Alshabaab oo Cabsi Ka muujiyey In Ciidamada Maraykanka Duqayaan

f16 Alshabaab oo Cabsi Ka muujiyey In Ciidamada Maraykanka Duqayaan

Wakiilka gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo maanta saxaafada kula hadlayay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey in diyaaradaha dagaalka Maraykanka duqeeyaan saldhigyada Alshabaab. Wakiilka wuxuu ka codsaday shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir inay gacan siiyaan Xarakada Al Shabaab.

Wakiilka Gobolka Banaadir ee Xarakada AL Shabaab ayaa sheegay in  dagaalada Muqdisho ka socda haatan ay ku sii biiri rabaan diyaaradaha  dagaalka ee reer galbeedka, khaasatan Maraykanka.

Wakiilka ma sheegin siday shacabka u caawini karaan Alshabaab haddi duqaymaha acirk ay ka cabsanayaan ee  dhacaan.

Codsig Alshabaab ayaa yimid kadib dagaalo maalmihii la soo dhaafay si xariir ah uga dhacayay Magaalada Muqdisho  islamarkaana u dhaxeeyay dowladda KMG Soomaaliya iyo xarakada Al Shabaab ayaa maanta masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shababa waxaa ay ugu baaqeen buslahada ku dhaqan gobolka Banaadir inay ka gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Cali Max’ed Xuseen Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Al Shabaab waxuu dafiray inay madaafiic ka tuuraan gudaha Suuqa Bakaaraha.

Qore:  Cali Ugaas

gubtanews@yahoo.com

Cabdi-Bashiir(Indha-Buur)

Maamulaha Gubta.com

Posted by gubta on Sep 1 2010. Filed under Main News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Log in