Dhaagaxtuur oo loo Magacaabay Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka

ma Dhaagaxtuur oo loo Magacaabay Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa wuxuu u magacaabay Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka dawlada KMG Soomaaliya gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max’ed Cusmaan Dhaagaxtuur.

Golaha Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa isku raacay in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka laga dhigo Max’ed Cusmaan Cali Dhahagaxtuur.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharma’arke, oo shir gudoominayay Kulankaani golaha wasiirada Dawlada KMG Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa Waxay magacaabista ka hor warbixin ka dhageysteen wasiirka arimaha dibada Dawlada KMG Soomaaliya Yuusuf Dheeg oo ka warbixiyay socdaalo uu ku soo maray qaar ka mid ah wadamada Caalamka sida uu boggan Gubta.com u sheegay Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah la taliyaha dhinaca Saxaafada ee Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Qore: Cali Karuur

gubtanews@yahoo.com

Cabdi-Bashiir Cilmi (Indha-buur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 2 2010. Filed under Main News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in