Dhismaha maamul goboleedka Waax iyo Waadi laab lakac ku dhisan riyo maalmeed dhalanteed ah
Wax walbo oo ku bilowda dadaal daacadnimo ku dhisan waa lagu guuleystaa, wuxuuna gunaanadkoodu noqdaa in si dhab ah looga gar gaaro hadafkii kama dambeysta ahaa ee la hiigsanayay, shakhsiyaad tiro yar oo 3 ilaa 4 xubnood ah in ay qaab owrkacsi NGO ku dhisan u huwadaan magaca beel Soomaaliyeed oo macag iyo maamuusba leh waxey noqoneysaa wax lala anfariiro, waana mid kamid ah raadadka daciifnimada ku dhisan ee soo kordhay 20 – kii sano ee lasoo dhaafay.
Talaabo kasta oo la qaadayo waxey u baahan tahay in gunta hoose laga soo unko,in dhismaha guriga saqafka sare laga bilaabo waa wax aan soconeyn caqliqa saliimka ahna ka daadegeyn sidaa darteed ma haboona in watiga khaaliga ah lagu lumiyo wax ceeb iyo fashil gaba gabadoodu ku dambeyn doonto.
Beesha Mudulood oo ah geed fadhiga dhamaan beelaha Soomaaliyeed 20 – kii sano ee lasoo dhaafay waxaa ku dul habsaday masiibo aad u weyn waxeyna noqotay beesha ugu tafaraaruqa iyo kala daadsanaanta badan taas oo ku timid in ay hogaan u noqdeen shakhsiyaad dhuuni qaatayaal daneystayaal ah magacii iyo haybadii beesha dhaafsaday lafa lafeysi iyo shilimaad raqiis ah.
Waxaa khasab ku ah Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta,Culumaa’udiinka,Ganacsatada,Odoyaasha dhaqanka,Wax garadka,Haweenka iyo DHalinyarada Beesha Mudulood in ay si dhab ah ugu istaagaan ka samata bixinta xaalada qalafsan ee ay xiligan ku sigan tahay beeshooda ee kala daadsanaanta iyo towfiiq la’ aanta ku timid ee beesha Mudulood maanta soo taagtay heerka nliita .
In lagu talaabsado dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi waa rajo wanaagsan,laakiin waxaa kahoreeya in marka hore la’isu keeno, la mideeyo, lana dhiso jaaliyadaha min dal ilaa Qaarad ( Yurub, Amerika, asia iyo Afrika ) dabadeedna loo gudbo Turxaan bixinta Muduloodka ku sugan dalka gudihiisa taa oo horseedeysa in iyadoo lawada jiro hal jihana loo wada socdo loo istaago ka dhabeynta dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi.
Wax aan daal iyo dhalanteed aheyn sooma kordhineyso in WEB SIDE loo huwiyay waax iyo waadi magacyada 3 ilaa 4 xubnood oo xambaarsan gudiga abaabulka maamul goboleedka waax iyo Waadi ladu soo bandhigo ee muhiimadu waa in xaqiiqda la wajaho loona istaago in daacadnimo aan barax laheyn iyo aqoon wax lagu maareeyo taa oo la oran karo waqtigeeda iyo biseylkeedaba wali cagta ma saarin xubnahaas tirada yar.
Marka indho aqooneed lagu fiiriyo dhirin dhirin dhab ahna lagu sameeyo maxsuulka kasoo baxaya beenta raqiiska ah ee shakhsiyaadka tirada yari dhoo dhoobayaan waxaa kuu muuqaneysa in xaaladu kusoo gaba gaboobi doonto WAAN SOCON WEYNAYE AAN ORODNO, Waxaa xanuun badan leh uur kutaalo aan hareyna noqotay fursadii mudulood ka luntay 20 – kii sano ee lasoo dhaafay, heerka liita ee maanta mudulood gaarsiiyay in degaanadiisa lagu gumeysto isagoo aan wax ka dhiidhin ah sameyn karin waxaa sabab u noqday ducafadii daneystayaasha luf luf doonka ahaa ee hogaanka u noqday beesha ,in xooga ugu muhiimsan mudulood ABGAAL CUSMAAN jufo jufo loo qeybiyo la iskana horkeeno in ay iyaga is baabi’ iyaan cadowna isu arkaan waxey aheyd istaraatijiyad axmaqnimo oo ay jeexeen ducafadii afduubatay hogaanka siyaasadeed ee beesha mudulood.
Bal aan dib u xusuusano Oraahdii dhaxal galka noqotay ee murti aqoonka Soomaaliyeed FAARAX SEEFEY ee aheyd Abgaal cusmaan abgaal kaluu usha iyo eebada u wataa, waxeyna dhulucda biyo kama dhibcaanka ahi tahay in abgaal sal u yahaybur burka lixaadka leh ee ku dhacay beesha mudulood 20 – kii sano ee lasoo dhaafay waxaana gaba gabadii leeyahay dhismaha maamul goboleedka waax iyo waadi oo ay dhoodoobayaan shakhsiyaadka tirada yar laab lakac ku dhisan riyo maalmeed dhalanteed ah.
Qalinkii Qoraa sare.
Muse Mohamed Osman
Cabdi-Bashiir Cilmi(Indha-Buur)
Maamulaha Gubta.com






