Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirishiid oo isu Bir Tumanaya

shiikh Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirishiid oo isu Bir Tumanaya

Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid ayaa Khilaaf  ba’an soo kala Dhex Galay, Xili Dagaalo Qaraar ay ka Socdaan Magaalada Muqdisho, Kaa soo Khasaare ba’an u Geestay Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa doonaya inuu ka takhaluso Ra’iisul wasaarihiisa, Halka Cumar Cabdirishiid-na uu doonayo inuu xajisto booskiisa.

omar Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirishiid oo isu Bir Tumanaya

Dhaqdhaqaaqa Labadan Masuul ee wadaan  ayaa keentay in Sicirka lagu kala iibsanaayo Xildhibaanada Baarlamaanka uu Cirka Isku shareero.

Ciidamada Amisom ayaad moodaa inay Kaga Welwel Badan yihiin oo Difaacayaan Inta yar ee Dawlada Gacanteeda Ku Jirta, Halka madaxdiina ay ku mashquul san yihiin sidii uu mid-ba mid kale kaga takhaluso.

Arrintan waxay cadeenaysaa in Masiirka Soomaaliya uu Ku jiro Dawlado Shisheeye, Kuwo na horboodaya oo aan moodno inay na matalaan  ay yihiin kuwi la oran jiray “Shimbira yahow Heesa, Heesa Heesa Heesa, Hees wanaagsan Heesa”.

Qore. Cali Karuur

gubtanews@yahoo.com

Cabdi-Bashiir Cilmi(Indha-Buur)

Maamulaha Gubta.com

 

Posted by gubta on Sep 2 2010. Filed under Main News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in