Sahro Cumar Maalin oo Faahfaahin Ka Bixisay dastuurka Cusub
Sahro Cumar Maalin, gudoomiyha gudiga Dastuurka, ayaa soo bandhigtay Dastuurka dalka uu yeelanayo iyadoo islamarkaana faah faahin dheeraad ah ay ka bixisay waxyaabaha uu ku saleesan yahay Dastuurka dalka Soomaaliya.
Sahro Cumar Maalin, waxaa ay sheegtay in Dastuurkan cusub inuu ku saleysan yahay shareecada Islaamka.
Maxamed Siyaad Barre (Madaxweynihii hore ee dalka) wuxuu oran jiray Shuuciyada iyo Diinta Islaamka wax farqi ah oo u dhaxeeya ma jiraan.
Gudoomiyha gudiga Dastuurka, Sahro Cumar Maalin, oo saxaafadu kula hadlashay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo saxaafadda loogu soo bandhiga Dastuurka, ayaa waxaa ay sheegtay in Dastuurkani uu yahay wax bulshada ka dhaxeeya.
Qore. Cali Karuur
Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-Buur)
Maamulaha Gubta.com







