisa uu isu taagi karo cid kasta oo ka timid inta u dhaxaysa Raas kambooni iyo raas caseyr.

Intaasi ka dib Wuxuu Gudiga Abaabulka Waax Iyo Waadi u arkaa hadalkaasi ka soo yeeray kuwa aan taariikhda iyo sharcigaba waxba ka aqoonin iney tahay Teydana anigaa leh Taadana Kula lihi. Waxa kale oo aan xusuusinayaa wax ma gartayaasha isku sheegay iney sharciga wax ka yaqaanaan iyo kuwa isugu keenay ee kharashka loogu tala galay masaakiinta soomaaliya oo dhan ku tabaaleysan hoteelada ku jiifa ee UNDP in Soomaaliya oo dhan ay soomaalidu leedahay ee aysan Muqdisho oo keliya aysan Soomaalida ka dhaxayn, Waxaana xusid mudan in gobol waliba laga tixgeliyo dadka iyagu deegaan ahaan iska leh Maamulna iyagu u sameystaan, hadiise boob kula lihi wax lagu helaayo waxaa xusid mudan in wax lagu waayey 20kii sano ee ugu dambeeyey qori iyo siyaasado guran wax lagu waayeylaguna hanan waayay la haanshaha gobolka banaadir, ee waraaqo iyo UNDP oo laga shaqeeyo aysan keeni karin in dhul dad leeyahay lagu boobo.

Waax weyn iyo waadi oow degyaa ismana waayo wiil Mudulood:

Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada jabuuti ee aan walaalaha nahay in aan khayaano qowmiyad jirta  lagu boobayo dhulkeeda aan dadlkeeda lagu dhoodhoobin taasina ayasan raali ka noqon dowlada iyo shacabka jabuuti ee aan walaalaha nahay. Soomaaliduna ay u sinaato oo aysan garab noqonin.

Waxaan ugu Baaqaeynaa Ururada aan dowliga ahayn ee qaramada midoobay, European Union, Ururka Islaamka, Ururka Midowga Africa, Jaamacada Carabta iyo Dowlada mareykanka iney ka fogaadaan boobka iyo khiyaanada laga gelaayo dastuurka Soomaaliyeed ee lagu boobaayo dhulka Beelweynta Mudulood. Sharcigana loo sinaado.

Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Midnimada Qaran iney jawaab degdeg ahi ka soo saartaa qodobada aan sare ku soo xusnay ee lagu khiyaameynaayo beelweynta mudulood, Waxaana u cadeyneynaa Dowlada Midnimada Qaran ineysan noo cuntamin in la yiraahdo dowladu waa federaal ee cid waliba hasoo dhisato gobolkeeda iyo deegaankeeda iyadoo deegaankeeniina ay shuruuc u sameysanayaan inuu dadka u dhexeeyo taasina jawaabteeda waxaa looga fadhiyaa ugu horey Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane: Sheekh Shariif Sheekh Axmed,  Ra’isalwasaarihiisa iyo waliba gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaan ugu baaqeynaa Gudoomiyaha Maamul goboleedka Puntland iyo inta ka soo jeeda Deegaanka Puntland iney iska iloobaan riyada ah iney Muqdisho Wadaag tahay, Waxaana ogsoonahay in gudoomiyaha Puntland uu tegey Jabuuti kuna hadaaqay hortooda kuwa isku sheegay iney Soomaaliya Dastuur u sameynayaan in Muqdisho ay tahay Meel shirka ah balse Waa deegaan dadkii lahaa ay isha ku hayaan, Dhaqdhaqaayada iyo hadalada guracan ee faroole, iyo waliba kuwa ka dhegeysanaya hadalkaasi foosha xun waxaana dhamaantiin idin xusuusinayaa in muqdisho ay ahaan jirtay goofaf dad Mudulood ahi leeyihiin loogana qaaday badankood dadnta guud oo qaarkooda laga dhisay Jaamacado, iskoolo, Isbitaalo iyo xafiisyo dowladeed Marka farooloow waxaan kuu sheegeynaa in goof nin leeyahay aad tiraahdo maanta aniga ayaa kula leh. Faroole Waa karyaa Garoowe Waa caasimad Deegaan Qabii,l Banaadirna Waa Deegaan Dadka wada leeyihiin ee farooloow Jawaabtteeda keen?

Dhul Ninkiisii Baa iska leh!
Waxaan ugu baaqeynaa Dhamaan Beesha Mudulood Gudaha iyo dibadaba qeybahooda kala duwan ee kala ah Oday dhaqameedyada oo uu ugu horeeyo Hogaanka ugu Sareeya Beesha Mudulood Imaam Maxamud Imaam Cumar, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culimaa’udiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka in laga dhiiidhiyo si wada jir ah khayaanada lalal damacsan yahay dhulkeena ee maanta lagu qeybsanayo miisaska caalamka, iyadoo aan ognahay in aysan naga aqoon badneyn, dhaqaale iyo siyaasadba dadyowga isku dayaya, Waxaana og tihiin in Goofkii abkowgaa maanta miiska wada hadalka saaran yahay, Waxaad og tihiin in 20 sano lagu hanan waayey qori iyo isbahaysiyo, balse maanta aan u fadhino in lagu hanan rabo lana haweystay in Qalin lagu hanto. Ee madaawanaa?
Ma waxaan sameynaa inaan iska maqalno oo dhegeysano fadhi ku diriradana kaga sheekeyno mise inaan wax qabad muuqda ka qabano oo aan talaabo ku aadan ka qaadno cida iyadu haweysaneysa dhulkeena iney khiyaano ku qaadato. MUDULOOD Kaca oo toosa waad Qalibanteene?

Su’aashaasi jawaabteeda waxaa looga fadhiyaa dhamaan beesha Mudulood yar iyo weyn Rag iyo Dumarba.

Shirib ku saabsan midnimo la aanta beesha mudulood.
hadii ad kala  haajirteen             himaladiinu waa halkee?
inleeydinsoo hujuumayoo leeydiin heshiiyay ma heshiin?
 
inleeydin kala haatiyoo  halba hal diiday ma heshiin?
 
inaad haldoona heeysatiin ookala hereeyna ma heshiin?
 
hashiini hilibkeediyaa haadu cunee minaad heshiin
 
heeydin halsiibo hororkaaniskuna heeysta haan biyaa.

Gudiga Qabanqaabada Waax iyo  Waadi

Jawaahir Baarqab
DR Xuseen Sh Cali Tuure
Kamaal Xassan Culusow
Saciido Axmad Weyne
Cabdullaahi Cumar Cadow Fol dheere
Hassan Abdi Risaaq Police
Hassan Qaasim Hassan
Sacdiyo saciid maxamed

Cabdullahi Xassan Mahamad (Wiish)
Axmad Geedow Xassan
Cabdul Qaadir Maxamad Xuseen
Faarax Maxamad Cosoble ( Farax Shop)
Qeeys Hurdaaye
Saciido Sheekh Xassan  (Saciido Dheer)
 Saciido Cilimi Xassan
Caasho Cumar Sheekh. (caasha wiilo)
MaryanAxmadeyHadaafow                                                                                           


Wa Billaahi Towfiiq:

CONTACT:
Abdullahi Fooldheere
Birmingham U K
fooldheere@hotmail.com

gubtanews@yahoo.com         

Cabdi-Bashiir Cilmi (IndhaBuur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 14 2010. Filed under Opinions. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in